Qalalaasihii Gantaallada Cuba: Haweeneydii joojisay dagaal nukliyeer ah in uu dhexmaro Ruushka iyo Mareykanka

Xigashada Sawirka, NSA
Waxay ahayd October 1962. Dunidu waxay qarka u saarneyd dagaal nukliyeer la isku adeegsado.
14-kii October, isla sannadkaas, diyaarad kuwa wax basaasa ah oo Mareykanka laga leeyahay ayaa ka war heshay in Midowgii Soofiyeetka (oo haatan Ruushka ah) uu hubka nukliyeerka ku daad gureeyay Cuba.
Halka hubkaasi la geeyay, oo ahayd xeebta Florida ee Mareykanka ayaa waxay halkaasi u jirtay 150 kilo mitir.
Iyadoo Mareykanku uu ka war qabo, ayaa Midowgii Soofiyeeka uu keyd badan oo hubka nukliyeerka ah soo tubay Cuba, kaas oo lagu weerari karay qeybo badan oo Mareykanka ah.
Arrintan taariikhda ayay ku xusan tahay, waana mid ka mid ah xilliyadii ugu jilicsanaa Dagaalkii Qaboobaa, 'Xasaradda Hubka ee Cuba'.
Jawaabtii Mareykanka ee arrintan waxay ku saleysned warbixin sirdoon oo laga helay qof basaas ahaa. Inkastoo in muddo ah aan la ogeyn basaaskaasi, haddana wuxuu door muhiim ah ku lahaa in laga baaqsado xaaladaha musiibada. Magaceedu waa Juanita Moody.
Waxay ahayd sawir-qaade dhanka internet-ka ah, waa qof ka shaqeeya akhrinta farriimaha sirta ah. Juanita Moody waxay Hay'adda Ammaanka Qaranka ee Mareykanka kala shaqeyn jirtay Cuba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taariikhda Dagaalkii Qaboobaa
Warbixinnada ay soo diyaarisay ilaa iyo hadda waa qarsoodi, balse dhowaan kaddib baaritaanka weriye David Wallman, ayaa lagu ogaaday warbixin ku saabsan doorkii muhiimka ahaa ee ay Juanita Moody ku lahayd dhacdooyinkii soo ifbaxay 1962.
Maqaal uu u diyaariyay Wargeyska Smithsonian, ayaa David Wallman wuxuu ku sheegay inay khalad taariikhi ah ahayd in la iska indho tiro doorkii ay taariikhda Dagaalkii Qaboobaa ku lahayd Juanita Moody.
Mar ay wareysi la yeelatay BBC Mundo, ayaa David Wallman wuxuu sheegay inaan la dafiri karin doorkii muhiimka ahaa ee Juanita Moody. Marka la eego dunida ragga mlitariga ku jira, iyadu waa haweeney ku dhiirri gelineysa.
Waxaa la is weydiin karaa, waa maxay doorkii ay Juanita Moody ku lahayd Xasaraddii Hubka ee Cuba, maxaase sheekadeeda loo shaac bixin waayay?
Juanita Moody waxay ahayd 38 jir sanadkii 1962. Waxay sanadkii 1924 ku dhalatay magaalo yar oo ku taalla Waqooyiga Carolina. Sanadkii 1943, markii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxay dhiganeysay kuleej. Waxay go'aansatay inay ku biirto ciidamada badda.

Xigashada Sawirka, NASA
Shaqadii sirdoonka
Mid ka mid ah wareysiyadii ay la yeesheen taariikhyahannadii hay'adda NSA oo la shaaciyay sanadkii 2016 ayaa waxay ku tiri, "Waxaan is iri marka uu dalkeygu dagaal ku jiro anigana aan wax ku baranayo meel qurux badan oo ka tirsan dhismaha kuleejka aniga oo cirka daawanaya. Samee, ma ahan sax."
Juanita Moody waxaa loo diray Arlington Hall, Virginia, halkaas oo ay ku sugnaayeen waaxda sirdoonka ee NSA. Waxaa halkaas lagu siiyay tababarka falanqeynta farriimaha dahsoon. Waxay la shaqeyn jirtay koox korjoogto ka ahayd hannaanka warfaafinta ee Naasiyiinta.
Waxay mid ka mid ah dadkii ay isla shaqeynayeen kala shaqeysay mashiin sida ku xusan warbixinta xisaab-yaqaankii Alan Turing. "Waxay teknolojiyadda cusub u adeegsatay inay ku caawiso waaxda sirdoonka," ayuu yiri David Wallman.
