Awoodda ciidan ee Ruushka iyo Shiinaha: Muxuu Mareykanka shirkadahan militari ugu daray diiwaanka madow?

Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa xayiraado wax dhoofinta ah dul dhigay in ka badan 100 shirkadi isugu jira Shiiness iyo kuwo Ruush ah oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin milatariga.
Dadka Mareykanka ah ee wax dhoofiya ayaa laga doonayaa inay helaan leysin kahor inta aysan alaabo u dirin shirkadaha ku jira Diiwaanka-madow.
Liiska waxaa ku jira shirkado waaweyn oo kuwa hawada Shiinaha ah iyo sidoo kale waaxda sirdoonka dibadda ee Ruushka.
Waxay tallaabadan qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo uu Donald Trump ku doonayo inuu ku joogteeyo cadaadiska uu saaray Shiinaha kahor inta uusan banneyn xafiiska.
Xiisadaha u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayaa xoogeystay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku qabtay arrimo dhowr ah oo xasaasi ah.
Madaxweyne Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay xanuunka safmarka ah ee coronavirus, halka maamulkiisana uu cambaareyn la daba kacay sharciga cusub ee ammaanka qaranka ah kaas oo lagu soo rogay Hong Kong.
Marka laga soo tago shirkadaha laga yaabo inay xiriir la leeyihiin militariga, dowladda Mareykanka ayaa xayiraado cusub saartay shirkadaha teknolojiyadda Shiinaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jimcihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa dhowr shirkado Shiinaha laga leeyahay ku daray liis madow ee ganacsiga, waxaana ka mid ah shirkadda ugu weyn Shiinaha ee sameysa kaarraka telefoonnada, SMIC, iyo shirkadda Shiinaha ee sameysa miigagga, DJI.
Horraantii bishan, Gudiga Federaalka ee Xiriirka (FCC) ayaa sidoo kale ku amray shirkadaha isgaarsiinta Mareykanka inay meesha ka saraan qalabka ay sameysay shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei.
Khatar aan la aqbali karin
Liiska cusub wuxuu "wakiil ka yahay khatarta aan la aqbali karin ee isticmaalka ama ka weecinta" iyadoo dano militari loogu isticmaalayo Shiinaha, Ruushka ama Venezuela.
"Waaxdu waxay garwaaqsan tahay muhiimadda ay leedahay iskaashiyada ay la leedahay Mareykanka iyo shirkadaha dunida si looga hortago dadaallada ay Shiinaha iyo Ruushka ugu jiraan in teknolojiyadda Mareykanka ay u weeciyaan mid wiiqeysa barnaamijyadooda militariga," ayuu warsaxaafadeed ku yiri, Xogahayaha Dhaqaalaha, Wilbur Ross.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Liiskii hore waxaa ku jira 103 shirkado, balse guddi isku dhaf ah ayaa ku dari kara ama ka saari kara shirkadaha.
Shiinaha ayaa dhowaan soo saartay shuruuc cusub oo u gaar ah oo adag kuwaas oo xaddidaya dhoofinta "waxyaabaha la xakameeyo".
Shurucda ayaa marki hore diiradda lagu saarayay dhoofinta teknolojitadda milatariga iyo wax soosaar kale oo wax u dhimi kara ammaanka qaranka ee Shiinaha.
Mareykanka iyo Shiinaha waxaa u dhaxeeyay dagaal ganacsi tan iyo sanadkii 2018 iyagoo canshuuro ku soo rogay badeceooyin badan oo la soo dhoofiyo.











