Xiisadda Ukraine: Sirdoonka Maraykanka oo sheegay in ay ogaadeen arrin yaab leh oo Ruushku qorshaynayo

Xigashada Sawirka, Reuters
Ruushka ayaa qorsheynaya qorshe been abuur ah oo uu marmarsiiyo uga dhigto duullaan uu ku qaado Ukraine, isagoo si been abuur ah ugu eedeynaya ciidamada Ukraine inay weerar ku qaadeen kooxaha goonni u goosadka uu Ruushka taageero ama Ruushka laftiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Arrimaha la sheegay in Ruushka uu ka fiirsanayo inuu soo bandhigo waxaa ka mid ah baahinta weerar been abuur ah, iyadoo sawirro muuqaal ah oo ku aaddan qaraxyo iyo falal ay ka dhasheen khasaare badan a abuurayo si markaana Ruushku uga jawaabo falalkaas qiilna ugu helo weerarkiisa dalkaas.
Maraykanka iyo Nato ayaa ka walaacsan tirada badan ee ciidamada Ruushka a ee ku sugan meel u dhow xadka Ukraine.
Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado dalkaas, isagoo sheegay in ciidamadiisu ay halkaasi u joogaan dhoollatus. Waxayna illaa hadda gaadhayaan 100,000 oo askeri.
Xiisadan ayaa ku soo beegantay sideed sano ka dib markii Ruushku uu la wareegay gacanka koonfureed ee Ukraine ee Crimea oo uu taageeray kacdoon dhiig badan ku daatay oo ka dhacay bariga Donbas.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka la sheegay in ay qorsheynayaan laamaha ammaanka ee Ruushka, uu muujin doono muuqaalada dadka rayidka ah ee lagu laayay magaalada Donbas ee bariga Ukraine, si ay abuuraan caro ka dhalato maamulka Ukraine.
Tan waxaa markaas loo isticmaali karaa in lagu marmarsiiyoodo weerar lagu qaado Ukraine, ayay yidhaahdeen saraakiisha.
Qorshaha waxaa ka mid noqon kara in la sameeyo oo la duubo weerar been abuur ah, sida ay sheegeen.
Waxay muujin doontaa meydadka iyo meelaha la burburiyay, qalabka militariga ee Ukraine ee been abuurka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyay iyo jilayaasha ciyaaraya baroor-diiqyo ku hadla afka Ruushka, ayay yidhaahdeen.
Laakiin saraakiishu waxay carabka ku adkeeyeen in tani ay tahay mid ka mid ah fursadaha uu Ruushku ka fiirsanayo, waxayna sheegeen inay faafinayaan dadaal ay ku doonayaan inay "Ruushka uga dhaadhiciyaan tallaabada uu damacsan yahay".
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Liz Truss ayaa sheegtay in sirdoonka Maraykanku "ay hayaan cadaymo cad oo naxdin leh oo muujinaya gardarrada aan loo meel dayin ee Ruushka iyo dhaq-dhaqaaqyada gacmahooda ee lagu khalkhal gelinayo xasiloonnida Ukraine".
"Ujeedadan doonista ee ku wajahan waddan madaxbannaan oo dimuqraadi ah waa wax aan gebi ahaanba la aqbali karin, waana ku cambaareyneynaa sida ugu macquulsan. UK iyo xulafadayadu waxay sii wadi doonaan inay soo bandhigaan khiyaanada iyo dacaayadda Ruushka ," ayay ku tiri hadal.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka jawaabay wararkaas.

Xigashada Sawirka, EPA
"Tani maaha dacaayaddii ugu horreysay ee nooceeda ah, horeba waa u jireen," ayuu yidhi, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Tass. "Wax la mid ah ayaa sidoo kale horay loo sheegay, laakiin waxba kama soo bixin."
Dhanka kale, Safiirka Ruushka ee Midowga Yurub, Vladimir Chizhov, ayaa CNN u sheegay in Moscow aysan qorsheyneynin wax howlgalo ah oo been abuur ah si ay ugu duulaan Ukraine.
Warka ku saabsan shirqoolka lagu eedeeyay ayaa soo baxay maalin kadib markii Mareykanka uu sheegay in uu ciidamo dheeraad ah u dirayo xulafada Nato ee Yurub.
Ruushku waxa uu sheegay in talaabadani ay tahay mid wax burburinaysa ,waxana ay muujiyeen in walaaca ay ka qabaan isbalaarinta bari ee Nato ay tahay mid sax ah.
Loollanka u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka, oo weli haysta hubka nukliyeerka ee ugu weyn adduunka, wuxuu soo bilowday dagaalkii qaboobaa (1947-89). Ukraine markaas waxay ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah Midowga Soofiyeeti ee shuuciga.
Waxaa soda dedaallo diblomaasiyadeed tan iyo Khamiistii si ay isugu dayaan in ay ka hortagaan cabsi ay ka qabaan in uu noqdo dagaal weyn oo ka dhaca Yurub.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa caasimadda Ukraine ee Kyiv, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale u soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo wadahadal dhexmara Ukraine iyo Ruushka.
"Turkiga waxa uu diyaar u yahay in uu kaalintiisa ka qaato sidii loo xalin lahaa xasaradaha"ayuu yiri Mr Erdogan. Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Ukraine iyo Ruushka labadaba.
Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, si ay isugu dayaan inay xiisadda dejiyaan.











