Doorashada Australia ka dhacaysa iyo Soomaali kuraas u tartamaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Ibraahim Baafo
- Role, Weriye madaxbanaan
Saacado ka dib waxa Austalia ka dhacaysa doorasho lagu dooranayo xukuumad cusub, laakinse 18ka malyan ee qof ee xaqa u leh inay cod bixiyaan, ma dooran doonaan musharrixiinta ay doonayaan oo kaliya ee waxay gudanayaan sidoo kale waajib sharci ah.
Waxaa qofka looga cudur daari karaa sabab macquul ah, laakin maamulayaasha Australia waxay dejiyeen hanaan nidaamyo kala duwan wata. Mid ka mid ah nidaamyadaas waa in doorashada maalmaha la qabanayo ay ka mid tahay maalin Sabti ah oo shaqaalaha badankood aysan shaqaynayn, ayna aadi karaan xarumaha cod bixinta.
Codbixinta ayaa ah mid khasab ah marka laga hadlayo heerka federaalka, ayadoo sharciga federaalka wax laga beddelay 1924.
In kasta oo aanay jirin heshiis cilmiyaysan oo ku saabsan sida codbixinta khasabka ah ay u saamayso arrimaha siyaasadda ee ay ku ololeeyaan xisbiyada siyaasadda, dad badan ayaa aaminsan in ay ka hortagayso kala soocidda siyaasadda iyada oo la soo saarayo codbixiyeyaal dhexdhexaad ah.
Taa beddelkeeda, meelaha aan lahayn codbixin khasab ah ayaa laga yaabaa in lagu arko xisbiyo soo jiidanaya oo saldhigyo codbixiyeyaal oo xoog leh doonaya.
"Taasi waxay la macno tahay in lagu tijaabin karo arrimo siyaasadeed oo aad u daran" ayay tiri taariikhyahan Judith Brett oo la hadashay BBC-da 2022, markii doorashadii ugu dambeysay ee federaalka Australia la qabtay. "Halka ay tahay in qof walba uu codeeyo, si ay siyaasadda ugu soo jiidato xarunta".
Codbixinta qasabka ah waxay kaloo gacan ka geysataa hubinta in dadka la haybsooco ay si wanaagsan u matalaan, ayay tiri Ms Brett. Cilmi baaris ayaa muujisay in dadka taajiriinta ah ee yar ay sidoo kale aad ugu yar tahay inay codeeyaan.
"Hadda taasi waxay ka dhigan tahay in siyaasiyiintu, marka ay u tartamayaan codadka ay ogaadaan in dhammaan kooxaha, oo ay ku jiraan dadka saboolka ah, ay u socdaan inay helaan cod" Brett ayaa tiri. "Oo waxaan filayaa in taasi ay keenayso siyaasad guud oo sinaan ah."

Xigashada Sawirka, Ibrahim Baafo
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dalka Australia doorashada federaalka ee hadda ka bilaabatay, laguna soo dooranayo ra'isal wasaaraha dalka ayaa caadiyan la qaban jiray bisha Nofembar, laakiin sanadkan ayaa la soo hor mariyey iyadoo loo asteeyey maalinta Sabtida ee 3da May 2025 in dadweynuhu ay u dareeraan si ay codkooda u dhiibtaan.
Haddaba waxaa todobaadkan jirta in la sii codeyn karo, gaar ahaan qofka aan awoodin maalinta doorashada inuu codkiisa dhiibto, hase ahaatee ilaa 5milyan oo qof ayaa codkooda sii dhiibtay, waxaana ku loolamaya xisbiyada ugu waaweyn ee dalkan sida, Xisbiga talada haya ee Shaqaalaha (Labor) xisbiga Mucaaradka ee ( Liberal ) iyo Xisbiga Greens, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 22% dadku ay sii dhiibteen codkooda ka hor maalinta rasmiga ah ee doorashada oo ku aadan sabtida 3da may 2025.
Sanadkan dadka u tartamaya kuraasta Baarlamanka Federalka waxaa aad ugu badan dadka soo galootiga oo Soomaalidu ay ka mid tahay, Cabdirisaaq Maxamed ( Shiino ) ayaa kamid ah dadka u tartamaya Kursiga Federalka ee Yaala Xaafadaha Soomaalidu ugu badan tahay ee magaalada Melbourne.
Mr. Shiino oo todobaadkii la soo dhaafay aad ugu jiray olalihiisa doorashadan inkastoo uusan xisbi ka socon, ayaa soo gabagabeeyey, waana musharax madaxbanaan, Kursiga uu tartamaya waxaa ku fadhida gabar ka mid ah xisbiga shaqaalaha (Labor).
Waxaa la filayaa in dadku ay codkooda ku doortaan mudanayaasha Baarlamanka 48aad labadiisa Gole ee Aqalka Wakiilada iyo Aqalka Sare, iyadoo ra'iisul wasaaraha hadda talada Haya Anthony Albanese iyo Hogaamiyaha mucaaradka Peter Dutton mid walba Balanqaadyo hor leh uu shacabka ugu yaboohay haddii la doorto.













