Ruushka oo noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taliban

Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada xukuumadda Taliban ee ka jirta dalka Afgaanistaan, taas oo ka dhalissay in xubanaha mucaaradka ka caroodaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Afgaanistaan ​​Amir Khan Muttaqi ayaa Khamiistii la kulmay safiirka Ruushka

Ruushka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada xukuumadda Taliban ee ka jirta dalka Afgaanistaan, taas oo ka dhalissay in xubanaha mucaaradka ka caroodaan.

Go'aankan ayaa taariikh weyn u ah Taliban kadib markii Rushku ku dhawaad afar sanok ahor ay gudaha u galeen magaalada Kabul oo ay la wareegeen talada dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Amir Khan Muttaqi ayaa sheegay in uu rajaynayo in ay tusaale u noqoto wadamada kale, kuwaas oo ka warwareegaya in ay aqoonsadaan maamul fulinaya nooc ka mid ah shareecada islaamka oo ay weheliso xayiraad adag oo lagu hayo haweenka iyo gabdhaha.

Kuwo kale ayaa ku gacan sayray tillaabada, iyada oo siyaasiyad hore ee reer Afgaanistaan ah Fowsiya Koofi ay tiri "tallaabo kasta oo waddan kasta uu ku caadeysto xiriirka Taliban ma keenayso nabad, waxay sharciyayn doontaa isla xisaabtan la'aanta".

Koofi oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka digay "tallaabooyinkan oo kale ma ah kuwa halis gelinaya kaliya dadka Afgaanistaan oo keliya, balse waxay halis gelinayaan ammaanka caalamka".

Dhanka kale, Shabakadda Ka-qaybgalka Siyaasadda ee Haweenka Afgaanistaan ayaa sheegtayin tallaabadani ay sharciyad siineyso "maamul awoodda gacanta ku haya, dumarka kasoo horjeedo, oo si xowli ah burburinaya xuquuqda madaniga ah ee aasaasiga ah".

Xukuumadda Taliban ayaa horay u sheegtay inay ixtiraamayso xuquuqda haweenka iyadoo la raacayo fasiraadooda dhaqanka Afgaanistaan iyo shareecada Islaamka.

Laakiin tan iyo sanadkii 2021, gabdhaha da'doodu ka weyn tahay 12 sano ayaa laga horjoogsaday inay waxbarasho helaan, iyada oo haweenka loo diiday shaqooyin badan. Sidoo kale waxaa la xaddiday inta ay haweeneydu safri karto muxram la'aa n, waxaana la soo saaray go'aamo lagu diidanyahay in ay u ku muujiyaan codkooda meel fagaare ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Muttaqi ayaa sheegay in aqoonsiga Moscow, oo yimid Khamiistii, uu ahaa " waji cusub oo xiriir wanaagsan, is ixtiraam labada dhinac ah, iyo ka-qaybgal wax dhisid ah", isagoo ku tilmaamay go'aanka mid "geesinimo leh".

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in ay arkayso suurtagalnimada iskaashi "ganacsi iyo dhaqaale" oo ah "tamarta, gaadiidka, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha", iyo in ay sii wadi doonto caawimada Kabul si ay ula dagaallanto khataraha argagixisada iyo ka ganacsiga daroogada.

Ruushka waxa uu ka mid ahaa dalal aad u tiro yar oo aan xirin safaaraddooda Afgaanistaan sanadlkii 2021-kii – iyada oo Taalibanku ay ku qabsadeen guud ahaan Afgaanistaan ka dib ka bixitaanka ciidamada Maraykanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Xubna ka tirsan Talibanka oo xusaya sanadguuradii seddexaad ee ka soo wareegatay qabsashadii Kabul sanadka 2024
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ruushka waxa uu ka mid ahaa dalal aad u tiro yar oo aan xirin safaaraddooda Afgaanistaan sanadlkii 2021-kii – iyada oo Taalibanku ay ku qabsadeen guud ahaan Afgaanistaan ka dib ka bixitaanka ciidamada Maraykanka.

Dalku wuxuu sidoo kale ahaa kii ugu horreeyay ee heshiis dhaqaale oo caalami ah la saxiixdo Taliban 2022, halkaas oo ay ku heshiiyeen in shidaal, gaas iyo qamadi la gaarsiiyo Afgaanistaan.

Kooxda Taliban ayaa bishii April ee sanadkan laga saaray liiska ururada argagixisada ee Ruushka.

Bishii July ee sanadkii hore Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ku tilmaamay Taliban inay yihiin xulafada la dagaalanka argagixisada. Wakiilada Taliban ayaa Moscow u taqay wadahadalo horaantii 2018.

Si kastaba ha ahaatee, labada dal waxay leeyihiin taariikh qalafsan. Midowgii Soofiyeeti - oo uu ku jiray Ruushka - ayaa duulaan ku qaaday Afgaanistaan 1979-kii, waxaana uu la galay dagaal socday sagaal sano oo ay ku dhinteen 15,000 oo askari.

Go'aankoodii ahaa in ay Kabul ka dhisaan dawlad uu Midowgii Soofiyeeti taageero ayaa Soofiyeetka u rogay mid caalami ah, ugu dambayntiina waxa ay keentay in ay ka baxaan bishii February 1989kii.

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen ururka Ka-qaybgalka Siyaasadda ee Haweenka Afgaanistaan waxay xuseen inaysan ilaawin "doorkii Ruushku ku lahaa burburinta Afgaanistaan intii lagu jiray duullaankii Soofiyeetka".

"Maanta, faragelintiisa siyaasadeed iyo taageerada tooska ah ee Taliban waxay ka dhigan tahay sii socoshada istaraatiijiyadaas wax burburinta ah, oo hadda hoos imaanaya calanka diblomaasiyadeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dr Rangin Dadfar Spanta, oo ahaa la taliyihii hore ee amniga qaranka Afgaanistaan, xilligii dowladdii hore ee ay reer galbeedku taageerayeen, ayaa ku tilmaamay go'aanka Ruushka mid "laga xumaado", isagoo raaciyay: "Tani waa bilow, haddii aysan jirin iska caabin baahsan, kuwa kale ayaa raaci doona Ruushka."

Cunaqabatayn adag ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Afgaanistaan 2021-kii, gaar ahaan xayiraadda ku dhawaad $9bn (£6.6bn) oo hanti ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sharciyada saameeya haweenka ay yihiin "midab takoorka dhanka jinsiga", iyadoo sidoo kale ka warbixisay karbaashka dadweynaha iyo weerarrada naxariis darada ah ee loo geystay mas'uuliyiintii hore ee dowladdii hore.

Inta badan dalalku waxay xireen safaaradahooda wixii ka dambeeyay 2021. Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha, Imaaraadka Carabta, Uzbekistan iyo Pakistan ayaa dhammaan safiirro u magacaabay Kabul.