Juanita Moody ayaa xilal sare soo qabatay tan iyo markii la aasaasay NSA sanadkii 1952, iyadoo shaqadeeda ay ahayd taxliilinta xogta la hayo si degdeg ahna ay ugu gudbiso kuwii ku shaqada lahaa go'aan ka gaarista.
David Wallman ayaa warbixintiisa ku xusay, "Juanita Moody waxay khabiir ku ahayd isticmaalka xogta faraha badan kahor inta aysan soo bixin taxliilinta xogta."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xasaraddii Hubka ee Cuba
Sanadkii 1961, Cuba ayaa oggolaatay gacantii uu u fidiyay hoggaamiyihii Soofiyeetka Nikita Khrushchev kaddib markii uu guul darreystay qorshihii qaar ka mid ah dad u dhashay Cuba oo ay tababartay waaxda sirdoonka Mareykanka ee CIA ay ku doonayeen inay ku ridaan dowladdii Fidel Castro.
Isbahaysigan Cuba iyo Midowga Soofiyeetka ayaa dalkan jasiiradda ah ka dhigay mid meel muhiim ah ka gala Dagaalkii Qaboobaa. Indhaha Mareykanka ayaa markaas kaddib ku soo jeedtay Cuba. Juanita Moody ayaana laga dhigay madaxa kooxdii ururrineysay warbixinnada sirdoonka.
Shaqada kooxdeeda waxay ahayd inay dabagalaan farriimaha raadiyaha, xogta raadaarka, xiriirka aaladaha korontada iyo dabagalka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo warbixin walba oo la heli karo.
Marka intaas laga soo tago, xarumo sirdoon ayay NSA ka dhistay Florida waxayna diyaarado basaas u dirtay hawada Cuba.
Kooxda Moody ayaa ogaatay in Cuba ay horumarineyso ammaanka hannaankeeda xiriirka. Waxay sidoo kale ogaadeen in howlaha badda ee ka dhex dhaca saldhigyada ciidamada badda Midowgii Soofiyeet iyo Cuba ay kordheen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinnada Juanita Moody
Maraakiibtaas ayaa tagayay Cuba iyadoo aysan dhammeystirneyn xogtooda. Culeyska badeecadaha saaran lama mid ahayn kan lagu sheegay xogta dekadda. Waxay u muuqatay in waxyaabo si tartiib ah looga soo dejinayay markabka xilli mugdi ah oo habeenkii ah.
Kooxdeeda ayaa maqashay wada sheekeysi la xiriira weerarro lagu qaado diyaaraaha dagaalka iyadoo taangiyo la adeegsanayo iyo hub, iyo in Soofiyeetku ay gaareen Cuba. Maqaalka David Wallman ayaa soo xigtay Juanita Moody oo leh, "Xaaladda Cuba waxay noqoneysay mid cakiran."
Juanita Moody waxaa lagu amray soo gudbinta warbixintii la uruuriyay. Kaaliye Defense Secretary Edward Lansdale ayaa ku yiri, "Waxaynu dooneynaa inaan ogaanno waxa aad ka ogtihiin Cuba. Haddii aad wax shaki ah qabtaan, xitaa... Waxaynu dooneynaa inaan ogaanno wax walba oo ku saabsan Cuba." waa waqtigii la fekeri lahaa."
Juanita Moody ayaa diwaangelisay wax walba, waxayna iyadoo isku kalsoon tiri, "Wax shaki ah ma jiro."
Bishii February 1962, waxay isku dayday in ku xigeenkii agaasimaha NSA, Luis Tordella, ay ka dhaadhiciso in warbixinteeda uu u diro Aqalka Cad, Waaxda Arrimaha Gudaha iyo militariga. Luis Tordella ayaa diiday inuu la wadaago hay'adaha kale.
- Imisa waddan ayaa heysata hubka nuclear-ka, meeqa xabo ayaase taalla adduunka?
- Hindiya oo dooneysa inay dib u eegto ballantii ay ku qaadday inaysan Nuclear isticmaalin
- Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ka dibna baxsaday
- Godka la hilmaamay ee laga qoday macdanta laga sameeyay nukliyeerka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xayiraaddii ciidamada badda ee Cuba
Balse wuxuu warbixinta tusiyay Madaxweyne John F. Kennedy. Ugu dambeyn, Moody waxay Luis Tordella ku qancisay inuu warbixinta u diro hay'adaha kale oo ay ku jirtay CIA.
