"Boqoradda Dareeraha Dahabka ah" Hooyo naaskeeda uu soo saaro caano lagu quudin karo 50 carruur ah

Cheli
Qoraalka sawirka, Chelimo Njoroge ayaa billowday in caanaha kasoo hara ay ugu deeqdo hooyooyinka kale sidoo kalena qaabaka naas-nuujinta kusoo wadaagto barteeda TikTok, oo ay ku xiran yihiin 16,000 oo qof
    • Author, Saida Swaleh
    • Role, BBC News, Nairobi

Chelimo Njoroge waxa ay xasuusatay waqti talaajaddeeda ay buux dhaaftay. "Waxaan buuxiyey talaajad weyn. Kadib talaajaddii caadiga ahayd. Kadib waxaan bilaabay isticmaalka talaajadda walaashay," ayay tiri iyadoo qoslaysa. Hooyadan oo 36 jir ah oo leh labo carruur ah oo reer Nairobi ah ayaa ogaatay inay tahay "soo-saare xad-dhaaf ah" oo caanaha naaska ah. Xataa ka dib markii ay nuujisay ilmaheeda, waxay wali soo saari jirtay litirro badan toddobaad kasta. Markaa, halkii ay ku eegan lahayd inay hallaabaan, waxay billowday inay ugu deeqdo hooyooyinka kale ee u baahan.

Ku dhawaad hal sano, Chelimo waxa ay si hoose u caawinaysay dadka kale, iyada oo ku deeqaysa caanaheeda dheeraadka ah siddeed hooyooyin ah oo ka tirsan bulshadeeda, oo ay ku jiraan saaxiibbadeed iyo xitaa saaxiibbo cusub oo iyada soo raadsaday ka dib markii ay arkeen muuqaalladeeda internet-ka.

"Waxaan ku dhex arkay muuqaalkeeda TikTok ee caanaha talaajadda waxaanan iri... wow," ayay tiri Maryann Kibinda, oo ka mid ah ka faa'iidaystayaasha caanaha Chelimo. "Kaliya kor ayaan u eegay oo ku iri, 'Haye, sidee tahay? Waxaan u baahanahay caano.' Intaas unbey ahayd." Maalintii ugu dambeysay ee ku deeqisteeda caanaha, Chelimo waxay ku deeqday 14 litir.

Khibradda naasnuujinta Chelimo si fiican uma bilaaban. Wiilkeeda waxa uu ku dhibtooday in uu nuugo naaska, waxayna ku qasbanaatay in ay isticmaasho qalabka naaska caanaha looga liso. Laakiin wax yar ka dib, caanuhu waxay bilaabeen inay u soo galaan si degdeg ah oo ka badan sidii caadiga ahayd.

"Markii ugu sarreysey safarkaygii naasnuujinta, waxaan haystay caano ku filan oo aan ku quudiyo 50 ilmood oo ku jira qaybta dhallaanka," ayay tiri.

Waxay bilowday inay muuqaallo soo dhigto TikTok, iyadoo sharraxaysa caqabadaha shucuureed iyo jireed ee naasnuujinta, waxayna siisay talooyin ku saabsan kaydinta caanaha iyo nadaafadda. Markii hore, muuqaalladeeda waxaa daawaday dad faro ku tiris ah. Hadda waxay gaareen in ka badan 16,000 oo qof. Qaar ka mid ah daawadayaasha ayaa ah kuwa soo saara caanaha xad-dhaafka ah. Kuwo kale waa waalid quus taagan oo raadinaya caawinaas.

"Waxaa jira hooyooyin badan oo raba inay ku deeqaan caanaha naaska. Laakiin waxaa sidoo kale jira kuwo kale oo badan oo doonaya inay helaan," ayay tiri. Kenya waxay leedahay hal bangi oo rasmi ah oo caanaha naaska ah, kaas oo ku yaalla Pumwani Maternity Hospital ee Nairobi. Laakiin kaliya waxay aqbashaa deeqaha hooyooyinka isbitaallada jiifa, caanahana waxaa loo isticmaalaa oo kaliya dhallaanka isbitaalka jiifa.

Tani waxay ka dhigeysaa haweenka sida Chelimo kuwo aan lahayn kala doorashooyin badan oo rasmi ah oo gacan ka geysanaya soo saarista caanaha. "Ma hayno bangi caanaha naaska oo caanaha ka qaata hooyooyinka soo saara caano badan," ayay tiri.

