Wax ka ogow 9-ka waddan ee heysta hubka Nukliyeerka

Gantaalka nukliyeerka Satan 2 ee Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaalka nukliyeerka Satan 2 ee Ruushka

Kadib duulaanka Ruushka ee Ukraine, barnaamijka BBC-da qeybta xaqiiqo raadinta ayaa sanadkii 2018 diiradda lagu saaray halka uu yaalla hubka Nukliyeerka iyo cidda heysata guud ahaan caalamka.

Iyada oo la sheegayo in hubka Nukliyeerka ah uu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo dagaalkii qaboobaa, boqollaal madax oo nukliyeer ah ayaa muddo kooban gudahood lagu ridi karaa, khubarada ayaa sheegaya in waddan kasta oo hubka Nukliyeerka heysta uu qorsheynayo sidii uu ku cusboonaysiin lahaa hubkaas.

Waddamo badan ayaa qarsaday hubka Nukliyeerka, laakiin waxaa la og yahay inay jiraan sagaal waddan oo leh in ka badan 9000 oo hubka Nukliyeerka ah.

Hubkan waxaa laga yaabaa in la dhigay meelo kala duwan - oo berriga ah, badda, iyo qaar kale oo badan oo laga yaabo inay yaallaan xeryo ciidan.

Ilaa 1800 oo hub nukliyeerka ah ayaa heegan la geliyey waxaana laga yaabaa in digniin la'aan la rido.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa heystaa tirada ugu badan hubka nukliyeerka ah ee adduunka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay dalalkan kaliya ah u sameysteen Nukliyeerka?

Tan iyo 1970-kii, ilaa 191 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa saxiixay heshiisyo ku saabsan arrimaha hubka nukliyeerka . Hindiya, Israa'iil iyo Pakistan ma aysan saxiixin heshiiska, Waqooyiga Kuuriya waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.

Heshiiska oo ku caan baxay NPT wuxuu xusay shan dal oo ay kamid yihiin Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Shiinaha kuwaas oo dhamaantood tijaabiyey hubka Nukliyeerka ka hor inta aan la dhaqangelin heshiiska.

Heshiisku wuxuu ka mamnuucayaa waddammada aan saxeexin heshiiska NPT inay sameystaan ​​hubka nukliyeerka. Koonfur Afrika, iyo dalalkii hore ee Midowgii Soofiyeeti ee Belarus, Kazakhstan iyo Ukraine ayaa dhamaantood joojiyey haysashada hubkan.

Sidoo kale heshiiska wuxuu dhigayay in dalalka wakhti kasta aysan sameysan karin Nukliyeer.

Dalalka ma waxay qaadan tallaabo ka dhanka Nukliyeerka?

.

Xigashada Sawirka, Alamy

Maraykanka, Ingiriiska iyo Ruushka ayaa dhamaantood awood u yeeshay inay dhimaan tirada hubka ee dagaalka loo adeegsado, waxaana la sheegay in Israa'iil iyo Faransiiska ay isku mowqif ka yihiin halka Shiinaha, Pakistan, India iyo Waqooyiga Kuuriya la rumeysan yahay inay soo saarayaan hub badan, sida laga soo xigtay ururka seynisyahanada Mareykanka.

Khuburrada waxay sheegayaan in dalalka qaar ee heysta hubkan ay qorsheynayaan sidii ay ku horumarin lahaayeen.

Hagaajinta iyo casriyeyta hubka ayaa waxay kasoo horjeeddaa mabaadi'da heshiiska Nukliyeerka, ayuu yiri Shannon Kile, oo ah madaxa mashruuca Nukliyeerka ee Sipri.

Britain ayaa qorsheyneysa inay beddesho markabkeeda Nukliyeerka ah ee Vanguard, kaasoo sida gantaaladeeda Nukliyeerka ee Trident. Baaxadda hubkaas ayaa laga dhigi doonaa 180 marka la gaaro 2020s.

Maraykanku waxa uu ku kharash garayn karaa nukliyeerkiisa in ka badan $1 trillion oo doolar meesha lagu gaaro 2040s si uu u horumariyo awooddiisa.

Qaar ka mid ah madaxyada hubkan ayaa laga helaa meelo badan oo Yurub ah, sida Belgium, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, iyo Turkiga.

Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii Sebtembar samaysay tijaabadeedii lixaad ee Nukliyeerka, Bilihii la soo dhaafay, Kuuriyada Waqooyi waxay muujisay inay horumarisay gantaaladeeda casriga ah.

Dalalka heysta Nukliyeerka

Dhowr bilood ka dib markii uu xilka qabtay, madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu ka shaqeyn doono xoojinta nabadda caalamka bilaa nukliyeer.

Dalalka heystay hubka Nukliyeerka
Qoraalka sawirka, Dalalka heystay hubka Nukliyeerka

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii in ka badan 100 waddan ay ansixiyeen heshiiska Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucayo hubka nukliyeerka guud ahaan caalamka.

Heshiiskaas waxaa saxeexay dalal dhowr ah, Si kastaba ha ahaatee, waddama haysta hubka nukliyeerka ayaa qaadacay wadahadalka.

Mareykanka iyo Britain ayaa sheegay in aysan wax dan ah ka laheyn inay ku biiraan heshiiska maadama ay ku andacoodeen inuu wiiqayo heshiiskii NPT ay horey u saxeexeen dalalkii heystay Nukliyeerka.

Waddamada ka tirsan gaashaanbuurta Nato waxay ku guuldareysteen saxiixidda heshiiska cusub.