Gu'gii 1962, waxaa caddaatay in Cuba ay sameysatay hannaan looga hortagayo duqeymaha cirka, maraakiibtii Ruushka ayaana ku dhowaaday Cuba halka maraakiibta Mareykanka ay joogeen.
Bishii August, sida ku xusneyd warbiixntii Juanita Moody, CIA-da ayaa Madaxweyne Kennedy u sheegtay in kumannaan ciidamada Soofiyeetka ka tirsanaa iyo qalab badan oo militari ay gaareen Cuba.
Wixii markaas ka dambeeyay, Mareykanka ayaa diyaaradihiisa ka mamnuucay inay dul maraan Cuba. Bishii October 14, diyaarad Mareykanku leeyahay ayaa 928 sawirro ka qaadday Cuba, kuwaas oo muujinayay in Midowgii Soofiyeet-ka ay hubka nukliyeerka geeyee Cuba.
Isagoo warbixintan ka duulaya, ayaa Kennedy ayaa wuxuu bilaabay inuu xayiraad dhanka badda ku sameeyo Cuba. Ujeeddadu waxay ahayd in laga hortago in gantaallo ay gaaraan Cuba iyo in wada hadallo lala galo Midowgii Soofiyeetka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Ha daneynin siyaasadda'
Isla markii ay soo baxday in hubka Soofiyeetka uu gaaray Cuba, howgalkii xigay ee Juanita Moody wuxuu ahaa insida ugu dhaqsiyaha badan ay warbixin uga hesho howlaha sirdoonka Soofiyeetka ee gudaha Cuba.
David Wallman ayaa sharraxaya in Moody la siiyay makarafoonnada biyaha hoostooda ku shaqeeya, diyaaradaha wax basaasa, qalabka wax lagu maqlo iyo dhammaan qalabka la qarin karo ee caawinaya.
Bishii August 24, labo maalmood kaddib xayiraaddii Cuba, kooxda Moody ayaa ogaaday in mid ka mid ah maraakiibta Soofiyeetka ay uu ku wajahnaa Cuba uu waddada beddeshay dibna ugu laabta Midowgii Sofiyeetka.
David Wallman ayaa sheegay in dhacdadaas loo arkay in Midowgii Soofiyeetku uusan dooneyn in dagaal lala galo Mareykanka.
Juanita Moody ayaa dareentay in arrintan ay tahay in sid augu dhaqsiyaha badan loo ogeysiiyo safiirkii Mareykanka ee Qaramada Midoobay Adlai Stevenson. Wuxuu doonayay in markaas uu xasaradda Cuba uga warbixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Saraakiisha arrimaha dibadda ayaa diidayy codsigii Moody, balse Moody kama aysan baaqsan inay saq dhexe wacdo Safiir Adlai Stevenson oo ku sugnaa qolkiisa hoteel uu ka degganaa New York.
Moody ayaa tiri, waxaan wacay safiirka saqdhexe. Waxaan sameeyay wixii aan u maleynayay inay ila saxan yihiin. Ma daneynin siyaasadda."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xal nabadeed
David Wallman ayaa sheegay in warbixinta sirdoonka ee ay soo uruurisay Moody loo arkay mid ka mid ah calaamadihii ugu horreeyay ee looga baxay Xasaraddii Hubka ee Cuba. Waxaa la go'aansaday in xal nabadeed loo heli karo xasaradda.
Bishii October 28, Madaxweyne Kennedy ayaa labo farriin u diray Midowgii Soofiyeetka. Nikita Khrushchev ayaa oggolaaday in hubkiisa uu ka saaro Cuba isagoo ku xiray labo shuruudood. Tan koowaad waxay ahayd in Mareykanku uusan weerari karin Cuba, tan labaadna waxay ahayd in Mareykanku uu hubkiisa kala baxo Turkiga.
Doorkii Juanita Moody ayaa waxaa aad u ammaanay saraakiisha Waaxda Sirdoonka Mareykanka. Taliyihii Guutada Atlaantikada Robert Dennison ayaa qoray warqad uu NSA uga mahad celinayo shaqadii ay ka qabaty Cuba.
David ayaa caddeeyay in Moody ay qeyb ka ahayn dhammaan waxyaabihii loo adeegsaday in xal loogu helo xasaraddii Cuba.
Iyadoo laga duulayo warbixinteeda, ayaa waxaa diyaaradaha Mareykanka loo oggolaaday inay dul maraan Cuba.













