Colaadda Ukraine: "Sidaan ma fileyn" - Shacabka Ruushka oo ay gaartay cunaqabateynta

Dad saf ugu jira bangi ay lacag kala bixi rabaan.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad saf ugu jira bangi ay lacag kala bixi rabaan.

Malaayiin kamid ah shacabka Ruushka ayaa durbadiiba waxaa saameeyay cunaqabateynta ballaaran ee ay waddamada Galbeedka saareen dalkaas, kadib duullaankii uu ku qaaday Ukraine.

"Haddii aan hadda ka bixi karo Ruushka, waan carari lahaa. Balse shaqadeyda kama tegi karo," ayuu yiri Andrey oo kamid ah dadka ku nool caasimadda Moscow.

Cunaqabateynta la saaray Ruushka ayaa dadka qaar waxa ay ku tilmaameen dagaal dhaqaale oo lagu go'doominayo xukuumadda Moscow, si looga weeciyo dhabaha dagaalka ee ay hadda hayso.

Hase yeeshee waxa uu culayska ugu badan gaaray dadka rayidka ah oo bangiyada kala bixi la' lacagaha ay dhigteen.

Qaar kamid ah bangiyada Ruushka ayaa laga joojiyay isticmaalka kaararka Visa iyo Mastercard, waxaana joogsaday adeegsiga Apple Pay iyo Google Pay.

Daria oo ka shaqeeya Moscow ayaa sheegay in xitaa uu bixin waayay lacagta uu tareenka ku raaco.

"Markasta waxaan lacagta tareenka ka diraa telefoonkayga, wuuna ii shaqeyn waayay. Waxaan dib ka ogaaday in cillada ay tahay cunaqabateynta la saaray bangiga VTB oo aan lagu isticmaali karin Google Pay iyo Apple Pay," ayuu yiri 35 jirkan oo sheegay in tani uusan fileyn.

Lacagta roubles

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lacagta roubles

Lacagta Ruushka ee loo yaqaan rouble ayaa Isniintii gaartay heerkii ugu hooseeyay taariikhda, waxaana ay dowladda uga jawaabtay inay sare u qaado lacagaha dul-saarka ah. Weli waxaa xiran suuqa saamiyadda ee ugu weyn Ruushka.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegay inuu hayo qaabab uu dhaqaalaha waddankiisa uga badbaadin karo saameynta cunaqabateynta, balse su'aal ayaa laga keenay arrinkaas.

Bangiga dhexe ee Ruushka ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoo ka cabsi qaba in lagu xoomo bangiyada si ay dadka ugala baxaan lacagaha u yaalla.

"Ma arkeysid dollar ama lacag kale. Waxaad helaysaa roubles oo keliya mana doonayo. Ma garanayo waxa aan sameyn doono. Waxaan ka qabayaa in aan noqono sida Kuuriyada Waqooyi ama Iran," ayuu yiri nin dhalinyaro ah oo saf ugu jiray bangi.

Sarifka lacagaha qalaad ayaa aad sare ugu kacay dalka Ruushka, waaba haddii la helo.

Bilowgii 2022, halkii dollar ayaa ahaa 75 roubles, halka uu Isniintii gaalay 113 roubles.

Sarifka dollarka ayaa muhiimad gaar ah u leh shacabka Ruushka.

Markii uu burburay Midowgii Soofiyeet, shacabka Ruushka ayaa lacagtooda u bedashay dollar, waxaana ay ku keydsan jireen guryahooda.

Sanado badan ayay ku qaadatay madaxdii kala duwaneyd ee bangiga dhexe ee Ruushka in shacabkooda ay ku abuuraan kalsooni ay ku dhigtaan lacagta roubles ama ay ku maalgashadaan shirkadaha dalkaas laga leeyahay ee ku xiran suuqa saamiyadda Moscow.

Bangi

Xigashada Sawirka, EPA

Hase yeeshee, markasta oo ay xaalad adag soo food-saarto shacabka Ruushka, waxa ay ku xoomaan mashiinnada lacagta ee bangiyada, iyagoo kala baxa dollar.

Markii uu bilowday duullaanka Ruushka ee Ukraine todobaadkii la soo dhaafay, waxaa la arkayay dad tiro badan oo ku xoonsan bangiyada si ay lacagtooda oo dollar ah ugala baxaan.

Lacagaha dollarka iyo euro ayaa saacado gudahood laga waayay inta badan suuqyada Ruushka kadib markii uu dalkaas billaabay duullaanka Ukraine, dowladduna waxa ay xadiday lacagaha roubles-ka ee ay dadka kala bixi karaan bangiyada.