Maxaysan Israa'iil u ogolayn in deriskeedu Nukliyeer haystaan, halka ay ayadu haysato

Israa'iil waa dalka kaliya ee ka tirsan Bariga Dhexe oo ku hubaysan bambooyinka Nukliyeerka. Ma dafirto mana rumaysna khatarta hubkan. Waxaa la aaminsan yahay in dalkaasi uu haysto 90 ama in ka badan oo bambaanooyin nukliyeer ah.
Sannadkii 1986-kii, saynisyahankii Israa'iil ee cilmiga Nukliyeerka Mordecai Vanunu wuxuu si cad u sheegay in waddankiisu uu si qarsoodi ah u dhisay xoojiye nukliyeer ah oo uu isku hubeeyay bam nukliyeer ah.
Waxa uu dalka isaga baxay isaga oo u baqaya ammaankiisa, sababtoo ah waxa uu daaha ka qaaday sir ay Israa'iil haysay sannado badan. Balse waxaa la xiray waardiye Israa'iili ah waxaana lagu xukumay 18 sano oo xarig ah isagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran iyo inuu faafiyay xog sir ah.
Kadib 18 sano oo xabsi ah, waxaa laga mamnuucay inuu ka baxo Israel.
In kasta oo Israa'iil ay lafteedu haysato bambaanooyinka Nukliyeerka, haddana ma aha mid ka joojinaysa barnaamijka tayeynta Nukliyeerka ee dalalka kale. Waxa ay marar kala duwan faraha la gashay arrimaha wadamada kale iyada oo qaaday weerarro cad iyo kuwo qarsoon. Laakiin waa maxay?
Israa'iil ayaa waqtiyo kala duwan bariga dhexe ka fulisay tilaabo militari oo ka dhan ah barnaamijyada tayeynta Nukliyeerka ee saddex dal oo kala ah Ciraaq, Suuriya iyo Iran.
Inkastoo ay haysato bambaanooyinka nukliyeerka, sababta ugu weyn ee ay u cuskanayso in si qasab ah ay uga joojiso wadamada sheeganaya inay u isticmaalaan barnaamijyada kobcinta nukliyeerka cilmi baarista iyo ilaha tamarta waa "walaaca amniga".
Israa'iil waxaa la aas aasay 1948-kii, waxayna xiriir la sameysay dalalka Bariga Dhexe. Waxay dagaallo waaweyn la gashay dalalka Carabta.
Waxay si toos ah ula dagaalantay Masar, Suuriya, Lubnaan, Urdun, iyo wixii la mid ah. Waxaa si bareer ah loogu weeraray Iran muddo laba toddobaad ah sanadkan.
In kasta oo Masar iyo Urdun ay nabad la gaareen, haddana dalal ay ka mid yihiin Suuriya iyo Iran ayaan weli xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Israa'iil.
Waxa ay Iiraan is-dagaalayeen muddo ku dhow laba toddobaad tan iyo 13-kii bishii Juun ee sannadkan.
Israa'iil waxay tillaabo adag ka qaadday dalal ay ka mid tahay Iran, iyadoo sheegtay inay khatar ku tahay ammaankeeda haddii ay tayayso Uranium-ka heer ka baxsan heerka nabadda.
Aynu eegno qaar ka mid ah dalalka ay Israa'iil ku weerartay barnaamijkooda Nukliyeerka.
Ciraaq – Hawlgalka Opera
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Israa'iil waxay billowday inay carqaladayso barnaamijka kobcinta nukliyeerka ee Bariga Dhexe ee Ciraaq. Xilligii Saddam Hussein, Ciraaq ayaa la sheegay inay dhistay cudud ciidan oo xooggan.
Waxay ka dhistay ciidan xooggan bariga dhexe, kuwaasoo gaar ahaan ku hubaysan diyaaradaha dagaalka iyo gantaalaha Ruushka - taasi waxay walaac ku ahayd Israa'iil.
Dhinaca kale, barnaamijka tayeynta Nukliyeerka ee Ciraaq ka bilowday ayaa walaac dheeraad ah ku noqday Israa'iil. Barnaamijka tayeynta Nukliyeerka ee Ciraaq waxa uu ku yaalaa meel dhowr kilomitir u jirta caasimadda Baqdaad.
Taliskii Saddaam Xuseen waxa uu dawladda Faransiiska kula heshiiyey in la dhiso xarun lagu tayeeyo Nukliyeerka. Sidaa darteed, saynisyahano Faransiis ah ayaa bilaabay inay dhisaan xarun lagu kobciyo nukliyeerka oo lagu magacaabo Osiraq, oo wax yar u jirta Baqdaad.
Inkasta oo Ciraaq ay ku dhawaaqday in tayeynta Nukliyeerka ay tahay cilmi-baaris iyo ujeeddooyin nabadeed, Israa'iil ma rumaysnayn. Waxa ay go'aansatay in ay qaaddo hawlgal qarsoodi ah iyada oo ku marmarsiyoonaysa in Saddaam Xuseen oo hore u caddeeyey uu isku hubayn doono Bam Nukliyeer ah.
