Muxuu ka dhigan yahay 'aqoonsiga' qaar ka mid ah dalalka adduunku siinayaan Falastiin

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii maanta sheegay inay aqoonsan doonaan dowlad Falastiin ah 28-ka May, taas oo ah tallaabo anfacaysa hammigii Falastiiniyiinta ee muddada dheer soo jiray, taas oo ku timid cadho caalami ah oo ka dhalatay dhimashada dadka rayidka ah iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ka taagan Marinka Gaza ka dib weerarka Israel.
Go'aankan saddex-geesoodka ah iyo kuwo kale oo la filayo in ay ku daydaan ayaa laga yaabaa inay dhalin karaan aqoonsi caalami oo ay hesho Falastiin, kana hesho Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobayba.
Malta iyo Slovenia, oo sida oo kale ka tirsan 27-ka waddan ee Midowga Yurub, ayaa laga yaabaa inay ku daydaan waddammadan.
Maxay muhiim u tahay hawshani?
Go'aankii Qaramada Midoobay ee 1948 dii ee abuuray Israa'iil, wuxuu hirgeliyey dalkaas. Halka dhanka kale 70 sano ka dib maamulka dhulka Falastiiniyiintu weli kala qaybsan yahay, waxaana loo diiday dalabaadkoodii ku aaddanaa xubinimada Qaramada Midoobay dhawr jeer oo kala duwan oo ay codsadeen.
Maraykanka, Ingiriiska iyo waddamo kale oo reer galbeed ah ayaa taageeray fikradda ah in Falastiin ay yeelato dawlad madax bannaan oo ka barbar jirta Israa’iil, si ay xal ugu hesho colaadda ugu daran ee Bariga Dhexe, laakiin waxay ku adkaysanayaan in dawladnimada Falastiin ay ku timaado qayb ka mid ah xalinta wadahadalka. Ma jirin wax wada xaajood ah oo la taaban karo oo dhacay tan iyo 2009 kii.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa qaba in arrintani sahlayso in xal loo raadiyo dagaalka.
“Aqoonsigani waa in la doonayo falastiiniyiinta qunyar socodka ah iyo dawladda Maxamuud Cabbaas in la siiyo fursad” ayuu qabaa Maxamuud Caalin oo falanqeeye dhanka siyaasadda ah.
Maxaa keenay hadda?
Cadaadiska dublamaasiyadeed ee saaran Israa’iil ayaa sii kordhay xilli dagaalka Xamaas ay kula jiraan uu sii socdo bishii siddeedaad.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn ugu codeeyay 11-kii March in la siiyo "xuquuqdii iyo mudnaantii" ay lahayd Falastiin, taas oo ah waxa keenaya taageerada caalamiga ah.
Hogaamiyayaasha Spain, Ireland, Malta iyo Slovenia ayaa bishii March sheegay inay ka fiirsanayaan inay dawlad u aqoonsadaan Falastiin.
Ra'iisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa dhawaan yiri: "Tani waxaan u sameynayaa amar akhlaaqdu na farayso, sababta oo ah waa sida kaliya ee labadaas dowladood, Israel iyo Falastiin, ay ugu wada noolaan karaan nabad."
"Waxa ay waddamadan kale ka baqayaan kacdoommada ka socda Gaza, iyo jaamacahada Maraykanaba, in uu Yurub-na soo gaadho. Kolka arrintaas bay ka sii gaashamanayaan" ayuu BBC-da Maxamuud Caalin oo falanqeeye siyaasadeed ah.
Maxay ka faa'iidi karaan aqoonsigan?

Xigashada Sawirka, EPA
Inkastoo tobanaan waddan ay aqoonsadeen Falastiin, haddana ma jiro mid ka mid ah quwadaha waaweyn ee reer galbeedka oo sidaas sameeyay, mana cadda inta uu la egyahay farqiga ay tallaabada saddexdaan waddan ku dhaqaaqeen ay keeni karto.
Si kastaba ha ahaatee, aqoonsigoodu wuxuu calaamad u noqon doonaa guul weyn oo u soo hoyatay Falastiiniyiinta, kuwaas oo aaminsan inay siisay sharci caalami ah halgankooda.
Jawaabta israel iyo Falastiiniyiinta
Israa’iil ayaa si degdeg ah uga falcelisay xaaladda iyada oo u yeedhay safiirradeedii Ireland iyo Norway.
"Waxaan u dirayaa Ireland iyo Norway fariin cad: Israa'iil kama aamusi doonto kuwa wax u dhimaya madax-bannaanideeda oo khatar gelinaya ammaankeeda," ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Israel Katz.
Halka dhinaca kalena soo dhaweeyeen tallaabooyinkan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa soo dhaweysay go'aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeyihiin.
“Tallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaadhsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin.
Yaa u aqoosan Falastiin dal ahaan?
Ilaa140 waddan ayaa hore u aqoonsaday Falastiin, in ka badan saddex-meelood laba dalool waddammada ku midaysan xubinnimada Qaramada Midoobay.
Qaar ka mid ah quwadaha waaweyn ayaa muujiyay in mawqifkooda laga yaabo inuu isbedelo iyadoo ay jiraan qaylo dhaan ka dhalatay cawaaqibka ka dhalan kara duulaanka Israel ee Gaza, kaas oo lagu dilay in ka badan 35,000 oo Falastiiniyiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.













