Sidee Google ugu guuldarestay in uu ka digo dhulgariirkii Turkiga ee uu sii ogaa

Xigashada Sawirka, EPA
Shirkadda Google ayaa qiratay in nidaamkeeda ka diga dhulgariirka goor hore uu ku guuldareystay in uu si sax ah digniin dadka ugu diro dhulgariirkii ka dhacay Turkiga sanadkii 2023-kii.
Toban milyan oo qof oo ku noolaa 98-da mayl ee ubucda dhulgariirka aheyd ayey Google uga digi kartay dadka ka hor inta uusan dhulgariirka dhicin 35 daqiiqadood si ay u helaan meel ammaan ah. Taa badalkeeda waxaa digniitii hore loo diray 469.
Shirkadda Google waxay u sheegtay BBC-da in nus milyan qof loo diray digniin heerkeedu hooseeyo taas oo loogu talogalay dhulgariirada aan weyneyn. Fariintaas dadka uma helin sida kuwa aadka u daran. Shirkadda waxay hore BBC-da ugu sheegtay in ay si fiican shaqada u qabatay ka dib baaris la sameeyay sanadkii 2023-kii.
Nidaamka ka diga dhulgariirka waxa uu ka shaqeeya dalal ka yar 100, waxayna Google u bixisay "Shabakada Google ee badbaadada". Inta badan nidaamkan wuxuu ka shaqeeya dalalka aanan laheyn digniinaha kale.
Nidaamka Google ee loogu magacdaray digniinaha dhulgariirka waxaa maamula shirkad ee dalalka ma maamulaan.
Nidaamkan wuxuu ku shaqeeya aaladaha ay ku jiraan barnaamijka Android kuwaas oo in ka badan 70 boqolkiiba taleefoonada Turkiga loo adeegsado.
Dad ka badan 55,000 ayaa ku geeriyooday markii labo dhulgariir oo waa weyn ay ku dhufteen koonfur-bari Turkiga bishii Feberaayo sanadkii 2023-kii. Dad ka badan 100,000 ayaa ku dhaawacmay. Dad badan ayaa jiifay guryaha soo dumay markii uu dhulka ruxmay.
Nidaamka Google ee ka diga dhulgariirka si toos ah ayuu u shaqeynayay maalintii dhulgariirka balse wuxuu yareystay sida dhulgariirka u u xooganaa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaan sii wadeynaa in aan sare u qaadno nidaamkan anagoo ku saleyneynaa wixii aan ka baray dhulgariir kasta" ayuu yiri afhayeen u hadlay shirkadda Google.
Sidee ayuu u shaqeeyaa?
Nidaamkan Google waxa uu awoodaa u leeyahay in uu ogaado gariirka ka imaanaya taleefoono badan oo ku shaqeeya barnaamijka Android.
Dhulgariirka si gaabis ayuu ku socdaa sidaa darteed waxaa uu barnaamijka diri karaa digniinta.
Digniinta ugu halista badan ee Google uu diro waxaa loo yaqaan "Tallaabo qaad" waxayna u dirtaa dhawaaq sare taleefoonada oo dhan xitaa hadii taleefoonka ay kuu doorantahay 'ha dhibin" wuu dhaafayaa oo waxba uma joojinayo.
Sawir
Digniin noocaas ah ayey aheyd in dadka loo diro marka dhulgariirku weyn yahay si loo badbaadiyo dad badan.
Nidaankan wuxuu sidoo kale leeyahay digniin kale oo sheegeysa in ay khatar jirto sida mid ah "Iska jir" oo loogu talogalay in dadka lagu ogeysiiyo in ruxanka uu yar yahay. Digniintaas waa mid yar oo hadii teleefoonka aad ku xiratay 'Ha dhibin" uusan ka gudbeynin.
