Sidee uga qoomameeyey ninkii sameeyey bamka Nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay ahayd subaxii hore ee 16ka bisha Luulyo 1945, Robert Oppenheimer waxa uu ku sugayay meel bar kantarool ah wakhtigaas oo bedeli doonta adduunka. Qiyaastii 10 km meel jirta ayaa la go’aamiyey in lagu tijaabiyo bamka atomiga ee ugu horeeyay taariikhda, kaas oo lagu magacaabay "Trinity", waxaa la qorsheeyay in lagu dhufto saxaraha Jornada del Muerto ee gobolka Maraykanka ee New Mexico.
Oppenheimer wuxuu waligiis ahaa caato, balse saddex sano ka dib markii uu agaasime ka noqday mashruucii "Project Y," gacanta sayniska ee machadka "Manhattan Engineer District" oo naqshadeeyay isla markaana sameeyay bamka, miisaankiisu wuxuu hoos ugu dhacay 52 kiilo. Marka loo eego dhererkiisa oo 1.78 mitir ahaa, aad buu u caato u ahaa. Habeenkaas waxa uu seexday afar saacadood oo keliya, isaga oo ku soo jeeday walaac iyo qufac maadaama uu sigaarya cab ahaa.
Maalintaas 1945-ka waa mid ka mid ah dhowr xilli oo muhiim u ah nolosha Oppenheimer sida ay ku tilmaameen taariikhyahannada Bird iyo Martin J Shirwin buuggooda ay qoreen 2005, kaas oo ugu lagu saleeyay filinka biopic Oppenheimer oo Maraykanka lagasii daayey 21-kii July ee sannadkaas .
Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee tirinta, sida Bird iyo Sherwin ay buuggooda uga sheekeynayaan, Jeneraalka ciidan ayaa si dhow u eegayey xaaladda maskaxeed ee Oppenheimer.
Markii uu dhacay qaraxa bamka la tijaabinayey, waxa uu ka iftiin weynaaday cadceedda. Awood u dhiganta 21 kiloton oo maadada TNT ah, qarxinta ayaa ahayd tii ugu waynayd ee abid la arko.
Waxay abuurtay mawjado cadaadis ah oo laga dareemay meel 160km (100 mayl) u jirta goobta tijaabadu ka dhacday. Markii guuxa la maqlay cirkana ay gashay uuro sida daruurta oo kale ah, Oppenheimer hadalkiisa waxa uu noqday mid "nafis aad u weyn" ka muuqdo. Daqiiqado ka dib, Oppenheimer saaxiibkiis iyo ninka ay wada shaqynayeen Isidor Rabi ayaa meel fog ka arkay: "Weligay ma iloobi doono socodkiisa; Weligay ma ilaawi doono qaabkii uu gaariga uga soo baxay... socodkiisu wuxuu mid sare.
Wareysiyo la qaaday sannadihii 1960-meeyadii, Oppenheimer waxa uu falcelintiisii xilligaas kusii daray micno dheeri ah, isaga oo ku andacoonaya in, daqiiqado ka dib qaraxa bamka, ay maskaxdiisa kusoo dheceen aayado ku yaal kitaabka Hinduuga ee Bhagavad Gita: "Hadda waxaan noqday geeri , burburiyaha aduunka.”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmihii xigay, saaxiibbadiis ayaa sheegay in uu u muuqday mid niyad-jabsan. "Robert aad buu u aamusay una walwaalsanaa muddadaas labada toddobaad ah," mid ayaa yiri, "sababtoo ah wuxuu ogaa waxa dhici doona." Subax subaxyada ka mid ah ayaa la maqlay isaga oo erayo quus ah kaga calaacalaya ka barooranaya masiirka soo socda ee Jabbaan: "masaakiintaas yaryar." Laakin maalmo uun ka dib, wuxuu mar kale dareemay dareen cabsi iyo feejignaan ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kulan uu la qaatay dhiggiisa ciidamada, waxa uu u muuqday mid ilaaway wax walba oo ku saabsan "dadkaas masaakiinta ah". Sida laga soo xigtay Bird iyo Sherwin, isaga ayaa taas beddelkeeda lagu mashquuliyey muhiimada ay leedahay shuruudaha saxda ah ee bamka: "Dabcan, waa inaan la ridin xilli roobaad ama ciiryaamo… waa inaan meel sare lagusoo tuurin haddii kale burbur badan masoo gaarayo bartilmaameedka." Markii uu ku dhawaaqay bamkii hirgalay ee Hiroshima dad badan oo ka mid ah asxaabtiisa wax ka yar bil ka dib qarxintii Trinity, mid ka mid ah dadkii daawanayay ayaa dareemay habka Oppenheimer "uu isku duubay oo uu madaxa gacanta u saaray sidii dagaal yahan guuleystey". Sacabka ayaa "si dhab ahaantii saqafka tuuray".
Oppenheimer wuxuu ahaa dareenka iyo caqliga mashruucii Manhattan: Wuxuu xaqiijiyey hirgelinta bamka marka loo eego qof waliba oo kale Jeremy Bernstein oo isaga la shaqeeyay dagaalkii ka dib ayaa aaminsan in cid aan isaga ahyni samayn karteen. Sida uu ku qoray buuggiisa xusuus qorka ah ee Portrait of an Enigma 2004 tii, "Haddii Oppenheimer uusan ahaan lahayn agaasimaha Los Alamos, waxaan ku qanacsanahay in wanaag iyo xumaanba dagaalkii labaad ee aduunka uu dhammaan lahaa ... iyada oo aan la isticmaalin hubka nukliyeerka."
Kala duwanaanshaha falcelinta Oppenheimer ee la soo sheegay markii uu goob joog u ahaa midhihii shaqadiisa, iyadoo aan la xusin xawaaraha uu ku dhex socday, waxay u muuqan kartaa jahawareer. Isku darka daciifnimada neerfayaasha, hamiga iyo qabka, waa ay adagtahay in lagu soo koobo hal qof, gaar ahaan mid ka mid ah qalabyada mashruuca kicinaya jawaabahaas.
Bird iyo Sherwin waxay sidoo kale ugu yeeraan Oppenheimer "qof an la fahmi karin": "Fiisigiste aragtiyeed oo soo bandhigay sifooyinka soo jiidashada ee hoggaamiye weyn.












