Dhulgariir deegaanno badan saameeyey oo ku dhuftay bariga fog ee Ruushka iyo Sunaami ka dhashay

Sunaami

Xigashada Sawirka, Reuters

Qeybo ka mid ah jasiiradda French Polynesia ayaa loo sheegay in ay ku wajahan yihiin mowjado gaaraya 4 mitir (13 ft) Arbacadii, ka dib markii dhulgariir xoog badan oo cabirkiisu ahaa 8.8 uu ka dhacay xeebaha bari ee fog ee Ruushka, kaasoo dhaliyay digniino sunami ah oo aad uga fog sida Hawaii, Japan iyo Chile.

Dhul-gariirkii ka dhacay Jasiiradda Kamchatka ayaa waxyeello u geystay dhismayaal waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo ku sugnaa gobolka fog ee Ruushka, halka inta badan badda bari ee Japan - oo uu burburiyay dhulgariir cabirkiisu ahaa 9.0 iyo sunami sannadkii 2011 - lagu amray in laga baxo, si la mid ah qaybo ka mid ah Hawaii.

Fiidnimadii Arbacada, Japan iyo Hawaii waxay hoos u dhigeen digniintoodii tsunami, laakiin mas'uuliyiinta jasiiraradda French Polynesia ayaa uga digay dadka deggan dhowr jasiiradaha fog ee Marquesas inay u guuraan dhul sare, oo ay raacaan tilmaamaha rasmiga ah.

Mowjadaha ayaa la filayey in ay ku dhuftaan jasiiradaha qaar saacadihii hore ee subaxnimada.

"Ciidamadeena ku sugan French Polynesia waxay heegan ugu jiraan tallaabooyin taxaddar ah, si ay ugu diyaar garoobaan inay ka caawiyaan muwaadiniinta iyo adeegyada dawladda hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ama daad-gureynta caafimaad," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Faransiiska Sebastien Lecornu mar uu ka hadlayay baraha bulshada ee X.

Iyadoo Marquesas ay yihiin jasiirado volcano ah oo dhul sare ku yaalla, ayaa inta badan Faransiiska Polynesia waxay ka kooban tahay dhul joogiisu hooseeyo.

Saynisyahano Ruush ah ayaa sheegay in dhulgariirka Kamchatka uu ahaa kii ugu xooganaa ee ku dhufta gobolka tan iyo 1952-kii.

"Dhulgariirkii maanta wuxuu ahaa mid halis ah, waana kii ugu xoogganaa muddo tobanaan sano ah" barasaabka Kamchatka Vladimir Solodov ayaa ku yiri muuqaal la soo galiyay app-ka fariimaha ee Telegram-ka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaad dareemaysaa sidii in darbiyadu ay dumi karaan daqiiqad kasta. Gariirku wuxuu u socday si joogto ah ugu yaraan saddex daqiiqo," ayuu yiri Yaroslav, 25, oo ku sugan magaalada Petropavlovsk-Kamchatsky.

Severo-Kurilsk oo ku taal waqooyiga jasiiradda Kuril, koonfurta Kamchatka, mowjadaha tsunami ayaa kor u dhaafey 3 mitir, kuwaas oo ugu weynaa ilaa 5 mitir, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushka ee RIA.

Alexander Ovsyannikov, duqa magaalada, ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay qiimeeyaan burburka soo gaaray guryahooda oo aysan isticmaalin kuleyliyaha shooladda gaaska ilaa baaritaannada laga sameynayo.

Mowjadaha sunami ayaa qayb ahaan buux dhaafiyay dekedda iyo warshad lagu farsameeyo kalluunka oo ku taalla magaalada, kuwaas oo doomaha kasoo xaaqay meelihii ay ku jireen, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka iyo dawladdaba.

Muuqaallo la xaqiijiyey oo ay soo duubeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa muujinayay in dhammaan xeebta magaalada ay biyo qarqiyeen, dhismayaal dhaadheer iyo goobo bakhaarro ah oo ay ku hareeraysan yihiin biyo markii ay dib ugu soo laabatay badda.

Kamchatka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hawaii waxay diwaan galisay mowjado gaaraya ilaa 1.7 mitir, halka Japan mowjadda ugu dheer ee la diiwaan geliyey ay gaaraysay 1.3 mitir, sida ay saraakiishu sheegeen.

Digniinta Tsunami iyo amarada lagu jiheynayo dadka inay aadaan dhulka sare ayaa markii dambe hoos loo dhigay inta badan goobaha la-talinta, iyada oo Xarunta Digniinta Tsunami ee Baasifiga ay sheegtay in Hawaii aan la fileyn in ay aragto tsunami weyn.

Duulimaadyada ka baxaya garoonka Honolulu ayaa dib u bilowday fiidkii, sida ay waaxda gaadiidka sheegtay.

Hirar ilaa nus mitir gaaraya ayaa laga soo sheegay ilaa iyo California, ayadoo kuwo yaryarna ay gaareen gobolka British Columbia ee Canada.

Digniinta Baasifigga

Sahanka dhulka ee Maraykanka ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa mid qoto dheer oo gaaraya 19.3 km (12 mayl), wuxuuna xuddun u ahaa 119 km (74 mayl) bari-koonfur-bari ee Petropavlovsk-Kamchatsky, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 165,000 oo qof

Qaylodhaanta Tsunami ayaa laga maqlay magaalooyinka ku teedsan xeebaha Baasifiga ee Japan waxaana la soo saaray amarro daadgurayn ah tobanaan kun oo qof.

Waxyeellada dhulgariirrada ka badan 8.0

"Dhulgariirrada 2, 3, ama 4 afar ah badanaa lama dareemo. Dhulgariirkan oo kale sunaami ayuu keeni karaa. Sunaamiga waa ayadoo qayb badda salkeeda ah ay kor u soo kacayso. Marka uu dhulgariirku ka dhaco badda salkeeda biyihii dul saarnaa ayaa kor u soo kacaya, ka dibna hirar waaweyn ayaa soo aadaya berriga" ayuu yiri Prof. Cabdulqaadir Abiikar xuseen oo wax ka dhiga jaamacadda Almaas ee Muqdisho.

Meelaha aan badda ahayn ayuu sheegay in waxyeello xoog leh uu u gaysan karo.

"meelaha aan badda ahayn haddii uu ka dhaco, awooddiisa oo badan darteed dhismayaal badan ayuu burburinayaa" ayuu sii raaaciyey.

Wuxuu kaloo intaa raaciyey inay adag tahay in ay adag tahay in laga soo digo dhulgariirka, oo aan la sii saadaalin karin ilaa uu dhaco.