Awoodda hubka: Muxuu yahay hubka Niyukleerka qarsoon ee Shiinaha?

Xigashada Sawirka, FAS / PLANET LAB INC
Dhismo aan caadi ahayn oo dhulka hoostiisa ah ayaa weli ka socdo lamadegaanka ku yaalla galbeedka Shiinaha.
Gobolka Xianjiang, oo in ka badan 2,000 oo kiloomitir u jira Beijing, saynisyahannada Mareykanka ayaa ogaaday waxa ay rumeysan yihiin inuu yahay dadaal muhiim ah oo uu Shiinaha ku kordhinayo awooddiisa nukliyeerka.
Sawiro dayax-gacmeed lagu qaaday oo ay qaadeen cilmi-baarayaasha Xarunta James Martin ee California, ayaa muujinaya wax ay rumeysan yihiin inuu yahay meel kaydin kara ilaa 110 gantaal oo waaweyn.
Helidda dhismahan, oo u dhow magaalada Hami, oo dhowr kiilomitir u jirta xeryaha Muslimiinta Uighur, ayaa socday muddo ka yar bil ka dib markii dhisme kale lagu arkay sawirrada dayax-gacmeedka oo ku yaalla meel u dhow magaalada Yumen.
Ururka Saynisyahannada Maraykanka ee (FAS) ayaa ku qiyaasay in dalka Shiinaha kaydin karo 120 gantaal oo nukliyeer ah.
"Natiijooyinka waa kuwo muhiim ah, marka si gaar ah loo eego, sababtoo ah waa arrin la xiriirta sirta dheer ee Shiinaha ee hubka nukliyeerka, waana kuwa qiyaasaha aan u hayno waxa halkaas ka socda," waxaa sidaasi BBC laanta Mundo u sheegay Howard Zhang.
"Siyaasadda Shiinaha ee ku aaddan hubka nukliyeerka waa lagu guul-darreystay in la shaaciyo macluumaadkeeda ku saabsan, marka waxaan ka war-qabnaa waa warbixinta ay diyaariyeen khubaro iyo saynisyahanno ka socda dalalka kale ee adduunka, gaar ahaan Mareykanka," ayuu raaciyay.

Xigashada Sawirka, FAS / PLANET LAB INC
Cabsida la qabo
Dhismaha kaabayaasha hubkan ayaa kor u qaaday cabsida iyo xiisadda, gaar ahaan falanqeeyayaasha, taas oo muujineysa isbeddel ama jihada cusub ee siyaasadda nukliyeerka Shiinaha.
"Dhismahan Yumen iyo Hami wuxuu qayb ka yahay qorshaha ballaarinta nukliyeerka ee ay Shiinaha wadaan," ayaa lagu yiri qayb ka mid ah daraasadda Ururka Saynisyahannada Maraykanka ee (FAS).
Sida uu sheegay Zhang, tan iyo markii ugu horreysay ee tijaabadii bamka atomigga ee 1960-meeyadii, Beijing waxay sii waday in ay kaydiso hubka yaryar ee nukliyeerka, ilaa xad ka yar kuwa kale ee atamka, laakiin way qiratay jiritaanka hubkaas.
Laakiin khubarada waxay ka baqayaan in hoggaanka Shiinaha, oo hadda wada siyaasado adag oo caalami ah, uu sidoo kale doonayo inuu dalka ka dhigo mid ka mid wadamada ugu awoodda badan marka laga hadlayo nukliyeerka.
Dhismaha Yumen iyo Hamis - waa kaabayaal casri ah oo la dhiso, tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, sida uu qabo FAS - oo muujinaya calaamado isbeddel.
kobcinta awoodda
Sida laga soo xigtay FAS, dhismaha cusub wuxuu 380-kiiloomitir u jiraa goob kale oo dhisme kale lagu arkay bishii hore, taas oo ku jirta marxaladaha ugu horreeya ee aasaaska dhismaha.
Sidii dhismooyinkii hore oo kale, wuxuu dhismahaas ku yaallaa meel lamadegaan ah oo ka kooban 800 oo mitir oo isku wareeg ah.
Minaarad walba waxay ku taallaa meel 3-km u jirta kuwa kale, waxay-na ku qarsoon yihiin dabool weyn.
Mareykanka ayaa ka carooday tallaabada Shiinaha waxayna Waaxda Difaaca u marisay walwalkeeda arrintaas ku saabsan.
"Tani waa markii labaad muddo laba bilood gudahood ah oo ay dadweynaha ka helaan waxa muddo dheer la sheegayay oo ku saabsan khatarada sii kordhaya ee caalamka iyo sirta ku xeeran qorshayaasha," ayuu lagu yiri qoraalka Mareykanka.
Muddo sanado ah, Beijing waxay wadday in ka badan 20 warshadood, si ay u kaydiso waxa ay ugu yeeraan DF-5s.
Si kastaba ha ahaatee, marka la eego qiimaynta imminka lagu hayo sawirrada dayax-gacmeedka, waxay u muuqataa in ay dhisi doonto in ka badan 10 jibaar.

