Colaadda Ukraine: Waddanka 'la jira Ruushka ee shacabkiisuna ay u dagaallamayaan dhanka kale'

Sida ay BBC-da ku heshay xog, waxaa suuragal ah in Ukraine ay hadda ka dagaallamayaan in ka badan 200 oo qof oo reer Belarus ah oo kasoo horjeeda Ruushka

Xigashada Sawirka, SCREENSHOT

Qoraalka sawirka, Sida ay BBC-da ku heshay xog, waxaa suuragal ah in Ukraine ay hadda ka dagaallamayaan in ka badan 200 oo qof oo reer Belarus ah oo kasoo horjeeda Ruushka

Toddobadii maalmood ee uu socday dagaalka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine waxaa isasoo tarayay wararka ku saabsan waddamada la kala safan labada dhinac ee is haya.

Reer Galbeedka ayaa Ukraine ku garab taagan dhinaca hubka halka Ruushkana ay ku cadaadinayaan cunaqabateynno xooggan oo ay uga jawaabayaan dagaalka uu ku qaaday waddanka deriska la ah.

Ruushkana waxaa si toos ah dagaalka ugu caawineysa dowladda Belarus oo lagu eedeeyay in ay dhankeeda ka weerartay Ukraine, ciidamada Ruushkana u fasaxday in ay adeegsadaan saldhigyadeeda militeri.

Hase ahaatee waxaa lasoo tebiyay in ay aad usii badanayaan dadka u dhashay Belarus ee ka fikrad duwan dowladdooda, kuna biiraya dagaalka iyagoo difaacaya Ukraine.

Xilli uu madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko, isku dayayo in uu caalamka ka dhaadhiciyo in ciidamada waddankiisa aysan qayb ka ahayn howlgalka militeri ee Vladimir Putin, dalalka reer Galbeedkuna ay ku eedeynayaan in uu si toos ah u garab taagan yahay Moscow, dhanka kalena waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhashay Belarus ee ka barbar dagaallamaya ciidanka Ukraine.

Sida ay sheegeen warar aan la xaqiijinin, qiyaastii 200 oo qof oo u dhashay Belarus ayaa ku sugan Ukraine, waana dad si iskood ah isusoo xilqaamay.

Waxaa lasoo tebiyay in dadkaasi ay yihiin rag ay da'doodu u dhaxeyso 20 ilaa 50 sano, waxa ayna sheegayaan in ay Ukraine ka difaacayaan wax ay ku tilmaameen "gardarrada Putin".

BBC-da laanteeda luuqadda Ruushka ayaa la hadashay qaar ka mid ah dadkaas.

Duulaanka Warsow ilaa Kyiv

"Waxaan diyaar u ahay inaan ku dagaallamo wax kasta: sida hub, toori iyo wax walba oo la mid ah. Meeshan ayaa lagu go'aaminayaa arrinta ku saabsan Ukraine oo xor ah iyo Belarus oo xor ah, waxeennana ma aha ka badbadis iyo buunbuunin," ayuu yidhi Vadim Prokopyev, oo ka mid ah dadka reer Belarus ee isasoo xilqaamay.

Prokopiev waa ganacsade caan ah oo laga yaqaanno Belarus, waana mid ka mid ah shakhsiyaadka mucaaradka ku ah dowladda ee u cararay dhinaca waddanka Poland kaddib markii ay dhacday doorashadii 2020-kii.

Dadka reer Belarus ee isxilqaamay waxay militeriga Belarus ugu baaqeen in ay dhanka kale kasoo jeestaan oo ay Ukraine difaacaan

Xigashada Sawirka, VADIM PROKOPIEV

Qoraalka sawirka, Dadka reer Belarus ee isxilqaamay waxay militeriga Belarus ugu baaqeen in ay dhanka kale kasoo jeestaan oo ay Ukraine difaacaan

Vadim waxa uu BBC-da u sheegay in dabayaaqadii bishii February ay isaga iyo saaxiibbadiis muddo hal saac gudaheed ah ku go'aansadeen inay ku biiraan dagaalka Ukraine, si ay u difaacaan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Waxa ay ku biireen dad kale oo si iskood ah uga soo tagay Belarus oo iyagana billaabay duullaanka ay uga soo tageen magaalada Warsaw ee ay ku tageen Kyiv si ay uga barbar dagaallamaan ciidanka Ukraine.

"Waxaan soo iibsannay gawaari raqiis ah, waxaana ku duceysaneynay in aysan dhexda nooga hallaabin," ayuu yidhi Vadim.

Madaxweynaha Ukraine ayaa isla markii uu dagaalka biloowday ka codsaday shacabka dalkiisa in ay hubka qaataan si ay Ruushka isaga difaacaan.

"Dadka qaar waxay ku hadlayaan luuqadda Belarus qaarna waxay ku hadlayaan luuqadda Ruushka balse ujeeddadoodu waa hal," ayuu kusii adkeeyay hadalkiisa.

Ninkan is xilqaamay ee lagu magacaabo Aleksey waxa uu aaminsan yahay in dadka reer Belarus iyo kuwa Ukraine ay la dagaallamayaan hal cadow oo isku mid u ah
Qoraalka sawirka, Ninkan is xilqaamay ee lagu magacaabo Aleksey waxa uu aaminsan yahay in dadka reer Belarus iyo kuwa Ukraine ay la dagaallamayaan hal cadow oo isku mid u ah

Nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Aleksey ayaa sheegay in uu dagaalkan kusoo biiray maadaama dacwad dembi lagu soo oogay isaga kaddib markii uu ka qayb galay mudaharaadyadii looga soo horjeeday madaxweyne Alexander Lukashenko ee dhacay 2020-kii.

line

Weerarka Ruushka ee Ukraine: Warar dheeraad ah

line

Horaantii isbuucan, waxaa soo baxay warar ay warbaahintu isla dhex marayeen oo sheegayay in dad ay burburinayeen waddooyinka tareennada ee Belarus si ay u hakiyaan tareennada lagu daabulayo militeriga.

Waxaa lasoo tebiyay in la burburiyay waddooyinka tareennada ee ku yaalla ilaa saddex gobol oo ka tirsan Belarus, sidaasna lagu xiray qaybo dhan oo ay tareennada adeegsan jireen.

Signaling equipment was destroyed in three Belarusian regions, and railway lines were blocked.

Labadii bishan March ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Belarus sheegtay in falalka lagu waxyeelleeyay waddooyinka tareennada ay u arkaan falal argagixiso.

Waxa ay dowladdu sheegtay in mas'uuliyadda waddooyinka tareennada Belarus ay la wareegeen xubno ka socda waaxda Arrimaha Dibadda iyo cutubyo ka tirsan militeriga.