Ruushka oo dagaalka Ukraine u adeegsaday bam isticmaalkiisa sharci uunka yaallo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushka ayaa lagu eedeeyey dagaalka uu ku qaadday dalka Ukraine inuu u adeegsaday bam halis ah oo sameeya qarax iyo holac aad u weyn oo halka lagu ridana dukun daakun ka dhiga.
Waxaana bamka Ruushka uu dagaalku Ukraine u isticmaalay lagu sheegay inuu yahay bam ka waxyeello badan bambooyinka la midka ah marka la eego sida uu u gubayo halka uu ku dhaca iyo baaxadda waxyeellada u geysan karo.
Haddaba bamkan siduu u shaqeeyaa?
Bamkan oo afka qalaad loo yaqaanno 'Vacuum Bomb' ama 'Thermobaric Weapon' waxaa ku rakiban walxa qarxa iyo haan shidaal uu ku jiro oo looga tala galay meesha uu bamkaasi ka dhaco inuu gubasha badan uu ka sameeyo.
Waxaana bamkan loo soo ridi karaa qaabka gantaalaha ama diyaarad ayaa looga soo ridi karaa. Bamka marka meel uu ku soo dhaco qaybta loogu talagalay qarxinta bamka waxay sii deyneysaa saliid iyo gaas wada socda marka ay sida daruurihi isqabsadaan kaddibna dab ayaa meeshi ka kacaya kaasoo qasaarihiisu uu aad u badan yahay.
Dabka bamka ka kacana wuxuu awood u leeyahay dalool kasta oo dhismaha ama meelaha sida weyn loo ilaaliyo. Daruurti dabka qabsadayna qaraxa ayaa ka abuurmaya oo soo nuugaya dhammaan Oxygen-ta ku meeran taasoo dabka meel fog gaarsiineysa.
Sida sawirka hoose ka muuqatana bamka marka la soo rido, marka goobti looga talo galay uu ku dhaca iyo marka uu qarxo qaabkaa ayuu sameynayaa.

Bamkan oo loo sameeyey noocyo kala duwan xajmi kala duwanna leh wuxuu isugu jiraa nooc taangiyada laga rido, mid diyaaradaha laga soo rido iyo bam gacmeed gacanta laga tuuro. Hase yeeshee nooca diyaaradaha laga tuuro ayaa ah mid aad u weyn waxaana bamkaasi lagu ridaa goobaha ay ka qodan yihiin dhufeysyada ay ciidamada gabbaadka ka dhigtaan.
Ruushka wuxuu marki ugu horreysay bamkan uu tijaabiyey 2007-dii tijaabada kaddibna waxaa bamkan loogu magac daray 'Aabbaha Bambooyinka'.
Bamkan oo noociisa diyaaradda laga rido oo uu miisaankiisa gaarayo 44 tan ayaa wuxuu noqonayaa bamka labaad ee dunida ugu weyn oo Niyuukilarka ku xiga. Waxaana lagu ridaa dadka dhufeysyada, dhismayaasha iyo goob kasta oo gabbaad noqon kara ku jira.
Bamkan Ukraine ma loo isticmaalay?
Ruushkana wuxuu bamkan uu u adeegsaday dagaalka Ukraine gaar ahaanna dagaalka ka socda caasimadda Kyiev oo ay Moscow ku dooneyso iney magaaladaasi ku qabsato.
Danjiraha Ukraine u fadhiya qaramada midoobay Oksana Markarova wuxuu Ruushka ku eedeeyey duullaanka uu Ukraine ku soo qaaday bamkaasi halista badan inuu u isticmaalay. Hase yeeshee sheegashada danjiraha ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay.
Wararka ka imanaya dalka Ukraine waxay sheegayaan inuu Ruushka adeegsaday bamkaasi laguna arkay raadka bamkaasi goobihi uu dagaalka xooggiisa ka socday.
Ma jiraa sharci u yaalla isticmaalka bamkaasi?
Bamkan waxaa marki ugu horreysay dagaalki labaad ee addunka u isticmaalay ciidamadi Jarmalka. Ilaa iyo 1960-kina hubkan ma ehen mid caalamka si weyn looga soo saaray, inkasta oo uu Mareykanka uu u adegsaday dagaalki Vietnam.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida oo kale Mareykanka wuxuu bamkan isticmaalay 2001-da xilligi buuraha Tora Bora ee Afghanistaan ay ku dhuumaaleysanayeen hoggaamiyeyasha Al-Qaacida.
Ruushkana wuxuu Bamkan marki ugu horreysay uu isticmaalay dagaalki Chechnya ee 1999. Waxaana xilligaa si weyn u cambaareeyey hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.
Hubkan uu Ruushku sameeyo ayaa la sheegay in loo adeegsaday dagaalka sokeeye ee Suuriya oo looga soo horjeeday xukuumadda madaxweyne Bashaar Al-asad.











