Maxay tahay sababta Traore uu ugu muuqdo mid beddelaya aragtida laga qabo inqilaabyada Afrika

Xigashada Sawirka, Traore
Marka dib loo milicsado taariikhda Afrika, afgambiyada militari waxaa inta badan loo arki jirey wax sharcidarro ah, halis ah, islamarkaana loo maray waddo aan sharciga waafaqsaneyn. Awoodda lagu maroorsado qori caaraddiisna waxaa lagu lifaaqi jirey dhiig daata, burbur hantiyeed, afduub xaquuqda aadanaha ah iyo dhibaato soo wajahda muwaadiniinta caadiga ah.
Laakiin soo bixitaankii Dhamme Ibrahim Traore ee uu kula wareegay Burkina Faso ayaa waxay hurisay dood cusub oo ku qotrtonta xalaalnimada, ahmiyadda, iyo aayaha dambe ee afgambiyaa militari, gaar ahaan marka ay jawaab u yihiin caburin, musuqmaasuq, iyo xukun kelitalisnimo oo ku gambanaya dalladda "dimuqraadiyadda".
Si ka duwan siyaasiyiinta ku xidideystay hannaanka dimuqraadiyadda, balse gondaha la galay takrifal awoodeed, askar ay ka mid yihiin Traore ayaa ku soo baxay 'hoggaamiyeyaal isbeddel' ku waas oo sheegta wadaniyad, hawlkarnimo iyo damqasho ku aadden dadweynahooda. Taasina waxay keentay weydiin ah: Hoggaamiyahan da'da yar ee Traore ma wuxuu beddelay aragtidii laga haystay kacaanka gebi ahaanteed.
Sooyaalka afgambiyada militari ee Afrika
Afgambiyada militari waxay qayb ka ahaayeen sooyaalka siyaasadeed ee Afrika laga so billaabo markii dowladuhu gobanimada qaateen. Mid ka mid ah afgambiyadii ugu caansanaa ee kaanka mabaadii'da kacaamiga ah huwanaa waxaa hoggaaminayey Thomas Sankara, kaas oo 1983-kii xukunka Burkina Faso la wareegay. Wuxuuna ku caanbaxay diidmada ajandaha gumeysiga ku daaban dowladnimada dalalka xoroobey, islamarkaana diiradda lagu saarayey horumarinta dalalka iyadoo la adeegsanayo khayraadka gudaha. Balse kuma ekeyn Burkina Faso oo qura.
Dalka Ghana, Gaashaanle Ignatius Acheampong ayaa horkacay afgambigii 1972; Nigeria waxaa ka dhacay kacaamo dhowr ah tan iyo 1960-maadkii, sida kii Yakubu Gowon (1966) Sani Abacha (1993). Uganda waxay u soo joogtey afgambigii lagu ridey Idi Amin in 1971. Ethiopia, waxaa ka dhacay afgambigii ay Dergigu xukunka uga tuureen boqortooyadii dalkaas ka arrimineysey 1974. Tan iyo maanta, Sudan, Guinea, Mali iyo Niger waxaa hareeyey afgambiyo.
Taariikhdan ayaa abuurtay sawir foolxun oo laga qaatay kacaanka, kaas oo loo arkay jaranjaro loo maro kelitalisnimo, qalalaase, xasilloonidarro siyaasadeed. Laakiin, taariikhdan waxay sidoo kale muujisay in kacaamadu sidoo kale wax uga tareen in talada laga tuuro xukuumado macangag ah oo ku fashilmay in ay hirgeliyaan dimuqraadiyad qaangaar ah.

Xigashada Sawirka, MD
Saameynta kacaamada
Qofna iskama indho-tiri karo saameynta qallafsan ee aalaaba ka dhalata afgambiyada militari. Waxaana inta badan daba socda dagaal, dhimasho, tabaale dadweyne, burbur soo gaara kaabayaasha nolosha, iyo dhaqaalaha oo ragaada. Hoggaamiyeyaasha kacaanku waxay inta badan dhisaan xukuumado talada isku kooba, ku waas oo kala dira baarlamaannada, islamarkaana gacan bir ah ku qabta saxaafadda iyo xisbiyada siyaasadda.
Tusaale ahaan, Sudan waxaa hafreeyey rabshado baahsan ka dib markii xukunka laga tuuray Cumar al-Bashir 2019. Durbadiibana waxaa isku dhacay ciidamada iyo siyaasiyiintii shacabka ahaa 2023, taas oo sababtay dagaal ay ku naf waayeen kumannaan qof, sidoo kalena ay ku barakaceen malaayiin. Guinea waxaa saabtay rabshado ka dib afgambigii 2021, halka Mali ay gondaha la gashay qalalaase amni iyo mid dhaqaale oo ka dhashay afgambigii 2020.
Maxay tahay sababta Traore uu ugu muuqdo mid beddelay aragtida laga qabo kacaanka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ibrahim Traore wuxuu talada la wareegay bishii September 2022, markaas oo uu ridey Paul-Henri Damiba oo uu ku eedeeyey "in uu ku fashilmay arrimihii mudnaanta u lahaa dalka, islamarkaana uu dayacay dagaalka ka dhanka ah argagixisada". Wixii xilligaas ka dambeeyeyna, wuxuu ku soo baxay hoggaamiye laga jecel yahay dalkaas iyo dacallada Afrika.
Muddo kooban gudahood, Traore wuxuu meelmariyey siyaasado dhaqaale oo ku saleysan isku-fillaansho, wuxuu dardargeliyey dagaalka argagixisada oo uu la kaashada dadweynaha, wuxuuna dadka ku tallaalay dareen wadaninimo. xigashooyinka baahay ee laga hayana waxaa ugu caansan:
"Xor ma ahaan karno inta aan guntan nahay dhar aan ka dhaxalnay gumeysiga, islamarkaana aan ku hadlayno afafkooda, sidoodi oo kalena aan hannaanka siyaasadda u qalloocineyno."
Hada uu jeediyey bishii Nofember 2023 wuxuu ku yiri: "Afrika ma xoroobi karto inta Afrikaanku ka cabsanayaan in ay reer galbeedka runta wajiga ka saaraan."
Halista soo aaddan
Marka la eego ammaanta badan ee la huwiyey Traore iyo hanweynida loo qabo, khuburada siyaasadda Afrika odorosta waxay ka digayaan in guushiisa ay noqoto mid ay hiyi kicisa Afrika inteeda kale, islamarkaana horseedda afgambiyo aan loo meel dayin oo qaaradda madaxdooda saluugsan mar kale hareeya.













