Muskan Khan: Gabadhii uu hoggaamiyaha Al-Qaacida soo amaanay aabeheed oo jawaab yaab leh bixiyay

Muskan Khan iyo Ayman al-Zawahiri

Xigashada Sawirka, NDTV/AFP

Qoraalka sawirka, Muskan Khan iyo Ayman Al-Zawahiri

Aabaha gabadhii uu cajaladda muuqaalka ah ee ammaanta ah usoo duubay hoggaamiyaha ururka al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa jawaab ka bixiyay farriinta ku socotay gaabdhiisa Bibi Muskan Khan, sida ay tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin India Times iyo Hindustan Times.

Maxamed Xuseen Khan, oo ah ninka gabadha dhalay, ayaa al-Qaacida ka codsaday in ay amaan siiyaan isaga iyo qoyskiisa. Jawaabtiisa oo hadalhayn aad u xooggan dhalisay ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Aaabahan ayaa farriinta uu al-Zawahiri usoo diray gabadhiisa ku tilmaamay arrin "khalad" ah.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu Xuseen sheegay "in qoyskiisa ay Hindiya dhexdeeda ugu nool yihiin si nabad ah, haddana aysan doonaynin in "si aan loo baahnayn indhaha loogu soo jeediyo".

Mar su'aal laga waydiiyay sida uu u arko amaanta gabadhiisa loo jeediyay, ayuu yidhi: "Dadku way dhihi karaan wixii ay rabaan, arrintan waxay noo keeneysaa dhibaato ku timid si aan loo baahnayn. Waddankenena si nabad ah ayaan ugu nool nahay, ma rabno inuu annaga naga soo hadlo, wax xiriir ahna nagama dhaxeeyo. Waa isku day lagu doonayo in midnimadeenna lagu dhaawaco."

Ayman Alzawahiri

Xigashada Sawirka, Al-Qaacida

Waxa uu hoosta ka xariiqay in muuqaalka kasoo baxay al-Qaacida uu wax u dhimayo amniga qoyskiisa, waxa uuna sheegay in booliska iyo dowladda gobolka ay billaabi karaan baadhitaan ku saabsan xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

"Waxba kama ogin muuqaalkaas, ma garanayno qofka kasoo muuqday cajaladda. Maanta ayaan wajigiisa arkay markii ugu horraysay. Wuxuu sheegay hadallo afcarabi ah... annagu halkan ayaan ku nool nahay dhammaanteen, walaalo ayaana nahay," ayuu yidhi Maxamed Xuseen Khan oo la hadlayay wariyeyaasha.

Muxuu yidhi hoggaamiyaha al-Qaacida?

Ayman al-Zawahiri oo muddo dheer aan laga warhaynin, dadka qaarna ay u haysteen inuu geeriyooday ayaa isbuucan si lama filaan ah muuqaal amaan ah ugu soo diray Muskan Khan, oo ah ardayad Hindi ah oo kasoo jeedda gobolka Karnataka.

Waxa uu ku bogaadiyay ficilkeedii caanka noqday ee ay ku wajahday dad ku mudaharaadayay Xijaabkeeda, iyadoo laga soo duubay muuqaal ay koox rag ah ku cabsi galinayeen. Muskan ayaa raggii ku soo xoomay ku qaylisay iyadoo dhahaysa "Allahu Akbar".

Muskan Khan

Xigashada Sawirka, Sawir laga soo jaray Muuqaal

Hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa arrintaas ay Muskan samaysay la dhacay, waxa uuna sheegay in ay tahay "haweeney sharaf leh".

Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay oraah micnaheedu yahay "Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya".

Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muujiyay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan.

Sanadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay warar sheegayay in hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri uu u geeriyooday xanuun uu muddo la il darnaa.

Hase yeeshee muuqaalka cusub ee ay sii daysay shabakadda ayaa lasoo saaray 5-tii bishan April, waxaana lagu arkayaa Ayman al-Zawahiri oo isagoo la maqli karo ka hadlaya arrin dhacday 8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka.

Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Usama Bin Laadin, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno weerarradii 9/11).