Hurrem Sultan: Waa tuma haweeneydii ugu saamaynta badnayd Boqortooyadii Cusmaaniyiinta?

Xigashada Sawirka, .
Hürrem Sultan, oo sidoo kale loo yaqaannay Roxelana, waxay ahayd haweeneydii ugu saamaynta badnayd taariikhda boqortooyadii Cusmaaniyiinta, sidoo kalena ahayd xaaska la jecel yahay ee Saleebaan-kii koowaad ama Saleebaankii weynaa, mid ka mid ah madaxdii ugu awoodda badnaa taariikhda.
Waa qof aan aad loo aqoon oo dhaxalkeedii taariikheed weli la qorayo lana fasirayo, waxayna weli xiise gelisaa dadka taariikhda jecel xitaa in ka badan afar qarni kadib geerideedii oo ahayd sanadkii 1558.
Hürrem Sultan may ahayn addoon ama xaas keliya. Waxay samaysay safar aan caadi ahayn oo ay kaga soo baxday adoonsi illaa ay ka gaadhaysay meel sare oo awoodda boqortooyada ah, iyadoo noqotay qof wax ka beddelay dhismaha siyaasadeed ee qasriga Cusmaaniyiinta qarnigii 16aad.
Boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxay xukumi jirtay koonfur-bari Yurub, galbeedka Aasiya iyo woqooyi Afrika laga soo bilaabo qarnigii 14aad ilaa horraantii qarnigii 20aad, waxayna ka mid ahayd boqortooyinkii ugu ballaadhnaa uguna cimriga dheeraa taariikhda.
Taariikhyahanno badan waxay aaminsan yihiin in "Boqortooyada Dumarka" – ay ahayd waqti ay haweenka boqortooyada si aan horay loo arag ugu yeesheen saameyn ballaadhan maamulka Cusmaaniyiinta – ayna ka bilaabatay koritaanka Hürrem.
Waqtigii ay ku jirtay hareemka Cusmaaniyiinta – qaybta khaaska ah ee qasriga Suldaanka oo ay degganaayeen xaasaskiisa, haweenka qoyskiisa iyo jaariyadahooda – si fiican ayaa loo diiwaan geliyey.
Si kastaba ha ahaatee, qarniyo kadib, asalkeeda iyo halka ay kasoo jeedo weli waa muran taariikheed. Ma waxay ahayd gabar laga qafaashay dhulka hadda loo yaqaan Ukraine, gabadh uu dhalay wadaad Ortodoks ah, mise – sida ay sheegto aragti aan aad loo aaminsanayn – waxay ahayd gabadh asal ahaan kasoo jeeda qoys Talyaani ah oo burcad badeed qafaasheen?
Taariikhyahanno badan waxay rumeysan yihiin in Hürrem Sultan lagu dhalay bilowgii qarnigii 16aad, degaanka taariikhiga ah ee Ruthenia, kaas oo ay qeyb ka yihiin dhulalka hadda loo yaqaan Ukraine, Poland iyo Belarus.
Ma jiraan wax cad oo muujinaya magaceedii dhabta ahaa marka la dhashay. Inkasta oo ilo ka yimid Ukraine ay ku sheegaan magacyo ay ka mid yihiin Alexandra Lisowska ama Anastasia, qaar kalena waxay aaminsan yihiin in loo yaqaanay La Russa (midda casaanka ah), Rozanna (ubax qurxoon), Roxlan (haweeneyda Ruthenian), iyo Roxana ama Roxelana oo ah magaceeda Yurubta Galbeed looga yaqaanay.
Si kastaba, dukumintiyada rasmiga ah ee Cusmaaniyiinta waxay ku tilmaamaan Haseki Hürrem Sultan, iyadoo "Hürrem" macnaheedu yahay farxad oo asalkeedu ka yimid afka Faarsi, halka "Haseki" uu yahay cinwaan sharaf leh oo la siiyo hooyada ilma Suldaan dhashay
Taariikhyahannadu waxay aaminsan yihiin in ay ku biirtay qasriga Cusmaaniyiinta qiyaastii sanadkii 1520, iyada oo lagu saleynayo xaqiiqda ah in wiilkooda ugu horreeya, Amiir Maxamed, uu dhashay sanadkii xigay.

Xigashada Sawirka, Tims Productions
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Suldaan Saleebaan wuxuu jebiyey xeer boqortooyo oo qarniyo jiray markii uu guursaday Hürrem, taasoo si weyn uga yaabisay qasriga una qaadday Hürrem meelo sare oo aan horay loogu arag, maadaama uusan jirin Suldaan Cusmaani ah oo hore u guursaday haweeney addoon ah.
Inkasta oo ay jirto ku tidhi kuteen ballaadhan oo ku saabsan in asalkeedu yahay Ruthenia, haddana weli waxaa jira aragtiyo kale oo lagu muransan yahay oo ku saabsan asalkeeda Hürrem Sultan.
Mid ka mid ah sheegashooyinka muranka badan dhaliyay waxa uu ka yimid cilmi-baadhe Dr. Rinaldo Marmara, oo sheegay inuu ka helay qoraal gacmeed ka yimi kaydka Vatican-ka oo muujinaya in Hürrem dhab ahaantii ahayd haweeney asal ahaan ka soo jeedda qoyska Margherita ee Marsigli ee magaalada Siena, Talyaniga.
Cilmi-baadhe Marmara wuxuu sheegay in, sida ku xusan qoraalkaas, Hürrem iyo walaalkeed ay qabteen burcad-badeed, kadibna looga iibiyey sidii addoomo ahaan xukunkii Cusmaaniyiinta.
Marmara wuxuu sii fogeeyey sheegashadiisa isagoo xusay in qoraalka gacanta ahi sidoo kale muujinayo xidhiidh qaraabo oo la tuhunsan yahay oo u dhexeeya Sultan Mehmed IV—oo ka soo jeeda Hürrem—iyo Pope Alexander VII, taasoo shaki gelinaysa in Hürrem ahayd Rutheniyaan isla markaana soo jeedinaysa in ay ka dhalatay qoys sharaf leh.
Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahanno badan aya aweli si weyn uga shaki qaba sheegashadan, waxaana Professor Tarim uu ka digay in suurtagalnimada sheegashadan ay u baahan tahay caddayn aad uga badan tan hadda la hayo.













