Muuqaallo muujinaya burbur soo gaaray goobaha nukliyeerka Iiraan

DAYAXGACMEED

Xigashada Sawirka, MAXAR/BBC

Muuqaallo dayaxgacmeedka uu qaaday oo BBC-da lala wadaagay ayaa muujinaya sawirada waxyeelada soo gaartay labo goobood oo muhiim u ah nukliyeerka Iran iyo sidoo kale bartilmaameedyo kale oo militiri.

Sawirrada oo ka yimid labo meel oo kala duwan ayaa lagu arkayaa waxyeelada gaartay saldhigga nukliyeerka ee Natanz iyo sidoo kale saldhig gantaalo oo ku yaal koonfurta magaalada Tabriz kuwaas oo lagu duqeeyay weerarkii koowaad ee Jimcihii lagu qaaday Iiraan.

Sawirada kale ayaa muujinaya saldhigyo kale oo la yaqaan. Israel waxay duqeysay saldhigyo badan oo ku yaal Iran kuwaas oo sababay weeraro rogaal celis ah.

Goobaha nukliyeerka

Muuqaalladii ugu dambeeyay ee soo saaray dayaxgacmeedka Maxar ayaad ka arkeysaa sawirada wixii ku dhacay goobaha muhiimka nukliyeerka Iran ee Natanz iyo Isfahan.

Saldhigga Natanz waxaad ka arkeysaa burburka gaaray qeybta shidaalka ee warshada kobcinta iyo tan korontada sida ay sheegeen falanqeeyayaal ka socda Machadka Hawada Sare iyo Ammaanka ee loo soo gaabioyo (ISIS).

Nukliyeerka Iran

Xigashada Sawirka, TELEGRAM

Madaxa hay'ada tamarta nukliyeerka caalamiga, Rafael Grossi, ayaa jimcihii u sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in la burburiyay qeybta sare shidaalka ee warshada naaxinta halkaas oo Iran ku naaxineysay Yuraaniyaamka ilaa iyo 60%.

Yuraanimamka 235 waxay muhiim u tahay warshadaha koronta nukliyeerka iyo sidoo kale tan hubka.

Muuqaallo la xaqiijiyay oo laga qaaday waxyar kaddib duqeynta ayaa muujinaya dhowr meel oo ka mid ah goobta nukliyeerka oo qiiq ka baxaya.

Justin Bronk oo ka tirsan machadka RUSI ayaa BBC-da u sheegay xaqiijintaas isagoo sheegay in sida uu qaraxa u egyahay ay ku tusineyso in la adeegsaday bambooyinka xoogga wax ku duleeliya. Waxaa suuragal ah in ay yihiin nooca loo yaqaan GBU-31(V)3 ama kuwa kale oo gaar ah.

DAYAXGACMEED

Xigashada Sawirka, MAXAR

Hubkan oo loo yaqaan "kuwa ka gudbo meelaha adag" waxay Israel hore ugu isticmaashay gododka dhulka hoostiisa ee Gaza iyo Lubnaan.

Si kasta ha ahaatee, Mr Grossi waxa uu sheegay "in aysan jirin wax muujinaya in weerarka toos uu u gaaray qeybta dhulka hoose ee ay ku jiraan qeybo ka mid ah shidaalka lagu naaxiyo warshada iyo kan ugu weyn ee warshada naaxiya".

Sabtigii ayey hay'ada quwada atoomikada adduunka IAEA xaqiijisay in "afar dhismo oo muhiim ah" ay waxyeelo soo gaartay kuwaas oo ku yaal Isfahan, waxaana ku jira goobo lagu badelo Yuraaniyamka iyo kuwa shidaalka.

BBC Verfy oo ah qeyb wax xaqiijisa ayaa baaris ku sameysay muuqaalladii ugu dambeeyay ee laga helay dayaxgacmeedka Maxar, waxayna ogaatay in waxyeelo muuqato ay gaartay ugu yaraan labo dabaq oo ka mid ah saldhiga Isfahan iyo mid kale oo ka muuqday dhinaca warshada.

DAYAXGACMEED

Xigashada Sawirka, CHRIS BIGGERS/UMBRA SPACE

Hay'ada quwada atoomikada IAEA waxay sheegtay "in shucaaca goobta uusan kordhin", waana la diwaan geliyay Natanz iyo Isfahan.

Dayaxgacmeedka Maxar wuxuu sidoo kale qaaday sawirada goobaha kale nukliyeerka ee Iran kuwaas oo muujinaya in waxyeelo muuqato ay soo gaareen, gaar ahaan madaxa biyaha culus ee Arak iyo goobta naaxinta ee Fordow.

Warbaahinta Iran waxay sheegtay in la duqeeyay saldhiga Fordow balse IDF way beenisay warkaas.

Gantaallada iyo goobaha raadaarka

Muuqaallada iyo faahfaahinta Jimcihii ee dayaxgacmeedka Umbra waxaa lagu arkayaa in dhowr qeybood oo ka mid ah saldhiga gantaalada ay waxyeelo soo gaartay. Saldhigaas wuxuu u dhow yahay magaalada Tabriz ee waqooyi galbeed Iran.

Goobaha la duqeeyay waxaa ku jira meelo hub ku keydsanaayeen iyo goobaha gantaalada la dhigo sida ay sheegeen qeybta muuqallada sharxda ee dayaxgacmeedka Umbra.

DAYAXGACMEED

Xigashada Sawirka, PLANET LABS PBC

Magaalada Kermanshah muuqaallo dayaxgacmeedka qaaday ayaa muujinaya dab ka kacay meel u dhow saldhig gantaalo iyo labo dhismo oo burbur soo gaaray.

Muuqaallada oo la xaqiijiyay Jimcihii waxay muujinayaan in ugu yaraan saddex qiiq oo weyn ay ka baxeen saldhigga.

Sawirada dayaxgacmeedka Maxar waxay sidoo kale muujinayaan waxyeelo weyn oo soo gaartay mid ka mid ah dhismooyinka ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGG.