Indhaha iyo gacmaha oo laga xiro: Duruufaha ay Falastiiniyiinta kala kulmaan xabsiyada Israa'iil

Maxaabiis

Xigashada Sawirka, ISRAELI PRISON SERVICE

Warbixintan waxaa ku jiro faahfaahin laga yaabo in ay dhibsadaan akhristayaasha.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha oo Israeli ah ayaa sheegay in xaaladda ay ku jiraan maxaabiista Falastiiniyiinta ay tahay jirdil.

Warbixin lagu qoray bogga Btselem cinwaankeeduna yahay “ku soo dhawaada cadaabta” ayaa waxaa ku jiro 55 marqaati oo dhawaan laga soo daayay xabsiyada lagu hayo Falastiiniyiinta. Waxay sheegeen in xaaladaha gudaha xabsiyada ay ka sii dartay ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Waa tii ugu dambeysay warbixino taxane ah oo ay ku jiraan eedo laga naxo oo la xiriira xadgudubyo loo geystay maxaabiista Falastiin.

B’tselem waxay sheegtay in baaristooda ay ku soo ururiyeen cadeymo aan caadi aheyn oo joogto ah.

“Dhammaantood wax isku mid ah ayey noo sheegeen,” ayey tiri Yuli Novak oo ah madaxa B’tselem.

“Nidaamka xabsiyada Israa'iil, marka la fiiriyo Falastiiniyiinta, waxa uu noqday shabakad jirdil”.

Qolol wasaq ah oo buux dhaafay

ilaa markii uu dhacay weerarkii toddobadii Oktoobar tirada dadka Falastiiniyiinta ee la xiray way labo laabmeen, waxayna gaareen ku dhawaad 10 kun.

Qaar ka mid ah xabsiyada Israa'iil waxaa maamula ciidamada halka kuwa kalena ay maamulaan qeybta maamulka xabsiyada, dhammaantoodana way buux dhaafeen.

Warbixinta B’tselem waxay ku tilmaantay xabsiyada kuwa buux-dhaafay oo wasaq ah. sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista lagu qasbo in ay seexdaan dhulka, mararka qaarna aysan haysan joodari iyo buste.

Qaar ka mid maxaabiista waxaa la soo xiray waxyar ka dib weerarkii Xamaas halka kuwa kalena laga soo ururiyo gudaha Gaza markii ciidamada Israa'iil ay xoogga ku galeen ama daanta galbeed. In badan oo ka mid ah maxaabiita waa la sii daayay iyadoon waxba lagu soo oogin.

Firas Hassan
Qoraalka sawirka, Firas Xassan

Firas Xassan weerarkii Oktoobar ka hor ayuu ku xirnaa xabsi iyadoon qofka la soo eedeyn layska hayn karo, waana tallaabo ay dowladda Israa'iil u adeegsato xarigooda Falastiiniyiin badan.

Israa'iil waxay sheegtay siyaasadaas in ay tahay muhiim, waxayna sheegtay in ay u hoggaansan tahay xeerka caalamiga.

Firas waxa uu sheegay in uu indhahiisa ku soo arkay sida xaaladda u sii xumaatay 7-dii Oktoobar kaddib.

“Nolosha gabi ahaan way isbeddeshay” ayuu yiri. Sidoo kale Firas wuxuu ku tilmaamay xaaladda “waa sida in Sunaami uu dhacay”.

Ugu dambeyn Firas waa la sii daayay iyadoon waxba lagu soo eedeyn bishii April, wuxuu sheegay in miisaankiisu uu ka dhacay 20kg.

“13 sano ayaa xirnaa weligeyana wixii bishii hore aan arkay ima soo marin” ayuu yiri.

Sari Khourieh,
Qoraalka sawirka, Sari Khourieh,

Falastiiniyinta Gaza iyo kuwa Daanta Galbeed kaligood kama hadlaan xadgudubyada xabsiyada Israa'iil ee sidoo kale dadka u dhashayIsraa'iil sida Sari Khourieh, oo ah Carabta Israa'iil ee ku nool Xeyfa, garyaqaanna ah ayaa sheegay in ay iyagaba ku dhacday taas.

Mr Khourieh waxaa uu ku xirnaa xabsiga Megiddo ee Waqooyiga Israel ilaa 10 maalmood bishii Nofember. Booliska ayaa ku eedeeyay in labo wax uu soo dhigay Faceboogiisa in ay taageersanaayeen falalka Xamaas. Waxay ahaayeen eedeymo degdeg loo diiday.

Mr Khourieh wuxuu sheegay in aan loo geysan xadgudub weyn balse wuxuu sheegay in uu ka naxay sida loola dhaqmay maxaabiista kale.

Israel

Xigashada Sawirka, CHANNEL 13

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbixin ay toddobaadkii hore Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in 17 maxbuus ay ku dhintay xabsiyada intii u dhexeysay 7-dii Oktoobar ilaa iyo 15-kii May.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay 26-kii May in ay baarayaan 35 maxbuus oo dhimatay iyagoo ku jira gacanta ciidamada.

Ciidamada waxay sheegeen in aysan jirin eedaha ah in maxaabiista si gaar ah loogu xadgudubay.

Ilaa 7-dii Oktoobar, Israa'iil waxay diiday in hay’adda caalamiga ee Laanqeyrta Cas loo ogolaado in ay la kulanto maxaabiista sida qeynuunka caalamiga doonayo.

Wax faahfaahin ah lagama bixin sababta diidamada balse raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, waxa uu ku celceliyay in uu ka xun yahay in ICRC ay ku guuldareystay in ay la kulanto la haystayaasha Gaza jooga.

Toddobaadkii hore sida loola dhaqmo maxaabiista Falastiin ayaa keentay in dadweynaha si carro leh uga hadlaan iyadoo ay dhaceen mudaaharaadiyo. Xubno baarlamaanka ka tirsan ayaa si weyn isugu dayay in ay ka hortagaan xarigga askar lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen maxaabiis ka soo jeeda Gaza oo lagu hayay saldhigga militeriga ee Sde Teiman