K/Waqooyi oo "tijaabin rabta nukliyeer kale"

Xigashada Sawirka, GEOEYE
Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa waxay ka digeysaa in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarineysa inay nukliyeer kale tijaabiso.
Waxay sheegtay in ay sidaa ka ogaatay sawirro dayax gacmeed oo laga qaaday gobol buuraley ah, oo la aaminsayhay in lagu diyaarinayo tijaabo nukliyeer.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koofureed ee Yanhap, waxa ay daabacday in Waqooyigu ay dhameystirtay diyaarinta.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in Waqooyiga Kuuriya ay tijaabadii seddaxaad ee sandkan samayn karta xili kasta.
Tijaabadii Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ay sameysay Jimcihii aan soo dhaafnay waxay aad uga xoog badnayd afartii tijaabo ee ay samaysay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Dowladaha reer galbeedka ayaa si weyn u cambaareeyay tijaabadaasi, oo dhalisay dhulgariir dam-samee ah.






