Saddex qodob oo kaa caawin kara sidii aad uga hortagi lahayd in dood ay isku beddesho isku dhac

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isku dhacu waa wax si maalinle ah uga dhaca nolosha aadanaha. Iskama ilaalin karno, sababtoo ah dhamaanteen isku mid ma nihin.
Khilaafku wuxuu ku dhici karaa fariimaha qoraalka ah, fariimaha khadka tooska ah, ama wada sheekaysiga fool ka fool ah.
In kasta oo wada-sheekeysiga dadka ku dhexmara qaab qoraal ah aanay u badnayn inay keenaan khilaaf, sababtoo ah waa la tifatiri karaa, kulanada fool ka fool ah oo looga wadahadlo arrimaha 'degdegga' waxay keeni karaan khilaaf iyo is-maan-dhaaf .
Waxay si gaar ah u dhacdaa markaan si weyn ula fal-galno qoysaska iyo asxaabta. Tani kaliya ma abuuri karto xaalad aan fiicneyn, laakiin sidoo kale waxay dhaawici kartaa xiriirka si ku meel gaar ah ama si joogto ah.
Haddaba sidee baan uga hortagi karnaa doodaha fudud, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa dhanka internetka iyo kuwa fool-ka fool ah, inay u gudbaan isku dhacyo halis ah iyo dagaal?
Jessica Robles, oo ah borofesar cilmi-nafsiga bulshada ka dhiga jaamacadda Loughborough, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in fiiro gaar ah loo yeesho "waxa ay dadka kale leeyihiin iyo sida ay u sheegayaan" ka hor inta aan looga jawaabin hab keeni kara isku dhac inta lagu jiro doodda.
Professor Jessica waxa kale oo ay bixisay saddex talo oo lagaga hortagayo is afgaranwaaga ka hor inta aanay u gudbin colaad ama gacan-qaad halis ah.
1. Xakamaynta colaada si aanay u sii fidin.
Haddii aad qof khilaaf kala dhexeyo, waa inaad ka fogaataa isticmaalka luqadda aan habboonayn, beddelkeedana la gal wadahadal waxtar leh. Waa inaad sidoo kale ka fogaataa falalka dadka kale u horseedi kara isku dhac hor leh, sida eedayn, cabashada, iyo jeesjeeska.
Taa beddelkeeda, waxaa muhiim ah in diiradda la saaro fikradda iyo waxa dhabta ah ee qofkaas uu sheegayo.
Waxa kale oo muhiim ah in la isku dayo in la fahmo waxa ay dooddu ku saabsan tahay? Ma isfaham la'aan baa? Ma arrin shakhsi ah oo ay sababtay qof eex ama ujeeddooyin gaar ah oo arrintan laga leeyahay-baa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Maskaxdaada ha furnaato.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mararka qaarkood waxa uu qof leeyahay aad uma xuma. marka qof wax yiraahdo, ka fikir laba arrimood.
Marka hore, xasuusnoow in waxa aynu niraahno aanay lahayn hal macne oo keliya. Waxay yeelan kartaa macnayaal badan. Markaa ha isku dayin inaad ka jawaabto waxa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhacaya xilligan dooda.
Waxa kale oo muhiim ah in la qaato daqiiqad inta lagu jiro doodda oo laga fiirsado tafsiirrada kale ee suurtogalka ah. Way fiicantahay in aad wax yar qaadato ama aad is dejiso si aad uga gudubto xaalada sii xumaanaysa.
Midda labaad waa inaad isku daydo inaad fahanto; Laakin haddii aad dareento in waxa uu qofkaasi sheegay ay xun yihiin, weydii in ay sii sharxaan. Dabcan, tani ma fududa. Si kastaba ha ahaatee, dadku waxay inta badan ku dhuftaan waxay ula jeedaan markay sharraxayaan fikradahooda.
Ka dhigista inay dareemaan inaad u dhegaysanayso sida ay u sharxayaan waxay sidoo kale kaa caawin doontaa ka hortagga in arrimuhu xaaladu sii xumaato oo ay u socdaan jihada aan loo baahnayn.
3. Diiradda saar mowduuca
Inta muranku socdo, si taxadar leh u dooro waxaad dhahayso kana fiirso dareenka aad kicinayso ee shucuurta qofka kale. Inta muranku socdo, waxaad sidoo kale sheegi kartaa wax uu qofka kale ka shallayn doono.
Haddaba, hal dariiqo oo taas looga fogaan karo ayaa ah in aad waqti ku qaadato ka qayb galka doodda oo aad ka fikirto sida aad uga qayb qaadan doonto.
Tani waxay kaa caawin doontaa inaad yeelato wada hadal wax ku ool ah. Tusaale ahaan, waxaad weydiisan kartaa in wadahadalku diiradda saaro hal mowduuc oo gaar ah.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkani wuxuu u yeelan karaa macne ka duwan qofka kale. Waxaa laga yaabaa in loo qaato iyadoo leh, 'Waxaad tahay caajis ama aadan diiradda saarin hal fikrad.'
Haddii ay tani dhacdo, waxaad u baahan tahay inaad raalli geliso si aad u joojiso dooda ama hoos u dhigto codkaaga si qofka kale uusan u malayn inaad ku dhaleeceynayso inay yihiin kuwa doodooda ay "caddaalad darro ku dhisan tahay."
Ha dareemin xumaan haddii habkani aanu shaqayn marka ugu horreysa ee aad isku daydo. Waxaa laga yaabaa inaadan la mid ahayn qiimaha qofka aad la doodayso.
Dadku uma doodaan in dood oo kali ah la yeesho. Sababta ugu weyn ee aan ku doodayno waa in aan hayno mansabyo iska soo horjeeda. Marka waa muhiim in la is weydiiyo in aan isku bog nahay ama isku mowjad aan ka hadlayno ? Ma isku qiimo ayaan nahay?
Dooduhu waxay ku xiran yihiin cidda aynu nahay. Doodaha aan caafimaadka qabin waxay abuuraan shucuur xooggan. Waxaan dareemeynaa in ay dadka kale nagu xukumayaan fikradayada.
Sidaa darteed, in la isku maandhaafo midba midka kale wuxuu si fudud uga sii dari karaa xaaladda. Tani waxay horseedi kartaa kala tag ku meel gaar ah ama xitaa burbur dhamaystiran oo xiriirkeena oo dhan ah.
Sidaa darteed, xalka qof kasta oo doonaya inuu ka hortago in taasi dhacdo waa inuu inta badan ka fiirsadaa inuu isku dayo inuu "ka hadlo fikradaha kaliya" isagoo dareenka dhinac iska dhigaya.













