Wiilka Museveni, Muhoozi Kainerugaba, oo si layaab leh uga hadlay duullaanka Ukraine

Xigashada Sawirka, AFP
Sarreeye Guud Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa si layaab leh uga hadlay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Jananka oo hogaamiya qeyb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, isla markaana "dadka intooda badan (ee aan Caddaanka ahayn) ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine".
Waxa uu soo qaatay xasadii caalamka haraysay 1962 ee ka dhalatay sawaariiqdii uu Midowgii Soofiyeet geeyay Cuba.
"Markii uu Midowgii Soofiyeet gantaalladiisa nukliyeerka geeyay Cuba 1962, Reer Galbeedku waxa ay diyaar u ahaayeen inay dagaal lagu hoobto. Hadda marka ay NATO samaysay arrintaas oo kale, ma waxaa Ruushka laga filayaa inuu si kale u xalliyo arrinto?" ayuu bartiisa Twitter ku qoray jenaraalka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Jenaraal Kainerugaba ayaa la saadaalinayaa in loo diyaariyay inuu xilka kala wareego aabihii Museveni oo 77 jir ah, Uganda na hogaaminayay tan iyo sanadkii 1986.
47 jirkan hogaamiya ciidanka dhulka ee Uganda ayaa noqday taliyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee si shaac baxsan u taageera duullaanka uu Ruushka ka wado Ukraine.
Taliye Kainerugaba ayaa horay uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay colaadda Itoobiya, isagoo xilligaas taageero u muujiyay fallaagada TPLF oo uu ku tilmaamay "walaalihii.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Xigashada Sawirka, TSN CHANNEL
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka
Fagaaraha xorriyadda ee ku yaalla barmaha magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa waxaa ku dhacay gantaallo uu Ruushka riday, waxaana ka dhashay qarax xooggan.
Kharkiv waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof, waxaana ay caan ku tahay shirkadaha tiknoolajiyadda.
Gantaallada ayaa intooda badan ku dhacay xarumaha dowladda ee magaaladaas.
Madaxweyne Zelensky ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday Kharkiv fal ay fulisay "dowlad argagixiso ah".
Ra'iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu qaaday weerarro "arxan darro ah oo aan kala sooc lahayn".
Kolonyo gawaari tiro badan oo uu Ruushka leeyahay ayaa la arkay iyagoo ku sii durqaya caasimadda Kyiv.
Ugu yaraan 70 askari oo Ukraine u dhashay ayaa lagu dilay duqeymo loo adeegsaday madaafiicda goobta oo uu Ruushka ku qaaday Magaalada ku taalla waqooyi bari dalkaas ee Okhtyrka.











