Haweeneyda dunida ugu da'da weyn oo kashiftay sirta ka dambeysa cimri dheerideeda

Ethel Carterham

Xigashada Sawirka, Hallmark Care Homes

Haweeney British ah ayaa noqotay qofka dunida ugu da'da weyn, ka dib markii ay shalay jirsatay 115 sano iyo 252 maalmood.

Ethel Carterham ayaa Arabacadii noqotay qofka dunida ugu da'da weyn, ka dib geeridii Sooro u dhalatay dalka Brazil oo lagu magacaabi jirey Inha Canabaro, taas oo horay rikoorka da'da ugu haysatay 116 sano.

Ms Caterham oo dhalatay bishii Agoosto 1909-kii ayaa ah qofka keliya ee ka nool dadkii soo gaarey xukunkii Boqor Edward VII. Waxayna mar ay ka hadleysay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadguurada 115-aad ee dhalashadeeda oo dhacday bishii Agoosto ee kal hore ay sheegtay in aysan fahmin sababta sidan oo dhan loogu mashquulayo da'deeda.

Ethel Carterham ayaa mar la weydiiyey sirta ka dambeysa cimri-dheerideeda waxay sheegtay "in aysan dadka la murmin islamarkaana ay fasho wixii qalbigeeda rabo".

Urur la yiraahdo Doonista Cimri dheerida oo uruuriya xogaha dadka da'da weyn iyo Ururka qaabilsan mucjisooyinka diiwaanka taariikhda gala ee Guinness World Records ayaa labaduba xaqiijiyey in Ethel Caterham ay tahay qofka ugu duqsan dunida.

Ethel Caterham

Xigashada Sawirka, Hallmark Care Homes

Ethel Caterham

Xigashada Sawirka, Hallmark Care Homes

Marxalad Muhiim ah

Intii lagu guda jirey maamuuska sannadguuradii 115-aad ee dhalashadeeda, Ms Caterham waxay dhambaal ka heshay Boqortooyada Britain, taas oo ugu hambalyeysay "yoolka taariikhiga ah ee ay gaartey". Boqorkuna wuxuu Ethel u rajeeyey "in ay bashbash ku ciiddo maalinta xasuusta mudan ee dhalashadeeda".

Mrs Ethel waxay ku dhalatay degmada Hampshire oo dhacda koonfur bari ee Ingiriiska, iyadoo ku soo barbaartay Wiltshire oo aan sidaas uga dheerayn. Ethel waxay ahayd cunugga labaad ee carruur 8 ah oo qoyskeedu lahaa. Waxayna markii ay 18 sano jirsatay adeegto ahaan ugu shaqo billowday qoys militari oo fadhigoodu ahaa mustacmaraddii British India.

Ka dib markii ay ku soo laabatay Britain 1933-dii, waxay kulmeen dabeedna is-guursadeen Norman Caterham. Mr. Caterham waxaa loo dallacsiiyey Gaashaanle Dhexe ka tirsan ciidamada Ingiriiska, waxaana shaqo ciidan loogu beddeley Hong Kong iyo Gibraltar. Waxayna Hong Kong ka furatay meel carruurta lagu xannaaneeyo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ethel waxay u soo joogtey xasuuso badan oo ay ka mid ahaayeen quusiddii markabkii Titanic, Dagaalkii 1-aad Dunida, Kacaankii Ruushka iyo Dagaalkii 2-aad ee dunida. Waxayna 50-kii sano ee la soo dhaafay ku nooleyd xaafadda ay hadda degen tahay. Iyadoo gaariga gacanteeda ku wadatay illaa ay ka soo gaartey da'da 97 sano.

Mrs. Caterham waxaa u jooga 3 qof ay ayeeyo u tahay iyo 5 ay abooto u tahay. Waxaa sidoo kale xusid mudan in amid la mid ah walaalaheed ay soo gaartey da'da 104 sano.

Afhayeen u hadashay degmada Hallmark Lakeview oo ah halka ay ku nooshahay Ms Caterham ayaa tiri: "Da'da ay gaartey waa mid aan la iloobi karin, islamarkaana yididiile nololeed gelinaya dad badan. Kartidaada, firfircoonidaada iyo xikmadaadu waxay noo yihiin meel aan ka dheeganno himilooyinka hayaanka nolosha aan ku jirno."

Mrs Ethel Caterham waxaa sannadkii 2020-kii ku dhacay durayga Covid-19. Sida ku cad diiwaanka Guinness Book of World Records, waxay sidoo kale noqotay qofkii ugu da'da weynaa ee ka bogsadey cudurka safmareenka ah xilli ay jirtey 110 sano.

Mark McNeil noo madax ka ah waaxda diiwangelinta ee the Guinness World Records, ayaa BBC-da u sheegay: "Ethel weligeed iskua dayin in ay wax rikoor ah jabiso, waxaanse filaynaa in ay goor dhow yoolkaas gaarto oo aan guddoonsiinno shahaadadeeda.