Sidee hadallada safiirka Maraykanka ee Turkigu ay muran u dhaliyeen

Safiirka Maraykanka

Xigashada Sawirka, SZC TV

Thomas Barrack, safiirka Mareykanka ee Ankara, ahna ergayga gaarka ah ee Suuriya, ayaa soo jiitay dareen badan oo dhanka warbaahinta Turkiga ah tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii Abriil.

Hadaladiisa ku saabsan Bariga Dhexe, Suuriya iyo taariikhda Cusmaaniyiinta ayaa ahaa kuwo muran dhaliyay oo dad badan ka yaabiyey.

Barack oo ah ganacsade caan ku ah xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa shaqadiisa ka bilaabay Turkiga bishii Maajo.

Markii uu yimid, Barack waxa uu saxaafadda u sheegay si dareen leh, in uu ku soo noqday "dhulkii ay awoowayaashi ka soo jeedeen," isaga oo si muuqata ula jeeday xididkiisa qoys ee Lubnaan.

Hadalladii xigay, waxa uu marar badan ku celceliyay isbeddelka siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Suuriya, isaga oo yiri: "Xilligii faragelinta reer Galbeedka waa dhammaaday."

Waxa uu ugu baaqay xoogagga Kurdiyiinta hoggaaminayaan ee loo yaqaan Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF) in ay ka tanaasulaan raadinta ismaamul ka jira waqooyiga Suuriya oo ay ku midoobaan dawladda Suuriya, sida ku cad heshiis la saxiixay bishii Maarso.

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa sannadihii u dambeeyay xumaaday sababtoo ah Washington waxa ay taageero siinaysay "Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya," kuwaas oo Ankara u aragto kuwo xiriir la leh Ururka la mamnuucay ee PKK.

Muxuu Barack ka yiri Suuriya

Hadaladii Barack tan iyo markii la magacaabay ayaa muujinaya in aragtidiisu ay ku sii dhawaanayso mowqifka Turkiga ee ku saabsan Suuriya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Qarnigii hore, reer Galbeedku waxay go'aamiyeen mustaqbalka gobolka iyaga oo soo rogay khariidado, amarro, xuduud la sawiray, iyo xukun shisheeye," ayuu Barack ku qoray barta bulshada ee X bishii Maajo 25-keedii. "Heshiiskii Sykes-Picot waxa uu kala qaybinayey Suuriya iyo gobolka danaha gumeysiga, ee ma ahayn nabad ka turjumayey. Khaladkaas waxa uu jiilal badan ugu kacay qiime weyn. Mar dambe ma soo celin doonno. Xilligii faragelinta reer Galbeedka waa dhammaaday."

Isagoo la hadlayay telefishinka NTV 2-dii bishii Juun waxa uu sheegay in siyaasadda cusub ee Washington ee ku wajahan Suuriya ay "aad uga duwanaan doonto siyaasadaha qarniyadii hore, sababtoo ah midkoodna ma shaqayn."

Markii uu la kulmay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya Ahmed al-Sharaa horraantii Luulyo, Barack waxa uu ugu baaqay Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya in ay ku midoobaan dawladda Dimishiq, isaga oo adkeeyay in "Suuriya tahay dal mideysan."

Waxa uu yiri: "Waddada wadahadalku waxay mari kartaa oo keliya Dimishiq, federaalisimkana meel kuma laha Suuriya".

Mas'uuliyiinta Turkiga iyo falanqeeyayaasha taageersan dawladda ayaa guud ahaan soo dhaweeyay hadallada Barack, iyaga oo sheegay in ay la jaanqaadayaan rabitaanka Turkiga ee muddada dheer ahaa in la kala diro Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya, lana sameeyo dawlad dhexe oo Dimishiq ku taal.

Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa bishii Luulyo 25-keedii yiri: "Barak runtii waxa uu metelaa hab cusub oo si wanaagsan u fahmaya isbeddellada gobolka, isku dayaya in uu ilaaliyo dhexdhexaadnimo gaar ah, aaminsanna in danaha iyo fiiro-gaaraynta Mareykanka ee arrimaha gobolka ay kasbadeen kalsoonida iyo taageerada dhammaan dhinacyada. Waxaan si niyad ah u qadarinaynaa habkan".

Cabdulqaadir Salvi, oo ka tirsan wargeyska dowladda ee Hurriyet, ayaa 11-kii bishii Luulyo ammaanay Barack "in uu xannibay waddadii" dalabaadka Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ay ismaamul ku gaari lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah khubarada ayaa shaki ka muujiyay wax-ku-oolnimada dhabta ah ee tallaabooyinka Barack.

Barçin Yenanç, oo ah falanqeeye dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ayaa ku qoray mareegta madaxa bannaan ee T24 in hadallada Barack ee ku saabsan Suuriya ay ahaayeen kuwo "isku dhafan" isla markaana uu rumaysnaa in "aan la hubin waxa uu ula jeeday marka uu yiri YPG waa in lagu dhex daro nidaamka."

Saxafiga Levant Kamal ayaa ku eedeeyay Barack "in uu ku guuldaraystay in uu joojiyo Israa'iil iyo maleeshiyaadka Hijri" marka loo eego duqaymaha cirka ee Israa'iil iyo dagaallada ku saleysan qabiilka ee Suuriya, isaga oo intaa ku daray: "Xaalad sidan oo kale ah, diblumaasiyaddu ma noqonayso mid waxtar badan leh".

Waxa uu intaa raaciyay: "Hadalka Mr. Barack waa mid wanaagsan laakiin aan dhab ahayn… In la waydiiyo Suuriya in ay ka gorgortanto madaxbannaanideeda maaha mid run u muuqata."

Safiirka Maraykanka

Xigashada Sawirka, HABERTURK

Sidee bay hadalladiisa ku saabsan "qaranka" muran u dhaliyeen?

Barack waxa uu sidoo kale kiciyay falcelin isagoo ammaanay nidaamkii "millet" ee xilligii Cusmaaniyiinta, Wuxuuna tilmaamay xiriirka uu la yeelan karo Turkiga casriga ah.

Nidaamka "millet" ee xilligii Cusmaaniyiinta ayaa u oggolaanayey bulshooyin-diineed kala duwan, sida Armeniyiinta, Yuhuudda, iyo Masiixiyiinta, in ay si madax-bannaan u maamulaan arrimahooda iyaga oo ay hogaaminayaan hoggaamiyeyaal la aqoonsan yahay.

"'Nidaamka millet' ee boqortooyada Cusmaaniyiinta waxa uu u oggolaaday kooxo kala duwan in ay ilaashadaan aqoonsigooda iyo meeqaankooda qarniyo badan dhexdiisa nidaam dhexe… Turkiguna waxa uu noqon karaa bartamaha arrintan," ayuu Barack u sheegay warbaahinta Turkiga dabayaaqadii Juun.

Qaar ka mid ah dadka Turkiga ayaa aaminsan in hadalladan ay ka tarjumayaan aragti "Orientalist" ah, ama ku salaysan daraasaadka dalalka bariga Aasiya.

Yalcin Bayer, oo ka tirsan wargeyska Hurriyet, ayaa bishii Luulyo 9-keedii qoray: "Aragti Orientalist ah… Sheekooyinka 'dulqaadka Cusmaaniyiinta' waxay u muuqdaan kuwo weli ku hadlaya diblumaasiyiinta Mareykanka… Nasiib darro, sheekadan hadda kama iibsanayso dalkan".