Waxay ahayd markii uu socday dagaalkii siddeedda sano ee u dhexeeyay Iran iyo Ciraaq. Weerarkii Saddaam Xuseen ee Iran 1980 kii ayaa fursad u abuuray Israa'iil. Israa'iil waxay u aragtaa labada dal cadow.
Maamulka Saddaam Xuseen ayaa lagu dhaleeceeyay inuu diyaarinayay sarreynta Ciraaq ee Bariga Dhexe. Duullaankii uu ku qaaday dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Kuwait ayaa muujinaya in Saddam uu u dhaqaaqay in uu kaligii ka muuqdo Bariga Dhexe.
Sannadkii 1981-kii, diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil F-15 iyo F-16 oo ka qayb qaadanaya hawlgalka Opera ayaa weeraray oo burburiyay xarun Nukliyeer ah oo ku taallay Ciraaq.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado xarun Nukliyeer ah oo ka dhaca dal kale. Waxa uu sheegay in markii Israa'iil ay qaadday howlgalka, ay dhammaatay dhismaha warshaddii Nukliyeerka ee Ciraaq.
Faransiiska ayaa aad uga carooday howlgalka israa'iil. Madaxweynihii hore ee Faransiiska Jacques Chirac ayaa cambaareeyay weerarka Israa'iil.
Suuriya – Hawlgalka "Outside the Box"

Suuriya iyo Israa'iil waxaa ka dhexeeya cadaawad soo jireen ah. Suuriya waxa ay ka mid ahayd dalalkii Carbeed ee dagaalka la galay Israa'iil, gaar ahaan dagaalkii lixda maalmood ee socday iyo dagaalkii Oktoobar ee 1967 iyo 1973.
Jabka labada dagaal ka soo gaaray, Suuriya waxay lumisay xuduudkeeda buuraha Golan, oo weli ku jira gacanta Israa'iil.
Labada dal ilaa hadda ma jiro xiriir diblomaasiyadeed. Dhinaca kale, Iran oo lagu tiriyo cadawga ugu weyn ayaa xiriir adag la leh dowladda Suuriya.
Sannadkii 2004-tii, Israa'iil waxay heshay xog sir ah oo ku saabsan in Suuriya ay billowday barnaamij lagu tayeynayo nukliyeerka oo ay taageerayaan khubaro laga yaabo inay Waqooyiga Kuuriya ka yimaadeen.
Waxay xaqiijisay dhismaha warshadda tamarta Nukliyeerka ee al-Kibar ee gobolka Deir al-Zour, oo 450 km u jirta caasimadda Dimishiq.
Ciidamada Israa'iil ayaa la yimid qorshe ay ku weerarayaan xarunta Nukliyeerka ee Suuriya waxayna u bixiyeen "Howlgalka ka baxsan sanduuqa".
Habeenimadii Febraayo 5, 2007 waxaa la weeraray dayuuradaha dagaalka ee Israel F-15 iyo F-16. Si ay uga baxsadaan nidaamka difaaca cirka ee Suuriya, waxay ka gudbeen badda Mediterranean-ka, waxayna ka weerareen xarunta Nukliyeerka ee Suuriya ee xadka Suuriya iyo Turkiga.
Suuriya kuma soo laaban tayeynta Nukliyeerka tan iyo markii ay burburtay gebi ahaanba warshaddii Nukliyeerka ee Suuriya.
Dowladda Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay xilligaas ku sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay weerar ku qaadeen dhismo ku dhex yaalla saldhig milateri, balse ma aysan sheegin in saldhigga Nukliyeerka la weeraray.
Israa'iil sidoo kale ma aysan soo hadal qaadin weerar ay ku qaadday xarun Nukliyeer ah oo Suuriya ah xilligaas. Sannado ka dib, 2018, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu si cad ugu dhawaaqay weerarkii 2007 ee xarun Nukliyeer ah oo Suuriya ah.
"Dowladda Israa'iil, Ciidanka Israa'iil iyo Mossad waxay Suuriya ka dhigeen mid aan awoodin in ay siku hubayso Nukliyeer" Netanyahu ayaa ku soo qoray bogga X, isagoo ammaanay ciidamada dalkiisa iyo kuwa ammaanka.
Hawlgalka Rising Lion
Hawlgalkan ayaa ahaa kii ay Israa'iil ku qaadday 13 Juun dalka Iraan, ayadoo bar-tilmaameedsatay goobaha nukliyeerka, janannada ciidanka, iyo saynisyahannada barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Hawlgalka ayaa waxaa ka dhashay in Iran ay gantaallo ku weerarto magaalooyin ku yaalla Israa'iil, wuxuuna dagaalka labada dhinac 12 maalmood, markaasoo uu soo afjaray Maraykanka oo kuqeeyey goobaha dhulka hoostiisa ee loo malaynayo inay Iiraan ka wadday barnaamijka nukliyeerka.
Israa'iil waxay ka mid tahay dalal yar oo aan saxiixin heshiiska joojinta fidinta nukliyeerka.













