Duuliyihii uu Mareykanku tababaray ee ka doortay Taalibaan iyo sababta

Xigashada Sawirka, MOHAMMAD EDRIS MOMAND
"Waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan ku faraxsaneyn waxa aan sameeyay, waxaa laga yaabaa in dadka ay ku kala aragti duwan yihiin arrintaas, waxaan u sheegayaa in dalka uu la mid yahay sida hooyadaa oo kale ma ahan in aad khiyaanto dalkaaga," ayuu yiri Maxamed Momand.
Momand waxa uu ka mid ahaa dhowr duuliye oo ka tirsanaa ciidamadii hore ee Afgaanistaan oo tababar dheer ku soo qaatay dalka Maraykanka.
Balse markii ay Taalibaan qabsadeen Kaabul, wuxuu qaatay diyaarad helicopter ah si uu ugu tego saaxiibadiis, wuxuuna u duulay tuuladiisa si uu diyaaradaasi ugu wareejiyo Taalibaanka.
Wuxuu BBC-da u sheegay "Hadafkeygu wuxuu ahaa in aan badbaadiyo hantidii ay leedahay dowladda Afghanistaan."

Xigashada Sawirka, MOHAMMAD EDRIS MOMAND.
Tabbabarkii xoogganaa ee uu kusoo qaatay Mareykanka
Momand waxa uu ku biiray ciidanka Afgaanistaan 2009. Intaa ka dib waxa uu aaday Mareykanka oo uu kusoo qaatay afar sano oo tababar xooggan ah. Tababarkiisu waxa uu kusoo qaatay Akademiyada Militariga Maraykanka ee loo yaqaanno West Point.
Markii hore waxaa uu ka howlgalayay xerada militeriga ee Hairat oo ku taalla galbeedka Afgaanistaan halkaas oo uu ka duuliyay diyaaradaha Helicopters-ka ee loo yaqaanno Mi-17 oo lagu soo sameeyay Ruushka. Dhowr sano ka dib, Momand wuxuu gaaray guul kale.
Waxa uu yiri, "Sanadkii 2018, qaar ka mid ah duuliyayaasha da'da yar ee baranayay tignoolajiyada ugu dambeeyay ee la xiriira ciidamada cirka ayaa loo doortay inay duuliyaan helikobtarka Black Hawk. Tan iyo markaas waxaan duulinayay helicopter-ka Black Hawk."
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Black Hawk ayaa loo isticmaalayay gaadiid ahaan gudaha Afghanistaan.

Xigashada Sawirka, MOHAMMAD EDRIS MOMAND.
Markii Mareykanka uu isaga baxay Afghanistan
Sannadkii 2021-kii, Momand waxa uu ku sugnaa gobolka Mazar-i-Shariif markii madaxweynaha Maraykanka Biden uu ku dhawaaqay in dhammaan ciidamada Maraykanka ay isaga baxayaan halkaas ka hor sannad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weerarradii September 11, 2001.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa balaayiin doolar ku qarash gareeyay tababarka ciidamada Afgaanistaan.
Waxa uu Maxamed Momand rajaynayay in marka ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan Afgaanistaan ay ciidamada awood u yeelan doonaan inay joojiyaan Taalibanka.
Laakiin rajadaasi ayaa miro dhal noqon weyday iyadoo ciidanka Afgaanistaan ay muddo kooban kadib kala carareen.
Intaa kadib Taalibaan ayaa si rasmi ah ula wareegtay guud ahaan Afghanistaan.

