Doorashada Itoobiya: Wararka marin habaabinta ah ee la baahinayay

Ololihii doorashada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ololihii doorashada

Xilli shacabka Itoobiya ay maanta u dareereen goobaha codeynta si ay u doortaan xildhibaanada deegaanka iyo heer federaal, haddana waxaa baraha bulshada qabsaday warar marin habaabin iyo been ah oo ku saabsan doorashada.

Isticmaalka baraha bulshada ee gudaha Itoobiya ayaa aad u yar marka la barbardhigo dalal kale ee ku yaalla qaaradda, balse waxaa aad loo adeegsadaa xilliyada ay dalkaas ka jiraan munaasabadaha waaweyn sida doorashada qaranka.

Maalmo ka hor inta aysan doorashada bilaaban, Facebook wuxuu hawada ka saaray bogag aad u badan oo lala xiriirinayo in ay baahiyeen warar marin habaabin ah.

Ra'iisul Wasaaraha ma uusan oran 'dhimasho ayaan ka xigaa' in aan xilka wareejiyo

Waxay arrintani ka mid tahay codadka beenta ah ee sida weyn loo baahiyay xilligii ololaha doorashada - Waa cod u muuqday in laga soo duubay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaas oo lagu sheegayo in laga soo duubay xilli uu kulan la qaadanayay saraakiisha ugu sarreysa xisbiga talada haya.

Waxaana la maqlayay cod loo ekeysiiyay kan Ra'iisul Wasaaraha oo dhahayay 'dhimasho ayaan ka xigaa in aan xafiiska baneeyo.'

Qaar kamid ah sawirada marin habaabinta ah ee la baahiyay
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah sawirada marin habaabinta ah ee la baahiyay

Codka waxaa daabacday shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo la yiraahdo Kello Media - taas oo ku anddacootay in uu yahay mid run ah.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku tilmaamay codkaas mid been ah oo aan waxbo ka jirin, isla markaana uu ahaa mid la jarjaray oo la isu keenay codad kala duwan oo uu ka jeediyay goobo kala duwan.

BBC qeybta Amxaariga ayaa deristay codka, waxay ogaatay in uu ahaa mid isbaddalo badan lagu sameeyay oo la isu soo uruuriyay.

Saddex qeybood oo ka mid ah codka ayaa laga soo qaatay khudbado uu horey Ra'iisul Wasaaraha u jeediyay xilli uu ka hadlayay meel kala duwan.

Itoobiya ma qorsheyneyso in hubk nukliyeer ah ay ku weerarto Masar

Waa arrin kale oo si weyn loo faafiyay taas oo muujineyso xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka deriska, ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Qoraalka Facebook ee lagu eedeynayo in Itoobiya ay hub nukliyeer ku weerari doonto Masar
Qoraalka sawirka, Qoraalka Facebook ee lagu eedeynayo in Itoobiya ay hub nukliyeer ku weerari doonto Masar

Waa guulaha uu sida weyn ugu faano Abiy Axmed, balse buuxinta biyo xireenka ee Itoobiya iyo saameynta ka dhalan kartaa, waa arrin muran badan dhalisay.

Bog Facebook ah oo laga leeyahay dalka Masar ayaa daabacay warar aanan la hubin oo ku saabsan khilaafka ka dhashay biyo xireenka. Wuxuu qoray in Itoobiya ay qorsheyneyso in Masar ay ku weerarto hub nukliyeer ah.

"Waxaa naadir ah in ay soo baxaan warar dhowr ah oo muujinaya diyaargarowga ay Itoobiya ugu jirto sidii ay hub nukliyeer ah ugu garaaci laheyd Masar ka dib khilaafka ka dhashay biyo xireenka," ayaa lagu yiri qoraalka lagu soo daabacay boggaas.

Muranka ka dhashay biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muranka ka dhashay biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya

Itoobiya ma heysato hub nukliyeer ah, mana jiro dal Afrikaan oo hadda heysto hub nukliyeer ah.

Inta badan dalalka qaaradda waxay ka qeyb yihiin ololaha looga hortagayo in dunida ay yeelato hub nukiyeer ah, waxayna dalalka ballan qaadeen in aysan yeelan doonin hubka nukliyeerka.

Ma dhacday in laga badbadiyay diiwaanka codbixiyeyaasha?

