Jasiirado haddii aad guri ka iibsato ku siinaya baasaboor aad ku mari karto adduunka

Nadia Dyson oo milkiile shirkad ah ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka raadinaya dhalashada Antigua

Xigashada Sawirka, Nadia Dyson

Qoraalka sawirka, Nadia Dyson oo milkiile shirkad ah ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka raadinaya dhalashada Antigua
    • Author, Gemma Handy
    • Role, Business reporter
    • Reporting from, St John’s, Antigua

Rogrog oo eeg guryaha iibka ah ee ku yaalla Bariga Kariibiyaanka mana aha keliya xeebo indho-daraandar ah iyo nolol qurux badan oo lagu soo jiidanayo dadka iibsanaya.

Xayeysiinno badan oo guryaha ah ayaa waxaa ku jira in sidoo kale dadka baasaboor la siirnayo – siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee aan degganeyn ee Mareykanka ayaa sidoo kale sare usii qaadaya daneynta badan ee loo qabo arrintan.

Shan ka mid ah jasiiradaha ku yaalla bariga – waa Antigua iyo Barbuda, Dominica, Grenada, St Kitts iyo Nevis, iyo St Lucia – ayaa bixinaya dhalashada haddii aad ku maalgashato lacag yar sida $200,000 (£145,000).

Iibso guri, waxaadna sidoo kale heleysaa baasaboor kuu suurto-gelinaya inaad fiiso la'aan ku gasho ilaa 150 dal oo ay ku jiraan UK iyo dalalka Yurub ee Schengen la isku yiraahdo.

Dadka qaniga ah, waxay aad uga sii helaan canshuur la'aanta jasiiradahan. Dhammaanna jasiiradahan waxay dadka guryaha iibsanaya u oggol yihiin inay sii heystaan dhalashadoodii hore.

Jasiiradda Antigua, shirkadaha guryaha iibiya ayaa la daalaa-dhacaya inay ka jawaabaan dalabaadka, ayay tiri Nadia Dyson, oo ah milkiilaha Luxury Locations. "Ilaa 70% ka mid ah dhammaan dadka guryaha iibsanaya haatan ayaa doonaya dhalasho, inta ugu badanna waxay kasoo jeedaan Mareykanka," ayay u sheegtay BBC.

"Kalama hadalno siyaasad, balse saaxadda siyaasadeed ee aan degganeyn [ee Mareykanka] ayaa dabcan ah sababta.

"Markan oo kale sanadkii hore, waxay ahaayeen keliya kuwa doonaya inay waqtigooda ku qaataan. Hadda waxay dhammaan leeyihiin 'waxaan doonayaa guri ay la socoto dhalasho'. Weligeen guryo saan u badan ma iibin."

Inkastoo barnaamijka Antigua uusan ka dooneyn degganaansho, haddana qaar ka mid ah kuwa iibsanaya ayaa doonaya inay si buuxda halkaas ugu wareegaan, ayay tiri Ms Dyson, oo intaa raacisay: "Kuwo yar ayaa haatanba usoo guuray."

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa ah kuwa ugu badan ee degayay Kariibiyaanka sanadkii tegay, sida ay sheegeen khubarrada socdaalka maalgashiga ee Henley & Partners.

Ukraine, Turkiga, Nigeria iyo Shiinaha ayaa iyaguna ka mid ah dalalka soo codsada, sida ay sheegtay shirkad UK laga leeyahay oo xafiisyo ku leh daafaha dunida.

Waxay intaa ku dartay in dhammaan dadka soo codsada barnaamijyadan Kariibiyaanka ay kordheen 12% tan iyo sanadkii 2024.

Nin kor u haya baasaboorka St Kitts

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Baasaboorrada shan dal oo jasiirado ah ayaa qofka heysta wuxuu fiiso la'aan ku galayaa inta badan dalalka adduunka

Wax walba laga soo bilaabo rabshadaha qoryaha ilaa Yahuud-naceybka ayaa ku qasbaya Ameerikaanka inay raadiyaan dhalashada jasiiradahan, sida uu sheegay milkiilaha shirkadda la talinta, Dominic Volek.

"Ilaa 10-15% dhab ahaantii way u soo guuraan. Intooda badan waxay u tahay siyaasad caymis oo ka dhan ah waxa ay ka walaacsan yihiin. Inaad heysato dhalasho labaad waa qorshe u baxsasho oo fiican," ayuu yiri.

Mr Volek ayaa sheegay in faa'iidooyinka safarka fudud ee baasaboorrada Kariibiyaanka ay leeyihiin ay soo jiitaan ganacsatada, sidoo kalena ay lahaan karaan faa'iido dhanka ammaanka ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Robert Taylor, oo kasoo jeeda Halifax oo ka tirsan Canada, ayaa guri ka iibsaday Antigua halkaas oo uu qorsheynayo in dhammaadka sanadkan uu sanadihiisa howlgabnimada ku qaato.

Wuxuu ku maal-gashtay $200,000 kahor inta qiimaha uusan sare ugu kicin $300,000 xagaagii lasoo dhaafay.

Inuu muwaadin yahay keliya kama badbaadineyso inuu ka badsado waqtiga loogu talogalay, waxay sidoo kale siineysaa xornimada inuu ka faa'iideysto fursadaha ganacsiga, sida uu sheegay. "Waxaan u doortay Antigua sababtoo ah waxay leedahay biyo qurux badan, dadkuna waa kuwo aad u wanaagsan sidoo kalena cimilo wanaagsan ayaan helayaa qeybaha dambe ee nolosheyda."

Weli, barnaamijyadan oo kale kama marna muran. Markii ugu horreysay ee iibka baasaboorrada ay soo baxeen sanadkii 2012 markaas dowladda Antigua waxay dooneysay inay sare u qaaddo dhaqaalaha, dadka qaar ayaase kasoo horjeestay.

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay waddooyinka oo lagu cambaareynayo, iyadoo dadku qaar ay u arkayeen in la iibinayo haybtooda.

Hoggaamiyeyaasha dalalka kale ee Kariibiyaanka ee aan barnaamijyadan bixin ayaa iyagana sidoo kale cambaareeyay, iyagoo sheegay in dhalashadu aysan noqon "badeeco iib ah".

Xeeb ku taalla Antigua
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah jasiiradaha

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa baqdin ka qabta in dembiilayaasha ay kusoo dhuuntaan barnaamijkan ayna soo galaan xudduudahooda.

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in dalalka Kariibiyaanka ay kala laaban doonaan dal ku gal la'aanta, halka Mareykanka uu markii hore walaac ka muujiyay in mashaariicdan loo adeegsan karo ka baxsashada canshuuraha iyo dembi dhaqaale.

Afhayeen u hadashay Midowga Yurub ayaa BBC u sheegtay inay korjoogteyn doonaan mashaariicdan shanta jasiiradood ee Kariibiyaanka, ayna maamulladooda kula jireen wada-hadallo tan iyo sanadkii 2022.