Xigashada Sawirka, MOHAMMAD EDRIS MOMAND
Markii lagu amray in dalka uu isaga baxo
Markii Taalibaan ay qabsadeen deegaanno badan xilli ay soo baxayeen warar sheegayay in dagaalyahanada Taalibaan ay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan Kabul, waxaana xilliggaas soo baxayay warar sheegayay in saraakiisha militeriga ay dalka isaga cararayeen.
"Taliyaheenii ciidamada cirka ayaa ku amray dhammaan duuliyeyaasha inay dalka isaga baxaan oo ay u cararaan dhinaca Uzbekistan" ayuu yiri Maxamed. Maxamed wuxuu ka carooday tallaabadaas, wuxuuna sheegay in uusan aqbali doonin.
"Taliyaheygii wuxuu iga codsanayay in aan dalkeyga khiyaano, maxaan dalka uga cararayaa? waana dambiga ugu xun ee aan sameyn lahaa haddii aan u hoggaansami lahaa tallaabadaas".

Xigashada Sawirka, AFP
Markii dambe, wuxuu ka tashtay qoyskiisa oo ku taliyay in uusan dalka isaga cararin.
Markii Taalibaan ay qabsatay gobolka uu ka shaqeyanyay Maxamed, aabihii wuxuu la hadlay guddoomiyihii gobolka uu ka codsaday in wiilkiisa aan wax dhibaato ah loo geysan.
"Waxaan u sheegay taliyaheygii ciidamada cirka in cilad farsamo ay lasoo deristay diyaaraaddii aan duuliyaha ka ahaa, markii ay saaxibadey maqleen arrintani, durbadiiba waxay raaceen diyaarad kale oo ku wajahneyd dalka Uzbekistan,"halkaas ayuuna uga haray ciidamadii cararay.
Qaabkii uu uga baxsaday Kabul

Xigashada Sawirka, MOHAMMAD EDRIS MOMAND
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii dhammaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Afqaanistaan ay si tartiib tartiib ah uga baxeen saldhigga cirka ee Kabul, Momand wuxuu billaabay inuu duuliyo helikobterkiisa, wuxuuna diyaaraddiisii usoo duuliyay deegaankii uu kasoo jeeday ee Kunar kadib duullimaad dheer oo 30 daqiiqo ah.
Waxa uu yiri "Maraykanka waxa ay gacanta ku hayeen maamulka hawada, markaa waxa aan raadarka u jiheeyay sida aniga oo u duulayo Uzbekistan, ka dib markii aan ka dhoofay madaarka, waxa aan damiyay radar-kaygii oo aan si toos ah u aaday Kunar, waxa aan aaday gurigaygii, waxaan Helicopter-ka ka dejiyay tuuladeyda ka dib markii aan dammaanad ka helay Taliban, waxaan diyaaradda geeyay goobta diyaaradaha ay ka qaataan shidaalka."
Wuxuu sheegay in qoyskiisa, asxaabtiisa iyo deriskiisa ay si weyn usoo dhaweeyeen tallaabada geesinimada leh ee uu qaatay.
Momand waxa uu sheegay in uusan ka shallayn go'aankiisa.
Waxa uu yiri "La taliyayaal Maraykan ah ayaa ii soo diray saddex fariin, waxay igu yiraahdeen, haddii aanad xataa keeni karin diyaarad helikobter ah, ka dibna qoyskaaga soo raac oo soo mara waddada. Laakiin ma aqbalin dalabkaas."
Ciidamada cirka Afghanistan
Sida laga soo xigtay ururka 'Sigar' ee fadhigiisu yahay Maraykanka, dhammaadkii bishii June 2021, Ciidanka Cirka ee Afgaanistaan ayaa lahaa 167 diyaaradood, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka iyo helikabtarrada.
In badan oo ka mid ah diyaaradahaas waxaa la tegayay oo dalka ka amababixiyay Momand asxaabtiisa.
Falanqayn dhanka sawirada dayax-gacmeedka ah ee madaarka Termez ee dalka Uzbekistan ayaa muujinaysa in 16kii August, halkaas lagu arkay in ka badan labaatan helikobtar oo ay ku jiraan Mi-17, Mi-25, Black Hawk iyo dhowr diyaaradood oo A-29 ah ah kuwa weerarka qaabilsan ah iyo diyaaradaha C-208.