Falanqeeyaha siyaasadda Arslan Bulut ayaa bishii Luulyo 12-keedii ku qoray X-Net: "Marka uu ku baaqayo 'in dib loogu noqdo nidaamka millet ee Cusmaaniyiinta,' Barack waxa uu doonayaa in uu Turkiga iyo Suuriya ku soo rogo hal mashruuc, kaas oo ah mashruuca Bariga Dhexe ee weyn, sidaasna ku wiiqo aqoonsiga Turkiga".

Warbaahinta dhanka waddaniyadda u janjeerta ee "Variancin TV" ayaa Barack ugu yeertay "Lawrence of Arabia cusub."

Bishii Luulyo, Barack waxa uu cambaareeyay weerarrada milatari ee Israa'iil ku qaadday Suuriya, isaga oo isku dayay in uu ka fogaado in Mareykanku ku lug yeesho, balse hadalladiisa ahaa in Israa'iil "ay khatar ku tahay dawladaha xoogga leh" ayaa kiciyay falcelin xoog leh oo ka imanaysa hay'ado iyo shaqsiyaad Turkiga ah.

Saxafiga khibradda leh ee Sedat Ergin ayaa ku qoray wargeyska madax-bannaan ee Oxygen bishii Agoosto 1-deedii in hadallada kala duwan ee Barack ay "ka dhigeen mid ka mid ah safiirrada Mareykanka ee ugu muranka badan taariikhda".

Isaga oo su'aal ka keenaya "heerka uu Barack u fahmay Turkiga iyo dareenka shacabka," Ergin waxa uu yiri: "Wuxuu galay arrimo xasaasi ah oo murankoodu ka dhex jiro shacabka Turkiga".

Hogaamiyaha Syrian Democratic Forces Mazloum Abdi

Xigashada Sawirka, ANHA

Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha Syrian Democratic Forces Mazloum Abdi

Aragtida Kurdiyiinta Suuriya

Doorka Barack ayaa la kulmay falcelin isku dhafan oo ka timid warbaahinta Kurdiyiinta iyo mas'uuliyiinta maamulka is-maamulka ah ee Kurdiyiintu hogaamiyaan ee waqooyi-bari Suuriya, laga bilaabo ammaano taxaddar leh ilaa dhaleecayn adag.

Mazloum Abdi, taliyaha Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya, ayaa Barack ku tilmaamay qof ay Faransiiska la socdaan oo door "wanaagsan" ka ciyaaraya fududeynta wadahadal lala yeesho Dimishiq.

Wareysi uu dhawaan siiyay wakaaladda wararka ee Hawar ee Kurdiga ah ee Suuriya, Abdi waxa uu sheegay in Barak aanu ku faraxsanayn horumarka gaabiska ah ee wada-hadallada, balse arrimaha aan la xallin waxa lagu sii wadi doonaa kulan dambe oo Paris ka dhaca.

Waxa uu intaa ku daray in isdhexgalka lala yeesho Dimishiq uu ku salaysnaado "iskaashi, ma aha qasab iyo xoog."

Warbaahinta Kurdiga ayaa hore u dhaleecaysay Barack hadal uu ku sheegay in Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ay yihiin laan ka mid ah PKK, iyaga oo ku eedeeyay in uu ku celinayo hadalka dawladda Turkiga. Isbahaysi ka kooban xisbiyo taageera Kurdiyiinta ayaa sidoo kale hadalladan ku tilmaamay "kuwa ka hor imanaya doorkiisa dhexdhexaadinta" isla markaana "si buuxda uga hor imanaya doorkii wanaagsan ee Mareykanku hore u ciyaaray".

Dhanka kale, mareegta Khabar24 ee isku dhafan ee luqadaha Kurdiga iyo Carabiga ayaa bishii Agoosto 2-deedii ku warrantay in Laura Loomer, oo ah falanqeeye Mareykan ah oo dhanka midig u janjeerta, isla markaana taageere u ah Donald Trump, ay dhawaan ku baaqday in xilka laga qaado Barack, iyadoo ku eedeysay in uu u adeegayo danaha Turkiga iyo Islaamiyiinta.