Dagaalka Ukraine: Wax ka ogoow sababaha waddamada waaweyn qaarkood ay dagaalka uga aamuseen

Askar ka mid ah ciidamada Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir la qaaday ciidamada Ruushka marki ay weeraryeen Crimea

Dagaalka Ukraine ee socdo ku dhawaad toddobaad wuxuu si weyn u kala qaybiyey siyaasadda caalamka. Waddamada qaar waxay taageero u muujiyeen dalka Ukraine ee la soo weeraray iyaga oo cambaareeyn u jeediyey Ruushka, halka qaar kalana ay taageereen Ruushka. Balse arrinta dunida oo dhan hadal haynta ka abuurtay ayaa waxay tahay waddamada waaweyn ee ka aamusay dagalka madaxweyne Viladmir Putin uu qaaday.

Haddaba waddamada siyaasadda iyo dhaqaalaha dunida saameynta weyn ku leh sida Iran, Sacuudi Carabiya, Iisutagga Imaaraadka, Hindiya, Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi maxay dagaalka Ukraine uga aamuseen?

Falanqeeyaha maqaalkani wuxuu ku cabbiray aragtidan soo socota.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka waa laba dal oo saliidda ugu badan dunida soo saaro iyada oo labadaasi dal iisu geyn ay soo saaraan rubac saliidda qayriin ee dunida laga isticmaalo. Sacuudi Carabiya sida oo kale waa dalka ugu tunka weyn dhaqaalaha waddamada Carbeed dhammaantood. Haddaba waddamadaasi waxaa ka dhaxeeya dano dhaqaale oo aad u xooggan.

Sacuudi Carabiya oo xubin ka ah urur waddamada saliidda dhoofiya ee OPEC haddana Boqorka dalkaasi iyo Dhaxalsugaha Maxamed bin-Salmaan waxay ku adkeysanayaan in la ixtiraamo heshiiska ay Ruushka horay ula galeen oo shidaalka quseeya.

Waxaana taa caddeyn u ah xilli ay Moscow iisu diyaarineyso iney Ukraine weerarto sida Sacuudiga uu isugu howlay saameynta suuqa saliidda caalamka uu dagaalkan ku yeelan karo sidi loo yareyn lahaa. Iyada oo la ogyahay dagaalka Ukraine maalmo marka uu socday fuusatada shidaalka qeyriin qiimihi suuqa caalamka uu ka joogay $100 doolar iney ku darsantay.

Dalka Iisu Tagga Imaaraadka (UAE) waxaa walaac xooggan ku abuuray cunaqabateennada ay Mareykanka, Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub saareen Ruushka maadaamaa dalkaasi balaayiin doolar uu ku maalgeliyey dalka Ruushka, sida oo kalana ay Ruushka la galeen heshiis ay hub tira badan uga soo iibsanayaan.

Xiriirka Iiraan iyo Ruushka

Javad Zariff iyo Sergei lavrov

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Javad Zariff iyo Sergei lavrov

Dalka Iiraan oo leh keyd saliid oo aad u badan wixi ka dambeeyey cunaqabateynki ay waddamada Reer Galbeedka saareen dhaqaalaha Ruushka ee salka ku hayey baraamijka Niyuukilarka ee Tehran ee ay iyadu ku doodeyso iney tamara ka dhalineyso balse reer galbeedka ay aaminsan yihiin iney hub sameysaneyso, Ruushka Tehran wuxuu u ahaa suuqa ugu weyn ee uu u dhoofiyo saliidda dalkaasi uu soo saaro.

Iskaashiga dhinaca militariga marka la eegana labada dal waxay si weyn isugu xulafeysteen dagaalladi Suuriya, Ciraaq iyo Afghaanistaan. Iran sida oo kale waa dal saameyn mug leh ku leh waddamada ku yaalla bartamaha qaaradda Asia oo ka kooban 15 dal oo horay uga tirsanaa midowgi soofiyeet ee burburay 1989-kii.

Si la mid ah dalka Hindiya Iran iyada oo waxkastaba ka hormarineyso danaha Ruushka kala dhaxeeyo iney ka gaabsato cambaareynta dagaalka Ruushka uu ku soo qaaday Ukraine ma aha wax lala yaabo.

Mowqifka Hindiya

Putin iyo Modi

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Putin iyo Modi

Hindiya waxay iskaashi dhaqaale iyo mid teknooloojiyadeedba ay la leedahay Ruushka, bishii March ee sanadkanna labada dal waxay galeen heshiis horleh oo ku saabsan dhanka militariga oo 10 sano soconaya.

Hindiya waxay ku tiirsan tahay Ruushka oo u tixgelinaya deriskooda Shiinaha khatarta kaga iman karta. Muddo dheer ayaa labadan boqortooyo ee waaweyn ee Aasiya ka dhexeeyay colaad iyo xiisad xudduudeed oo ka taagan gobolka woqooyiga Shiinaha ee silsiladda buuralayda Himalayan. Ka dib qalalaasaha, 2020 waxay galeen dagaal adag.

