Majaajileyste Walker oo ka tegay noolashiisa Toronto si uu uga dagaallamo Ukraine

Anthony Walker

Xigashada Sawirka, Anthony Walker

Todobaad ka hor, Anthony Walker, waxa uu ahaa majaajileyste ay ku xiran yihiin in ka badan 100,000 oo qof, kuna caan baxay inuu dhaliilo taageerayaasha Donald Trump.

Hadda se, ninkan Canada u dhashay waxa uu ku sugan yahay xuduudda ay Ukraine la leedahay Poland, isagoo qeyb ka ah ajaanib doonaysa inay garab siiyaan xukuumadda Kyiv.

Walker oo 29 jir ah ayaa sheegay in sababta ku dhalisay inuu ka tago noolasha wanaagsan ee uu ku haystay Toronto iyo weliba saddexdiisa canug ay tahay muuqaallada uu ka arkay telefishinnada ee ku saabsan dagaalka Ukraine.

"Xaaskeyga ayaan la daawanayay wararka Ukraine, waxaana arkay sawirro iyo muqaallo aan wanaagsaneyn," ayuu u sheegay BBC.

Waxa uu tibaaxay in dareen bani'aadannimo oo keliya uu qaaday, balse uusan wax xiriir ah la lahayn Ukraine.

"Xiriir lama lihi Ukraine, balse waxaan ahay bani'aadan ka qandaqay xaaladda halkaa ka taagan, sidaa ayaana u aaday."

Walker oo aan wax tababar milateri ah lahayn ayaa sheegay in saddex sano ka hor loo diiday inuu ku biiro ciidamada Canada, kadib markii laga helay xanuunka haemophilia ee sababa in dhiigga qofka uusan xinjiro yeelan.

Hase yeeshee waxa uu u tababaran yahay hawlaha gargaarka caafimaad ee degdega ah, waana tan uu doonayo inuu ku caawiyo Ukraine.

Waxa uu sheegay in xuduudda Poland uu ku sugayo dad kale oo u soo gurmaday Ukraine, ayna kamid yihiin askar hore uga tirsanaa ciidamada Canada, UK, Koonfurta Kuuriya iyo Maraykanka.

Marka ay soo gaaraan dadkaas ayuu doonayaa inuu aado magaalada Lviv ee ku taalla Galbeedka Ukraine, kadibna uu uga sii gudbo furimaha dagaalka.

Anthony Walker

Xigashada Sawirka, Anthony Walker

Tan iyo markii uu shaaciyay inuu tegayo Ukraine si uu u caawiyo dalkaas, ayaa waxaa la soo xiriiray dad badan oo doonaya inay ka jawaabaan baaqa ay dirtay xukuumadda Kyiv ee ku aaddan in laga taageero la dagaallanka Ruushka.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka doonaya inay ka garab dagaallamaan Ukraine, ayaa haddana safiirka Ukraine u fadhiya London, Vadym Prystaiko, waxa uu sheegay inay baaqooda ka soo jawaabeen dada ad u tiro badan.

Arrinta aan weli caddeyn ayaa ah qaabta ay dowladda Ukraine doonayso inay u kala saarto dadkaas u gurmaday, iyo weliba tababarka iyo hubka ay siin doonto ka hor inta aan la geyn furimaha dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Canada, Mélanie Joly, ayaa Axadii sheegtay in muwaadiniinta Canada ay ka garab dagaallami karaan ciidamada Ukraine, inkastoo ay hadalkaas ula jeeday dadka asal ahaan ka soo jeeda Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee UK, Liz Truss, ayaa dhankeeda qaadatay go'aan kaa u dhaw, waxaana ay sheegtay in muwaadiniinta Britain "ay go'aansan karaan" inay aadaan Ukraine.

Anthony Walker ayaa u jeediyay dadka doonaya inay ka garab dagaallamaan Ukraine inay maanka ku hayaan dhibaatada ay kala kulmi karaan dagaalka, maadaama ay ka hortagayaan ciidamo si weyn u tababaran.

Khatar laga digay

Khubarada milateriga ee ka hadlay arrinta dadka u badan dhalinyarada ee u socdaalaya Ukraine ayaa sheegay in kuwa aan tababarka iyo diyaargarowga lahayn ay culays ku noqon karaan xooggaga la dagaallamaya ciidamada Ruushka.

"Haddii aad halkan u soo aaday maadaama aad moodayso in waxa socda ay lamid yihiin ciyaarta 'Call of Duty', ha isku deyin. Bambooyinka iyo rasaasta la adeegsanayo waa kuwo dhab ah oo wax dila," ayuu yiri Walker.

Ruushka ayaa duullaankiisa ku ballaariyay Ukraine, waxaana kolonyo badano o gaadiidka dagaalka ah la arkay iyagoo kaabiga ku ah caasimadda Kyiv.

Fagaaraha xorriyadda ee ku yaalla barmaha magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa waxaa ku dhacay gantaallo uu Ruushka riday, waxaana ka dhashay qarax xooggan.

Kharkiv waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof, waxaana ay caan ku tahay shirkadaha tiknoolajiyadda.

Gantaallada ayaa intooda badan ku dhacay xarumaha dowladda ee magaaladaas.

Madaxweyne Zelensky ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday Kharkiv fal ay fulisay "dowlad argagixiso ah".

Ra'iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu qaaday weerarro "arxan darro ah oo aan kala sooc lahayn".