Dal ka kooban gobollo badan oo ay ku kala aragti duwan arrimaha siyaasaddda, waxaa aad loo hadal hayaa kala duwanaanta tirada dadka iska diiwaangeliyay deegaan kasta.

Nin dadweyne u sharraxaya nidaamka codeynta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin dadweyne u sharraxaya nidaamka codeynta

Waxaa la baahiyay qoraallo dhowr ah oo wax la isaga weydinayo tirada codbixiyeyaasha ay soo badhigeen guddiga qaran ee doorashooyinka Itoobiya.

Inkastoo aanan si rasmi ah u xaqiijin karin tirada codbixiyeyaasha ay shaaciyeen guddiga doorashada inay sax yihiin iyo in kale, haddana qoraallada waxay sheegayaan in waxyaabaha qaar laga badbadiyay ee diiwaanka iyadoo aanan la heynin wax caddeyn ah.

Qaar kamid ah sawirada marin habaabinta ah ee la baahiyay
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah sawirada marin habaabinta ah ee la baahiyay

Qoraallada qaar waxay walaac ka muujinayaan xaaladda qowmiyadaha qaar ee u muuqday in ay taageerayaan xisbiga talada haya iyo in laga badbadiyay tirada dadka ka tirsan qowmiyadahaas ee isku diiwaangeliyay doorashada.

Mid ka mid ah qoraallada oo u muuqday in lagu taageerayo mucaaradka ayaa ku anddocoonayay 'in doorashadan uu harreeyay musuq maasuq' iyadoo aysan sheegeyn wax caddeyn ah.

Waxay arrintani daba socotay markii guddiga ay shaaciyeen diiwaan hordhac ah oo ku saabsan codbixiyeyaasha, markii dambe, waxay darseen liiska oo ay sheegeen in wax isdabamarin laga soo tebiyay deegaannada qaar.

Wixii intaa ka dambeeyay, dadka kama aysan harin in ay baahiyaan diiwaan hore oo meesha laga saaray.

Waxay aheyd in Itoobiya laga qabto tirakoobka shacabka sannadkii 2017-kii, balse marar badan ayaa dib loo dhigay sababo amni dartood iyo dhawaan oo loo joojiyay caabuqa Covid-19 dartii.

Ra'iisul Wasaaraha, ma baabuur Qaramada Midoobey leedahay buu u adeegsaday ololihiisa doorashada?

Xiriirka u dhexeeya Qaramada Midoobey iyo dowladda Itoobiya waa mid cakiran.

Qaar ka mid ah mucaaradka Itoobiya waxay shaki ka muujinayaan dhexdhexaadnimada Qaramada Midoobey gaar ahaan colaadda ka taagan Tigray oo ay ku eedeeyeen in ay ku guuldareysatay inay u aqoonsato in tacadiyadda ka dhanka banii'aadanimada ay ka dheceen Tigray.

Waxaa si weyn baraha bulshada loogu baahiyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo "gaari Qaramada Midoobey leedahay u adeegsanayay ololahiisa doorashada," waxaana baabuurka ka muuqday taariikada UN-ka.

Sawir muujinaya in Abiy Axmed uu baabuur Qaramada Midoobey leedahay uu u adeegsaday ololihiisa doorashada
Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya in Abiy Axmed uu baabuur Qaramada Midoobey leedahay uu u adeegsaday ololihiisa doorashada

Sawirka ku saabsan gaariga waxaa la qaaday xilli Abiy Axmed uu ololihiisa doorashada ka waday gobolka Oromada, waxaana baabuurka ka muuqday nambarka taarikada UN, sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee Ra'iisul Wasaaraha.

Inkasta oo sawirka u muqdo mid sax ah, ma garan karno in baabuurka ay Qaramada Midoobey siisay Ra'iisul Wasaaraha ama sababta loogu dhajiyay taarikada UN-ka.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey ayaa BBC u sheegay "in Itoobiya uu caadi ka yahay in Qaramada Midoobey ay wasaaradaha dowladda, heer deegaan iyo heer federaal ba, ay ugu deeqo gawaari".

Wuxuu intaas ku daray inay baari doonaan waxa dhacay marka la eego arrintan.

Waxaan isku daynay in aan la xiriirno xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya si aan wax uga weydino dhacdadan, balse weli wax jawaab ah kama aanan helin.