Doorashada Itoobiya: Sida Itoobiya ay isu soo bedeleysay 50-kii sano ee la soo dhaafay

BBC-da ayaa soo bandhigeysa isbedelada baaxada leh ee ka socda dalka Itoobiya iyo caqabadaha waaweyn ee horyaala dalkaasi, iyada oo uu dadka reer Itoobiya ay isu diyaarinayaan inay u codeyaan doorashadii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay ra'iisul wasaare Abiy Axmed sannadkii 2018.

Maamulka soo socda ayaa xukumi doona in ka badan 115 milyan oo qof, taasoo ka dhigaysa Itoobiya waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika marka laga reebo Nigeria iyo kan 12-aad ee adduunka.

.
Qoraalka sawirka, .

Waxaa hadda Itoobiya ku nool shan jibaar dad kabadan marka loo eego sidii ay ahaayeen 60 sannadood kahor, laakiin heerka kororka dadka ayaa xoogaa gaabis ah labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa la saadaalinayaa in seddex milyan oo qof ay sannad walba ku sii kordhi doonaan Itoobiya ilaa 2050-ka markaasoo waddanku noqon doono waddanka sideedaad ee adduunka ugu dadka badan.

Itoobiya waxaa sannadihii dambe soo maray isbadal dhaqaale oo deg deg halkaasoo kororka dadku uu in kabadan lasocday balaarinta dhaqaalaha.

Intii u dhaxeysay sanadihii abaarta ee 2002 iyo 2003, wuxuu dhaqaalaha gaaray meel aad u hoseeysa laakiin tan iyo markaas celceliska dakhliga qofkiiba wuxuu kordhay in ka badan 600%.

Isbedelkaas, si kastaba ha ahaatee, si siman looguma arag waddanka oo dhan.

.
Qoraalka sawirka, .

Magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, kororku dhaqaalaha sare ayuu u kacay oo waxaa la ballaariyay kaabayaasha dhaqaalaha sida tareenka fudud ee magaalada.

Laakiin qeybaha kale ee dalka, qaar ayaa ka cawday in aysan ka faa'iideysan koboca dhaqaalaha - eedeymahaas oo sii huriyey mudaaharaadyadii siyaasadeed ee hore.

Isbedeladii ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqday horuma xagga caafimaadka ah.

50-kii sannadood ee la soo dhaafay waxaa si aad ah hoos ugu dhacay tirada dhimashada carruurta ka yar shanta sano.

Qiyaasta dumarka ku dhinta umusha ayaa iyana hoos u dhacday.

Dalka wuxuu ka koobanyahay qowmiyado aad u tiro badan, xiriirka udhaxeeyaana waxaa suura gal ah inuu saameyn weyn ku yeesho mustaqbalka Itoobiya.

Qowmiyadda ugu ballaaran ee Itoobiya - Oromada - waxay muddo dheer ka cabanaysay in lagu sameeyay takoor dhanka dhaqaalaha ah iyo xag siyaasadeedba.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Mudaharaadyo isdaba-joog ahaa oo 2015 ka bilaabmay qayb ahaan Itoobiya ayaa horseeday in Mr Abiy, oo asal ahaan Oromo ah, uu xukunka la wareego. Wuxuu aad u daneynayay inuu sare u qaado dareenka midnimada qaranka ee wajahaya kala qeybsanaanta qowmiyadeed.

Inkastoo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ay caqabad ku noqonayaan aragtidaas ku saleeysan mideynta qowmiyadaha Itoobiya.

Itoobiya waxay leedahay nidaam federaali ah oo leh 10 dowlad goboleed oo qowmiyado saleysan. Qowmiyad kasta oo aan lahayn gobol u gaar ah waxay ku baaqi kartaa afti si loogu sameeyo maamul u gaar ah. Maamulka Sidama waxaa la aasaasay sanadii 2020-kii kadib afti laga qaaday sannadkii ka horreeyay.

Nidaamkan federaalka waxaa lagu qeexay dastuurkii 1994-kii si loo saxo khaladaadkii kaligii taliyihii Mengistu Haile Mariam. Waxaa xukunka laga tuuray 1991.

Qariirad muujinaysa habka federaalka Itoobiya
Qoraalka sawirka, Qariirad muujinaysa habka federaalka Itoobiya

Balse bishii November ee la soo dhaafay, xiriirka dowladda dhexe iyo gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa burburay iyadoo ciidamada federaalka ay la dagaallamayaan askarta daacadda u ah xisbigii hore ee gobolka xukumi jiray. Khilaafkan ayaa waxaa uu salka ku hayaa muran ka dhashay eedeymo loo soo jeediyay Mr Abiy oo qorsheynayay inuu Itoobiya mar kale ka hirgeliyo dowlad dhexe.

Dagaalka socda ayaa horseeday dhibaato bini'aadanimo oo saameyn ku reebtay in kabadan 60,000 oo qof kuwaas oo ka qaxaya guud ahaan goobaha ku xeeran xadka Sudan.

Xasuuq loo geystay dadka rayidka ah ayaa la soo weryay iyo tacaddiyo la xiriira galmada. In ka badan 350,000 oo qof ayaa la sheegay inay ku noolyihiin xaalado adag oo ay wajahayaan macluul, sida lagu sheegay qiimeyn ay sameeysay Qaramada Midoobay oo sidoo kale sheegtay in ka badan shan milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo.

Guud ahaan, UN-ka ayaa ku qiyaasaya in ka badan shan milyan oo qof inay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo.

Masuuliyiinta federaalka ayaa badalay maamulkii Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigree (TPLF) waxaana loo magacaabay dowlad goboleed kumeelgaar ah, laakiin wax doorasho ah kama dhici doonto Tigray nabadgelyo darrada jirta darteed.

Dagaalku wuxuu muujiyey dhibaatada uu Mr Abiy ku leeyahay kor u qaadida aragtidiisa midnimada isagoo waliba ixtiraamaya kala duwanaanshaha qowmiyadaha.

Short presentational grey line
1px transparent line

Rabshadaha ayaa sidoo kale ka soo cusboonaaday dhowr meelood oo kale oo dalka ah. Qeyb ka mid ah waxaa dhaliyay loolanka qoomiyadaha ee dhulka iyo muranka xuduudaha.

Bishii Abriil, dowladdu waxay ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah qayb ka mid ah gobolka Amxaarada iyada oo dadaal ugu jirta wax ka qabashada isku dhacyada u dhexeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada.

Horaantii bishaan ayaa la sheegay in 100 qof ay ku dhinteen muran ku saabsan soohdinta u dhaxeysa dowlad deegaanka Canfarta iyo Soomaalida.

Sidoo kale dagaal ayaa ka dhacay Benishangul-Gumuz, halkaas oo dadkii ka badbaaday weerarkaasi bishii Diseembar ee la soo dhaafay ay sheegeen in xubnaha bulshada Gumuz ay bartilmaameedsadeen dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale.

Dowlada federaalka ayaa si joogta ah u howlgalisa ciidamo federaal ah si ay ula tacaalaan rabshadaha, laakiin hadii uu ku guuleysto doorashada Mr Abiy wuxuu u baahan doonaa inuu waxbadan ka qabto rabshadaha halista ku ah xasiloonida Itoobiya.