Xamaas oo sheegtay inay gudbisay jawaab Wanaagsan oo soo jeedinta Xabbad joojinta Qaza

Qaza

Xigashada Sawirka, EPA

Xamaas ayaa sheegtay inay gaarsiisay "jawaab wanaagsan" dhexdhexaadiyaasha ee soo jeedintii ugu dambaysay ee xabbad joojinta cusub ee Qaza iyo sii daynta lahaystayaasha ee heshiiska uu soo jeediyay Maraykanka.

Kooxda hubaysan ee reer Falastiin ayaa ku dartay bayaanka inay ''dhabtii diyaar u ahayd galitaanka si dhakhso ee wareega wadahadalada.

Sarkaal sare oo caan ah oo reer Falastiin ah ayaa BBC u sheegay Xamaas ay aqbashay qorshaha guud laakiin ay codsaatay dhowr beddel oo muhiim ah, oo ay ku jirto Maraykanku uu damaanad qaado colaadu aysan dib u soo laaban doonin, haddii ay heshiis joogta ah oo lagu dhamaynayo dagaalka 20-ka bilood ah uu guul daraysto.

Ma jirin jawaab degdeg ah oo kasoo baxday Israa'iil iyo Maraykanka. Laakiin waxaa ay horay u cagajiideen aqbalka dalabaad u dhow kuwaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Talaadadii Israa'iil ay aqbashaday "Xaalado gaarah" oo xabbad joojin 60 maalin ah.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Xamaas ay aqbasho waxa uu ugu yeeray "Soo jeedintii u dambaysay " isaga oo uga digay kooxda "aysan kasii rayn doonin- oo ay kasii dari doonto oo kali ah"

Waxaa la rumaysan yahay qorshaha ay ku jirto sii daynta 10 maxaabiis nool oo ay haysato Xamaas iyo maydadka 18 kale oo lahaystayaal ah si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israa'iil. 50 lahayste ayaa weli lagu hayaa Qaza, ugu yaraan 20 ka mid ah oo la rumaysan yahay inay nool yihiin.

Soo jeedinta ayaa lagu waramayaa inay ku jirto tiro gargaar bini'aadanimo oo ku filan inay gasho Qaza sida ugu dhakhsiiyaha badan iyada oo ay qayb ka tahay QM iyo guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sarkaalka sare ee reer Falastiin ayaa sheegay Xamaas ay dalbanaysay gargaarka si dhamaystiran ay u qaybiyaan QM iyo bahwadaagtooda, iyo in nidaamka qaybinta muranka badan uu ka dhashay ee ay maamulaan Israa'iil iyo Maraykanka ee GHF si dhakhso ah loo soo gabagabeeyo.

Isbeddelka kale ee muhiimka ah ee ay dalbatay Xamaas ayaa ahaa la bixitaanka ciidamada Israa'iil, sida uu sheegay sarkaalka Falastiiniga ah.

Soo jeedinta Maraykanka ayaa la aaminsan yahay ay ku jirto ka bixitaanka qaybo ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta Qaza. Laakiin sarkaalka ayaa sheegay Xamaas ay tilmaamtay ciidamada ay ku laabanayaan boos ay horay u qabsadeen kahor burburka xabbad joojintii Maarso, markii ay Israa'iil ay dib u bilowday weerarkii ka dhanka ahaa kooxda.

Sarkaalka Falastiiniga ayaa sheegay Xamaas ay sidoo kale doonayso u balan qaado Maraykanka in Israa'iil aysan dib u soo bilaabi doonin howlgalada haddii ay guul daraysato xabbad joojin rasmi ah.

Milatariga Israa'iil ayaa sii waday duqaynta dhamaan goobaha marinka Qaza, iyada oo Maraykanka iyo Israa'iil ay sugeen jawaabta Xamaas ee soo jedinta xabbad joojinta ee Jimcihii.

Wasaarada Caafimaadka ay maamusho Xamaas ee Qaza ayaa sheegtay galabnimadii weerarka Israa'iil lagu dilay 138 falastiiniyiin ah ee dhamaadka 24-tii saac ee hore.

Maxbuus hore Keith Siegel oo qayb ka ah banaan bax lagu dalbanayo heshiis dhamaystiran si loo sii diiyo lahaystayaasha harsan

Xigashada Sawirka, Kyla Herrmannsen / BBC

Magaalada Tel Aviv waxa ay 60km (40 miles) u jirtaa Qaza, qoysaska lahaystayaasha harsan iyo taageerayaashooda ayaa isugu soo baxay banaanka xafiiska laanta safaarada Maraykanka, iyaga oo ugu baaqaya Trump inuu sameeyo heshiiska u ogolaanaya dhamaan lahaystayaasha la sii daayo.

Kuwa ka hadlay munaasabada waxaa ka mid ah Ruby Chen, aabaha Israa'iili Maraykanka Itay Chen. 19 jirka askariga ahaa ayaa lagu dilay weerarkii ay hogaaminaysay Xamaas ee ka dhacay Koonfurta Israa'iil bishii Oktoobar 7, 2023 ee dhaliyay dagaalka, waxaana maydkiisa laga soo celiyay Qaza isaga oo lahayste ah, sida ay qabaan milatariga Israa'iil.

"Waxaan ugu baaqayaa ra'iisul wasaaraha Netanyahu uu tago Maraykanka asbuuca soo socda uuna ka keeno heshiis dhamaan lahaytayaasha kusoo celinaya gurigooda," ayuu yiri Chen. "Waa inay jirtaa heshiis faahfaahsan oo u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas."

Keith Siegel, oo Israa'iili Maraykan ah oo la sii daayay bishii Febraayo, intii lagu guda jiray xabbad joojintii u dambaysay ka dib 484 maalin oo uu lahayste ahaa, ayaa sidoo kale hadlay.

"In badan oo ka mid ah saaxiibadayda kasoo jeeda Kibbutz Kfar Aza ayaa weli lahayste ah, " ayuu yiri "Kali ah heshiis dhamaystiran ayaa dhamaantood ku soo celin kara gurigooda, u abuuri karana mustaqbal wanaagsan bariga dhexe. "

Walaaca ugu weyn ee ay qabaan inta badan Israa'iiliyiinta ayaa ah fursada lahaystayaasha harsan iyo waxa ku dhici kara haddii aan la gaarin xabbad joojin iyo iyada oo Netanyahu uu amrayo milatariga Israa'iil kordhinta duqaymaha diyaaradaha ee Qaza.

Khamiistii, Ra'iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu ku kalsoon yahay siidaynta dhamaan lahaysatayaasha intii uu ku guda jiray booqashada Kibbutz Nir Oz, bulsho ku dhow xadka Israa'iil iyo Qaza halkaasi oo 76 qof deegaanka lagu afduubtay 7-dii Oktoobar 2023.

"Waxaan ballan qaadayaa, ugu horayn, in aan xaqiijiyo soo celinta dhamaan lahaytayaasha, dhamaantood" ayuu yiri "Waynu soo celin doonaa dhamaantood. "

Milatariga Israa'iil ayaa qaaday ololahooda dagaalka Qaza si ay jawaab uga bixiyaan weerar 7 Oktoobar 2023, taasi oo ku dhowaad 1,200 oo qof lagu dulay iyo iyada oo 251 kale lagu afduubtay.

Ugu yaraan 57,268 qof ayaa lagu dilay Qaza tan iyo wixii ka dambeeyay wakhtigaasi, sida ay qabto wasaarada caafimaadka ee dhulkaasi.