Nayroobi waxa ay qorshaynaysaa in ay ballaariso oo ay dhisto labo bangi oo caanaha bini'aadamka lagu keydiyo si loo kordhiyo helitaanka caanaha deeqaha
Qoraalka sawirka, Nayroobi waxa ay qorshaynaysaa in ay ballaariso oo ay dhisto labo bangi oo caanaha bini'aadamka lagu keydiyo si loo kordhiyo helitaanka caanaha deeqaha

Bankiga qaranka ee caanaha naaska

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Agaasimaha Nafaqada ee ismaamulka Nairobi Esther Kwamboka Mogusu ayaa sheegtay in qorshuhu yahay in la ballaariyo awoodda isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Pumwani oo laga dhigo xarun heer sare ah. "Waxaan ka dhisi doonnaa magaalada labo bangi oo caanaha naaska ah si aan u taageerno carruur ka badan kuwa isbitaalka," ayay tiri. Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa maamulka Ismaamulka Nairobi iyo hay'adda PATH ayaa sheegtay in ay samaysay qiimayn lagu kordhinayo helitaanka caanaha naaska ee deeq-bixiyeyaasha ee dalka oo dhan.

"Iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu sharciyeeyo Hooyada iyo Dhallaanka Saaxiibtinimada Plus (MBFI+), oo ay ku jiraan bangiga caanaha naaska, Wasaaraddu waxay billowday horumarinta siyaasadda cusub ee Nafaqeynta Qaranka," ayay tiri Veronica Kirogo, Agaasimaha Adeegyada Nafaqeynta ee Wasaaradda Caafimaadka, Kenya.

"Siyaasaddu waxay u aqoonsan doontaa bangiyada caanaha naaska inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu hagaajinayo natiijooyinka nafaqeynta dhallaanka waxayna siin doontaa hagitaan ku aaddan ka mid noqoshada nidaamka daryeelka caafimaadka carruurta iyo dhallaanka ee ballaaran."

Ummulisada iyo khabiirka dhanka nuujinta Mary Mathenge ayaa qirtay in uu jiro farqi xagga bixinta adeegga ah laakiin waxa ay sidoo kale ku boorrinaysaa in la taxadaro. Iyadoo la shaqaynaysay hooyooyinka naaska nuujiya in ka badan afartan sano, waxay aaminsan tahay in Kenya ay u baahan tahay nidaam heer qaran ah oo lagu maareeyo naasnuujin badbaado leh. "Ilmo kasta wuxuu ka heli karaa caanaha naaska qof kasta," ayay tiri.

"Laakiin wax kasta oo dhiigga soo maraa waxay sidoo kale mari karaan caanaha naaska, hooyada waa in la baaro." "Waa in ay jiraan habab lagu tijaabiyo, laguna kaydiyo caanaha la deeqay. Habkaas, dhallaan badan ayaa si badbaado leh uga faa'iidaysan kara."

When
Qoraalka sawirka, Marka naasnuujinta tooska ah ay fashilanto, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxa ay ku talisaa deeq-bixiyeyaasha caanaha bini'aadamka inay yihiin doorashada ugu fiican ilaa caanaha naaska ku habboon laga helayo

Chelimo waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah caanaheedii ka haray ay u isticmaashay habab hal abuur leh, sida ugu qubeynta dhallaanka, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay u fiican yihiin maqaarka ilmaha. Laakiin intooda badan waxay siisay qoysas, sababo kala duwan, la tacaalayay quudinta carruurtooda.

Dadaalkeeda waxaa lagu xusay khadka internetka, waxaana lagu naaneesaa "Malaa'igta Dareeraha Dahabka ah."

Laakiin Chelimo waxay si degdeg ah u xasuusinaysaa dadka in kani aanu ahayn safarkeedii oo keliya. "Kani maaha safarkii Chelimo," ayay tiri. "Waxaa jira hooyooyin badan oo aniga oo kale ah."

Waxay hooyadan rajaynaysaa in wada hadalka ku saabsan naasnuujinta uu sii socdo iyo in hooyooyin badan ay heli doonaan nidaam ammaan ah oo rasmi ah oo ay ku muujiyaan iyo helitaanka caanaha.

"Oo farriintayda ku socota hooyooyinka kale ee naaska nuujinaya ee halkaas jooga waa sii dadaala."