Daraasad la sameeyay oo muujineysa in Shiinaha uu dhoofiya hub casri ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa muujineysa in dalka Shiinaha oo kamid ah dalalka ugu quwada weyn caalamka uu haatan kamid yahay dalalka dhoofiya hubka casriga ee sida aadka ah wax u gumaada.
Daraasadan oo uu sameeyay machadka International Institute For Strategic Studies ayaa waxaa lagu sheegay in toddobo kamid ah labaatanka shirkadood ee caalamka soo saara hubka noocyadiisa kala duwan ay yihiin kuwa laga leeyahay dalka Shiinaha.
Tusaale ayaa waxaa loo soo qaatay shirkadda China South Industries Group Corporation oo la sheegay inay kamid tahay shanta shirkadood ee sameeya hubka kala duwan.
Dalka Shiinaha oo ah dalka labaad ee dhaqaale ahaan ugu wanaagsan caalamka, xifaaltan dhaqaale na uu kala dhaxeeyo Mareykanka ayaa sanadihii dambe dhaqaalihiisu ku socda xowli, waxaana haddii uu kamid noqdo dalalka dhoofiya hubka kala duwan, ay taasi ka dhigantahay in dalka Shiinaha uu mustaqbalka dhaw yeelan doono saameyn horleh.
Dalalka Ruushka, midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa kamid ah kuwa dhoofiya hubka.