Fariinta ah 'Tallaabo qaad" muhiim ayey u aheyd Turkiga sababtuna waxay tahay heerka ay musiibadu gaarsiisneyd iyo xiliga oo aheyd afartii habeeno oo dad badan ay hurdayeen. Dadka waxa kaliya oo toosin karay ayaa aheyd dingiin weyn.
Bilihii ka dambeeyay markii dhulgariirka uu dhacay, BBC-da waxay dooneysay in ay la hadasho dadka helay fariimaha digniinaha. Ugu horeyn, ujeedka waxa uu ahaa in la ogaado waxtarka farsamada.
Balse markii lala hadlay dadka ku sugnaa magaalooyinka halkii uu dhalgariirka ka dhacay muddo bilo ah ma arkin BBC-da qof helay digniin sheegeysa in khatartu weyn tahay sida "Tallaabo qaad" ka hor inta uusan dhulgariirka dhicin.
Dhammaadkii sanadkaas ayaan daabacnay wixii aan ka ogaanay dadkii aan la hadalnay.

Xigashada Sawirka, X
Ingineer Cabdiqaadir Abiikar waa madaxa jaamacada Almaas ee magaalada Muqdisho, waana khabiir cilmiga Jiyoolijiga, waxa uu noo sheegay in halka uu ku yaal Turkiga ay ka dhigeyso meel dhulgariirka u nugul. Wuxuu kaloo sheegay in dhibaatada aysan aheyn in la ogaado dhulgariirka balse ay tahay sida fariinta dadka ku gaarto.
"Qalabka dingiinta bixiya ma shaqeyn waayin, hal xabbana ma ahan laakiin nidaamka dhaqso dadka ku wargelinaya waaye dhibaatada".
Ingineer Abiikar wuxuu kaloo sheegay in Turkiga uu leeyahay nidaam u gaar ah oo dhulgariirka lagu ogaado, qalabka lagu ogaadana waa mid la heli karo oo dal kasta sameysan karo balse mudada la haysto ayaa muhiim ah.
"Waqti yar ayad haystaa, guriga marka uu dumaayo iyo marka uu dhacayo kalama dheera"
Sawir
Cilmibaarayaasha shirkadda Google ayaa ku qoray wargeyska Seyniska faahfaahinta wixii khaldamay iyagoo ku sheegay "Ogaashaha Logardiisamka oo xadidneyd".
Dhulgariirkii koowaad, nidaamka Google wuxuu ku qiyaasay in dhulka u ruxmayo inta u dhexeysa 4.5 iyo 4.9 balse dhabtii wuxuu ahaa 7.8.
Dhulgariir kale oo maalintii dhacayna waa la yareystay. Nidaamka digniinaha wuxuu dhulgariirkaas u diray "Tallaabo qaad" 8,158 oo taleefoon halka "Iska jir" oo ah mid heerkaas ka yar uu u diray wax ka yar 4 milyan.
Markaa kaddib cilmibaarayaasha waxay badaleen Logardiisamka iyagoo kaddib tijaabo sameeyay.
Tijaabada waxa uu nidaamka u diray fariin ah "Tallaabo qaad" 10 milyan oo ah kuwa ku jira halista ugu badan iyo 67 milyan oo loo diray "Iska jira". Dadka loo diray fariintaas waa dadka ku noolaa meelaha aadka ugu fog ubucda dhulgariirka.
Prof. Elizabeth Reddy oo ka tirsan jaamacada Colorado waxay sheegtay in la helo xogtan labo sano kaddib dhulgariirka in ay tahay wax laga walaaco.
"Dhabtii aad ayaan uga niyadjabay in waqti dheer ay qaadato" ayey tiri Prof. Elizabeth oo intaas ku dartay "Dhacdo yar kama hadleyno - dad ayaa dhintay – dingiintana uma arkin sidii aan rabnay in ay noqoto".
Google waxay ugu dambeyn sheegeen in faahfaahin la sameeyay dhacdadaas kaddib kor loo qaaday tayada.













