Maxay dalalka qaar u aqoonsan la'yihiin Falastiin

Falastiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona Falastiin bisha Sebtembar, waxaana sidaas ku dhawaaqay madaxweyne Emmanuel Macron oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee ka tirsan G7 ee sidaa sameeya.

Farriin uu soo dhigay barta X ayuu madaxweynaha Faransiiska Mr. Macron si rasmi ah ugu sheegay sidaas.

"Baahida degdegga ee maanta waa in la joojiyaa dagaalka Gaza, lana badbaadiyo rayidka. Nabad waa suuragal. Waxaan u baahannahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha iyo gargaar balaaran oo la geeyo Gaza" ayuu sheegay Mr. Macron.

Go'aanka Macron waxaa soo dhaweeyay madaxda Falastiin halka raysalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in tallaabadaas ay tahay "mid lagu abaalmarinayo argagixisada" ka dib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar sanadkii 2023-kii.

Mareykanka "si weyn ayey u diideen" hadalka Mr. Macron. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku tilmaamay go'aanka Macron mid "mas'uuliyad-darro ah".

Dalalka G7 ee horumaray waxay ka kooban yihiin Faransiiska, Mareykanka, UK, Talyaaniga, Jarmalka, Canada iyo Japan.

Israa'iil dal uma aqoonsana Falastiin. Dowaldda hadda ka ka jirta Israa'iil waxay ka soo horjeedaa in laga sameeyo dal ay Falastiin leeyihiin Daanta-Galbeed iyo Gaza, waxayna ku doodayaan in haddii dal loo dhiso Falastiin ay taas khatar ku tahay jiritaanka Israa'iil .

Raysalwasaare Netanyahu waxa uu ku qoray barta X "Hadii duruufahan lagu dhiso dowlad Falastiin ah, waxay taasi guuldarro u tahay Israa'iil – si nabad ah ugama dhinac dhisnaaneyso. Aan cadeeyo: Falastiiniyiintu ma doonayaan in ay ka ag dhistaan Israa'iil dal ee waxay doonayaan in ay Israa'iil ka dhex sameeyaan dal".

Yaa Falastiin dal ahaan u aqoonsan?

Falastiin

Xigashada Sawirka, Reuters

Falastiin waxaa aqoonsan dalal ka badan 140 ka mid ah 193-da xubnood ee Qaramada Midoobay. Dalalka aqoonsan waxaa ku jira dalalka Carabta, kuwa Muslimiinta iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa aqoonsan sida Spain, Ireland iyo Norway kuwaas oo si rasmi ah u aqoonsaday in Falastiin ay dal tahay bishii May ee sanadkii la soo dhaafay 2024. Hore sidaa waxaa u sameeyay dalal badan oo Yurub ka tirsan, intooda badan waxay ahaayeen jamhuuriyadihii sofiyeetka.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee taageera Israa'iil iyo isbahaysigiisa sida UK iyo Australia ma aqoonsana Falastiin. Australia waxay muujisay in ay sidaa yeeleyso si loo dardargeliyo xalka labo dowladood.

Dalalka qaar maxay u aqoonsan la'yihiin Falastin?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka aan Falastiin aqoonsaneyn waxay sidaa u sameeyeen in aysan jirin wadaxaajood Israa'iil deegaameynteeda laga galay.

"Inkastoo hadal uun ay ka tahay aqoonsiga Falastiin, hadana Mareykanka wuxuu ku adkeysanayaa haddii aysan si toos ah u wadahadlin Israa'iil iyo Falatiin in taasi ay ka dhigan tahay in Israa'iil ay diidan tahay in Falatiin la aqoonsado" ayuu yiri Prof. Fawaz Gerges oo ka tirsan jaamacada London School of Economics.

Wadahadalada nabadda ee bilowday sanadkii 1990-kii waxaa lagu dajiyay in la sameeyo xal labo dal ah halkaas oo Israa'iil iyo Falastiin ay noqon karaan dalal daris ah oo kala gaar ah. Balse wadahadaladaas hoos ayey u dhaceen horaantii labadii kun.

Arrinta ugu adag weli xal lagama gaarin, waxaana ka mid ah xuduudaha, sida uu mustaqbalka u ekaanayo dal ay Falastiin leedahay, waxa ay noqoneyso Quddus, iyo qaxootiga Falastiin.

Dalalka doonaya in ay saaxiib la sii ahaadaan Israa'iil way ogyihiin hadii ay aqoonsadaan dal Falastiin ah in ay taasi ka careysiineyso Israa'iil.

Qaramada Midoobay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qaab ceynkee ah ayey Falastiin ku fadhiyaan Qaramada Midoobay?

Falastiin waxay Qaramada Midoobay ka tahay xubin kor joogto ah. Falastiin waxay dirsatay codsi ay xubin buuxda kaga noqoneyso Qaramada Midoobay balse codsigaas wuu guuldareystay maadaama aysan taageerin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidaa darteed marna looma codeyn.

Sanadkii 2012-kii, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in Falastiin ay noqoto "xubin kor joogto" taas oo u ogolaaneysa in ay ka qeyb qaataan doodaha golaha balse uma codeyn karaan qaraarrada.

Go'aankii la qaatay 2012-kii waxaa laga soo dhaweeyay Daanta Galbeed iyo Gaza balse waxaa dhaliilay Mareykanka iyo Israa'iil. Falastiin waxaa sidoo kale u suuragashay in ay ku biiraan ururrada kale ee caalamiga sida Maxkamadda Dambiyada Caalamiga oo ah maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay.

Bishii May sanadkii 2024-kii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu sii xoojiyay xuquuqda Falastiin ay ururka ku dhex leeyihiin, waxaana loo aqbalay in ay xubin yihiin ka dib dood dheer.

Bishii Abril isla sanadkaas Mareykanka oo ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah waa uu diiday in uu taageero qaraarka Aljeeriya ee ku baaqayay in Falastiin ay ka mid noqoto Golaha.

Prof Gilbert Achcar oo ka tirsan machadka xiriirka caalamiga SOAS ayaa aaminsan in wax badan aysan heleynin madaxda Falastiin oo ah in ay "xubin buuxda ka noqdaan Qaramada Midoobay".