Xigashada Sawirka, FAS / PLANET LAB INC
Kordhinta awoodda Shiinaha
Sida laga soo xigtay Zhang, muddo tobannaan sano ah, nukliyeerka ma ahayn mid ka mid ah mudnaanta koowaad ee Shiinaha.
"Lahaanshaha Nukliyeerka waa mid aad qaali u ah, wuxuuna u baahanahay kaabayaal iyo teknolojiyad heer sare ah," ayuu yiri.
"Wadamada sida Ruushka iyo Mareykanka way u fududaatay in ay yeeshaan hubka nukliyeerka si ay awooddooda u kordhiyaan, waxayna haysteen warshado quwadda nukliyeerka muddo dheer, laakiin si taa ka duwan Shiinaha, waxay bilaabeen in ay hubka niyukleerka ay sameystaan muddo tobannaan sano laga joogo," ayuu yiri.
Sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baarista Caalamiga ah ee Stockholm, Mareykanka wuxuu leeyahay illaa 5,550 bambooyin nukliyeer ah oo laga ridi karo gantaal halka Ruushka uu haystaan 6,255.
Maraykanka wuxuu ku qiyaasay in sannadkii hore Shiinaha uu lahaa 200 bam, halka xarunta cilmi-baarista ee Stockholm ay ku qiyaastay 350. Balse, tiradan waxay sare ugu kacday 145, tan iyo sannadkii 2006 -dii.
Horraantii 2021, mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya millitariga Mareykanka, Charles Richard, ayaa sheegay in "hubka nukliyeerka ee Shiinaha la filayo inuu labalaabmo saddex ilaa afar jeer, tobanka sano ee soo socda."
Shiinaha wuxuu si gaar ah u xoojiyay awoodiisa hubka nukliyeerka sanadihii la soo dhaafay, wuxuuna hormariyay gantaalada guur-guura ama bam-gacmeedkii ugu dambeeyay ee H-6N oo laga soo tuuray maraakiibta quusta.
Maxay Shiinaha ka damacsan yihiin xarumahan?
Sida uu sheegay Zhang, mid ka mid ah su'aalaha ugu weyn ee aan weli laga jawaabin ee ku saabsan dhismaha kaabayaasha nukliyeerka, waa "muxuu dhab ahaantii yahay hadafka Shiinaha?"
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shiinaha uu ku hawlan yahay sameynta hub kale oo aan weli la ogeyn waxa uu noqonayo.
In la ogaaday hubkan Nukliyeerka ee Shiinaha, waxay ku soo beegmaysaa iyadoo labada dal ee ugu waaweyn ee ku hubaysan nukliyeerka ee Maraykanka iyo Ruushka ay isku diyaarinayaan in ay yeeshaan wadahadallo ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa hubkooda.
Kulanka uu Maraykanka hoggaaminayo ee u dhexeeya Wendy Sherman iyo Ruushka, oo uu wakiil ka yahay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sergei Ryabkov, ayaa u muuqda tallaabadii ugu horraysay ee dhalisay wadahadalada hadda hakad galay ee ku saabasan xakameynta hubka niyukleerka.
Shiinaha, ayaa dhankooda diidan in laga wadahadlo hubkiisa nukliyeerka.