Waxa jirta arrin ku saabsan xiisadda ka dhex aloosan dalka deriska la ah ee Pakistan oo ka hor aasaaskiisii 1947 kadib markii ay xornimada ka qaateen Ingiriiska qayb weyna ka ahayd Hindiya. Halka Hindiya ay xulafo la ahayd Ruushka tan iyo Midowgii Sofiyeeti, Pakistan waxay xiriir xooggan la leedahay Shiinaha.Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee Hindiya ay uga gaabsaneyso cambaareynta duulaanka Ruushka ee Ukraine inta lagu guda jiray doodda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah arrinta Kashmir, oo ah dhul Hindiya lahaanshihiisa sheegato.Muddo sanado ah ayay Pakistan iyo Hindiya ku dagaallameen dhulka ay Pakistan sheeganayso inay ka tirsan tahay waxayna ugu baaqday Hindiya inay dadka Kashmir fursad u siiso inay go'aansadaan inay ka sii mid ahaadaan Hindiya ama inay ku biiraan Pakistan. Cadaawaddooduna waxay horseedday dagaalkii 1965-kii kadibna ay Hindiya gacan ka siisay kala goynta bariga Pakistan ka dib dagaalkii 1971 iyo abuuritaanka Bangladesh.

Jarta Diblumaasiyadeed uu Shiinaha ciyaarayo

Waxa jirta arrin ku saabsan xiisadda ka dhex aloosan dalka deriska la ah ee Pakistan oo ka hor abuuritaankiisa 1947 ka dib markii ay xornimada ka qaateen Ingiriiska qayb weyn ka ahayd Hindiya. Halka Hindiya ay xulafo la ahayd Ruushka tan iyo Midowgii Sofiyeeti, Pakistan waxay xiriir xooggan la leedahay Shiinaha.Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee Hndia ay uga gaabsaneyso cambaareynta duullaanka Ruushka ee Ukraine inta lagu guda jiray dooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ah Kashmir log, oo ah dhul ay degto Hindiya.Muddo sanado ah ayay Pakistan iyo Hindiya ku dagaallameen dhulka ay Pakistan sheeganayso inay ka tirsan tahay waxayna ugu baaqday Hindiya inay dadka Kashmir fursad u siiso inay go'aansadaan inay ka sii mid ahaadaan Hindiya ama inay ku biiraan Pakistan. Cadaawadda labada dalna waxay horseedday dagaalkii 1965 ka dibna ay Hindiya gacan ka siisay kala goynta bariga Pakistan ka dib dagaalkii 1971 iyo abuuritaanka dalka Bangladesh.

Kuuriyada Koonfureed, Mowqifkeeda ma ah mid cusub

Kim Jong un

Xigashada Sawirka, KNCA/Reuters

Qoraalka sawirka, Kim Jong un

Kuuriyada Woqooyi ma jirto wax cusub oo ay ka rajaynayso xiisaddan marka laga reebo warbixinnada dacaayadaha ee ka dhanka ah Maraykanka iyo reer galbeedka. Kuuriyada Waqooyi ayaa ku andacootay in khilaafkan uu ka dambeeyay Mareykanka, ujeedkuna uu yahay in lagu ciqaabo Ruushka iyo hogaamiyahooda Vladimir Putin.

Iskaashiga dhaqaale ee Kuuriyada Waqooyi la leedahay Ruushka ayaan hadda ahayn mid aad u sarreyo marka loo eego sidii uu ahaan jiray xilligii Midowgii Sofiyeeti.

Ka dib dagaalkii Kuuriya ayaa u kala qaybiyay Kuuriya laba dal, Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya, Inta badannna warshadaha Waqooyiga Kuuriya waxaa lagu dhisay caawinta Ruushka waxayna noqdeen laf-dhabarka awoodda warshadaha iyo farsamada.

Inkasta oo uu Ruushku ka walaacsan yahay barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, haddana fikradda shuuciga ah ee ugu dambaysa ee dunidu waxay weli tahay saaxiibka dhow ee Ruushka iyo Shiinaha, iyaga oo ku tiirsan midnimada labada waddan ee xiisadaha kala dhexeeya beesha caalamka.

Arrimahaasi oo dhan marka la isku soo duubo waxaad arkaysaa in dawladihii cambaareeyey duullaankii Ruushka iyo Ukrain iyo intii yarayd ee Ruushka taageertay ama ka gaabsatay inay wax ka sheegaan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay yihiin go'aanno ku salaysan dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Qalalaasaha Ukraine ayaa gilgilay caalamka. Iyadoo dunidu ay sii waddo ducaada nabadda maadaamaa dagaalkan uu cabsi xooggan uu ku abuuray Ukraine, NATO, Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka.

Xog dheeri oo ku saabsan dagaalka Ukraine: