Ma cadaadiska ah in lagu jeclaado goobta shaqada ayaa dib u dhigaya horumarka haweenka

Faith oo 24 jir ah ayaa kulan shaqo ku leh xafiis ku yaalla Nairobi, caasimadda Kenya, waxayna dareemaysaa walwal. Bilowgii, kulanku wuu fiicnaa, Faith-na si edeb leh ayey ugu qososhay kaftanka qallafsan ee madaxdeeda, balse xaaladdu si degdeg ah ayey isu beddeshay.
Mid ka mid ah shaqaalaha waaweyn ayaa soo jeediyay fikrad ay Faith aaminsan tahay inaanay si dhab ah u shaqeyn karin. Ka hor inta aysan hadalkeeda dhiiban, isla shaqaalihii ayaa magaceeda ku daray.
"Faith iyaduna wey igu raacsan tahay!" Dhammaan dadkii shirka ka qayb qaadanayey waxay wajigooda u jeediyeen Faith, markaas ayuu shaqaalihii intaa ku daray: "Waa sax miyaa?"
Runtii, Faith ra'yi ahaan kuma aysan raacsanayn, balse waxay dareentay cadaadis.
"Ma doonayo in la ii arko inaan ahay qof adag ama mid xasaasi ah," ayay tidhi "Waxaan dareemayaa cadaadis aan muuqan oo igu qasbaya inaan dhoola caddeeyo, wax walba la qabsado, oo aanan dhibaato abuurin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxay hakad yar gelisay hadalkeeda, iyadoo ka fiirsaneysa xaaladdii ay markaas ku jirtay. Waxay kaliya laba sano ka shaqeynaysay shirkad caan ah, waxayna ka mid ahayd haweenaydii ugu horreysay ee qoyskeeda jaamacad gasha. Waxay lahayd yoolal badan oo ay rabtay inay gaarto.
"Haddii aan mar horeba bilaabo inaan la murmo saaxiibadayda shaqada, sideen markaa u horumari karaaba?" ayay is-waydiisay.
Faith waxay garwaaqsatay in Kenya ay wajahayo "jaranjaro jabtay" ("broken rung") oo lagu sharaxay warbixinta Women in the Workplace 2025 caqabad weyn oo ka jirta silsiladda sare u kacista shaqada taasoo keenta hoos u dhac xawli leh oo ku yimaada kororka haweenka ka bilaaba jagooyinka hooseeya una gudba maareynta.
Sannadkan, warbixinta sannadlaha ah ee shirkadda la-taliyayaasha McKinsey ayaa markii ugu horreysay ka baxday Waqooyiga Ameerika waxayna ku dartay Kenya, Nigeria, iyo India. Waxaa lagu ogaaday in haweenku weli aad ugu yar yihiin jagooyinka hoggaaminta sare.
Kenya, warshadaha sida daryeelka caafimaadka iyo adeegyada maaliyadeed waxay leeyihiin ilaa 50% haween ka yihiin shaqaalaha heerarka hoos, balse jagooyinka sare ee maamulka kaliya 26% ayay haweenku joogaan. Xaaladaha Nigeria iyo India sidoo kale way la mid yihiin
Kulankii shirkaas, Faith ma aysan diidin saaxiibkeed shaqada. Waxay kaliya dhoola cadeeysay oo hadal kama filin.
Maanta, khibradda Faith waxaa loo bixiyay magaca "hablaha shaqada lagu jeclaado"
Waa maxay "hablaha shaqada lagu jeclaado"?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waa magaca kaftan ah oo la bixiyay xaqiiq marar badana niyad-jab ah," ayay tidhi Amy Kean oo ka socota shirkadda isgaarsiinta ee Good Shout. Eraygan ayey curisay, isagoo tilmaamaya dhaqamada maalinlaha ah ee haweenka ay ku qaataan shaqada si loo jeclaado: shakiga joogtada ah, in la iska beddelo, in lag been abuurto, iyo asturnaanta shucuurta
Cilmi-baaris Ingiriis ah oo cinwaankeedu yahay Shapeshifters: What We Do at Work to Be Liked ayaa muujisay in 56% haween ah ay dareemaan cadaadis ah in lagu jeclaado shaqada, halka ragga ay kaliya yihiin 36%
Sahan lagu sameeyay 1,000 haween ah guud ahaan UK ayaa sidoo kale muujiyay in culayska ku jeclaanshaha shaqada uu si qoto dheer ugu dhex jiro hay'adaha xirfadeed isla markaana si aan sinnaan ahayn loo qaybiyo.
Warbixintu waxay faahfaahinaysaa in haween badan oo kalsooni ku qaba fikirkooda ay mararka qaar dareemaan in ay yareeyaan hadalkooda si ay u jilciyaan: weedho sida "Ma sax baa?" ama "Raalli iga ahow, haddii waa ok aan si deg deg ah u sheegay…" ayaa inta badan la isticmaalaa
Kean ayaa sharraxaysa in dhaqdhaqaaqan is-beddelidda joogtada ah uu u muuqdo sidii hab difaac ah, si aan loo arkin qof cagajiid ah ama aad u awood badan.
Waxay intaa ku dartay: "Waxaa jira walxo sidoo kale oo ka kooban dabaqadda bulsho," tusaale ahaan UK, "haweenka ka soo jeeda dabadaqada shaqada, oo si yar isku beddela duruufaha bulsho ee kala duwan, waxaa si badan loogu tilmaamaa inay aad u toos yihiin wax yeelayntooda dhaqanka shirkadaha."
Haween badan oo aan caadi ahaan ku qabsan hadalka noloshooda gaarka ah, cadaadiskan wuxuu ka sarreeyaa oo keliya rabitaan ku saabsan in la dhexgalo ama la jeclaado.
Kean waxay tidhi, "Tani ma aha oo kaliya mid ku saabsan in la jecel yahay waxay ku saabsan tahay badbaado, in la maqlo, iyo in si dhab ah loo tixgeliyo."
Bilowgii sanadkan London, waxay qabatay shirweyne magaciisu yahay Unlikeable Woman, kaas oo loogu talagalay haweenka dareemaya cadaadiska "likeability labour", waxaana ka qayb galay in ka badan 300 haween ah si ay ula wadaagaan khibradahooda

Xigashada Sawirka, Amy Kean
Arrin Caalami Ah
Cilmi-baaristan laga sameeyay UK ma aha mid gaar ah. Sooyaal-baarayaal ayaa tilmaamaya in cadaadiska ay haweenku dareemaan si loo jeclaado si ay shaqooyinka uga dallacaan uu yahay caqabad caalami ah.
Cilmi-baaris ay 2024 sameysay shirkadda Mareykanka ee shaqaaleynta ee la yidhaahdo Textio ayaa taageeraysa aragtidan. Daraasaddan ayaa falanqeysay xog laga helay 253 hay'adood iyo 25,000 qof, waxaana lagu ogaaday in haweenku si aad u badan uga helaan jawaab-celin la xiriirta dabeecadooda. 56% haweenka ayaa lagu calaamadeeyay "in aan la jeclayn" xilliga qiimeynta waxqabadka, halka ragga kaliya 16% laga helay isla tilmaantan.
"Sababta ay haweenku u sameeyaan 'hawsha in la jeclaado ah' waxay salka ku haysaa arrimo bulsho iyo dhaqanba," ayay tidhi Dr. Gladys Nyachieo, oo ah sooyaal baadhe iyo bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Multimedia ee Kenya, kulliyadda culuumta bulshada. "Haweenka guud ahaan waxaa lagu barbaarinayaa inay noqdaan daryeelayaal inay dadka kale u adeegaan oo baahidooda ka hormariyaan tii naftooda maskaxdaasina si dabiici ah ayay ula timaadaa goobta shaqada."
Dr. Nyachieo waxay intaa ku dartay in afka Kiswahiliga uu leeyahay eray tilmaamaya xaaladdan office mathe, oo micnaheedu yahay "hooyada xafiiska".
Haweenka noocaas ah ee loo yaqaan "hooyooyinka xafiiska" waxay qaataan shaqooyin dheeraad ah si ay hawlaha xafiiska u sii socdaan sida kafee/uunsi u keenid, cunto fudud iibin, ama markasta diyaar u ahaanshaha caawimaad.
Markaan waydiiyay: "Haddii ay yihiin haween si ikhtiyaari ah u sameeya arrimahan, maxaa dhib ah ku jira?"
"Arrinta lafteedu khalad ma aha," ayay tiri Dr. Nyachieo. "Dhibku wuxuu yahay, laguma abaalmarinayo. Weli waxaad u baahan tahay inaad shaqadaada dhammayso xitaa waxaa laga yaabaa inaad ka shaqeyso wax intaas ka badan."

Xigashada Sawirka, Gladys Nyachieo
Xalka
Dr. Nyachieo waxay aaminsan tahay in si dhab ah loogu xalliyo dhibaatada "hawsha ku jeclaanshaha dumarka ee shaqada," loo baahan yahay isbeddel nidaamsan oo asalka ka yimaada sida siyaasado oggolaanaya in haweenku si dabacsan u shaqeeyaan, iyo helitaanka la-taliye yaqaana sida loogu hadlo dantooda.
Iyadu waxay ka mid tahay dadka hagaya haween da'yar ah oo hadda uun galaya suuqa shaqada ee Kenya.
"Waxaan si aad ah ugu diyaarsanaahay inaan hago haweenka da'da yar," ayay tidhi Dr. Nyachieo. "Waxaan u sheega haweenka: haddii aad mar walba isku daydo inaad naxariis badan tahay oo dadka u fiicnaato, wax weyn ma gaari doontid. Waa inaad barato sida naftaada u matasho."
Mid ka mid ah hablaha ay hagto waa Faith.
"Waxay i bartay inaanan mar walba dareemin cadaadis iga dhigaya inaan dhoola caddeeyo ama dadka ugu mid la jeclaan karo," ayay tidhi Faith. "Waana ku dadaalayaa."













