Putin oo hubka Nukliyeerka ku hubeeyay dal aan laga fileyn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha dibadjooga ah ee Belarus Svetlana Tikhanovskaya ayaa ka digaysa halis ka imaada tilaabada uu Ruushku hub nukliyeer ah ku siinayo dalal aan xeebta laheyn ee bariga Yurub ku yaal.
Ninka dalkan hadda xukuma, Alexander Lukashenko ayaa horey u xaqiijiyay in qeybtii ugu horreysay ee kantaalo iyo bombooyin nukliyeer ah oo ka yimid Moscow inay soo gaareen Belarus. Wax yar Kadib hadalkaas, hoggaamiyaha dibadjooga ah ee Belarus Svetlana ayaa ka digtay khatarta ka dhalan karta in hubka nukliyeerka ee Ruushka loo gacangeliyo ‘keli-taliye waalan’.
Svetlana oo ku sugan magaalada Warsaw ee caasimadda Poland oo la hadashay BBC waxa ay ku eedeeysay madaxda reer galbeedka in ay ka aamusan yihiin hubka nukliyeerka Ruushka ee dibada dalkaas loo daadgureenayo markii ugu horreysay kadib burburkii Midowga Soofiyeeti sanadkii 1991.
Madaxweynaha keli-taliska ah ee Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inay heleen hubkaas xilli uu la hadlayay telefishinka dowladda Ruushka. Inta uu wareysigaas socday waxaa ka dhex muuqanayay gawaari ciidan iyo qalab militari. Waxaa uu madaxweynaha Belarus sheegay inay heleen hubkaas kahor xilliga ay filanayeen. Madaxweynaha ayaa ku jawaabay ‘Mar qura ma aynan wada helin hubka, laakiin si isxigxigta ayaa u helnay’, markii uu weriyaha telefishinka uu weydiiyay faahfaahin. Lukashenko ayaa loo arkaa in uu yahay isbaheysi muhiim u ah Ruushka, iyada oo ay Belarus kaalin weyn ku leedahay dagaalka Putin ee ka dhanka ah Ukraine.
Sababta uu Lukashenko u faraxsan yahay?

Xigashada Sawirka, Reuters
Lukasheno oo u muuqda in uu raadiyo si uu uga carreysiiyo reer galbeedka ayaa sheegay in hubka Nukliyeerka ee Ruushko in uu saddex jibaar ka xoog badan yahay kii uu mareykanku ku dhuftay Nagasaki iyo Hiroshima intii uu socday dagaalkii koowaad ee dunida. Waxa uu tilmaamay in uu hubkan u weydiistay Moscow inay dib ugu soo celiso si uu isaga difaaco waxa uu ugu yeeray duulaanka shisheeye. Laakiin taas waa duulaan iyo cabsi been-abuur ah oo u adeegsado in u uku caburiyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Waxa uu xukunka hayaa ilaa sanadkii 1994tii, isaga oo guul ka sheegtay doorashadii madaxweyne ee 2020ka ee natiijadeeda la isku khilaafay. Si la mid ah Ukraine iyo Kazakhstan, Belarus ayaa hubkeeda nukliyeerka ah ku wareejisay Ruushka 1990kii, iyada oo uga bedeladay heshiis balanqaadayay in Ruushku difaaci doono Belarus. Laakiin qorshaha hubeynta Belarus waxa uu xitaa ka horimaanayaa heshiiskaas.
Muxuu yahay hubka Nukliyeerka ee Ruushku siiyay Belarus?

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyne Putin ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay qorshaha hubka nukliyeerka loogu wareejinayo Belarus bishii Maarso ee sanadkan. Waxa uu sheegay in Mareykanku uu Yurub kusoo daadgureeyay hub la mid ah kuwan. Waxa uu xusay in hubka lagu wareejin doono Belarus marka la diyaariyo goobaha lagu heyn karo, laakiin madaxweynaha Belarus ayaa sheegay inay heystaan oo dayactireen goobo badan oo ay hubkaas ku keydin karaan. Dowladda Moscow waxay sheegtay in maamulka hubka uu gacnata ugu jiri doono iyada.
Hubkan Nukliyeerka ma ahan kuwa ridda dheer laakiin waa gantaalo khatartooda leh oo loogu talogalay difaac. Alexander Lukashenko waxa uu sheegay in uusan qorsheyneynin in uu Mareykan la dgaaalo, laakiin uu adeegsan doono hubkan difaac oo keliya. Waxa uu intaa ku daray in gantaaladda qaarkood ay gaari karaan ilaa shan boqol oo kiilomitir.
Laakiin hoggaamiyaha dibadjooga ee Belarus ayaa ka walaacsan aamusnuunta reer galbeedka, iyada oo sheegtay in Yurub hadda aysan u arkin arrinkan khatar cusub. Taas ayay ku sheegtay sababta aysan ugu qaadan arrin weyn oo dhab ah. Waxa ay Svetlana intaas ku dartay in Ruushku hadda Nukliyeer ku daldalayo gobolka fog ee galbeedka ku yaal ee Kaliningrad la yiraa. Waa gobol ku began Poland iyo dalalka kale ee Baltic dhaca ee xubnaha ka mid ah gaanshaanbuurta NATO.













