Maxaa carruurta Australia looga joojinayaa baraha bulshada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee u aragtaa fikradda ah in carruurta laga mamnuuco isticmaalka baraha bulshada?
Ma kula tahay inay tahay fikrad wanaagsan oo ka ilaalin lahayd dhalinyarada inay ka badbaadiso waxyaabaha aan habboonayn? Mise waa fikrad xun oo ka hortegaysa wada xidhiidhkii dhallinyarta?
Australia, Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu mamnuucayo baraha bulshada in ay isticmaalaan carruurta halkaas.
Isbeddellada la qorsheeyay waxay keenayaan da'da ugu yar - oo la filayo inay u dhexeyso 14 iyo 16 – in ay isticmaalaan warbaahinta bulshada dhammaadka sanadka.
Waxa uu sheegay in saameynta ay goobahani ku leeyihiin dhibaatada soo gaadha dhalinyarada, taasi badalkeedana looga baahan yahay in ay dibadda uga baxaan hawlahan, oo laga ilaaliyo.
Sharcigu wuxuu Australia ka dhigayaa wadamada ugu horreeya adduunka ee xaddidaadda da'da ku soo rogaya baraha bulshada.
"Waxaan rabaa in aan arko carruurta oo faraha ka qaaday isticmaalka qalabka kala duwan e baraha bulshada, soona galaya garoonnada kubadda cagta, barkadaha dabaasha iyo barxadaha lagu ciyaaro teniska," ayuu yidhi ra'iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan rabnaa inay khibrad dhab ah oo nololeed la yeeshaan ah sababtoo ah waxaan ognahay in baraha bulshada ay dhibaato u geystaan bulshada," ayuu raaciyay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu sheegay in dowladiisa ay wadi doonto tijaabinta hababka lagu hubinayo da'da ka hor inta aan la soo saarin sharciyada xadaynaya da'da ugu yar ee isticmaali kara baraha bulshada sanadkan.
Si kastaba ha ahaatee qof kastaa kuma raacsana qorshahan dawladda.
Maamulaha intarneedka Australia, eSafety Commissioner, ayaa ka digay in xannibaaduhu ay " xadidi karaan in dhalinyarada helaan oo ka baadhaan internetka taageeradii iyo xogtii u baahnaayeen"
Khubarada qaar ayaa ka walaacsan in laga yaabo in carruurta laga saaro ka qaybgalka adduunka dhijitaalka ah ama ay keeni karto in carruurtu isku dayaan in ay qariyaan dhaqdhaqaaqooda internetka, oo allifaan habab ay kuu joogaan iyada oo aan la ogayn
Sidoo kale ololayaashu waxay ku doodeen in halkii laga joojin lahaa gabi ahaanba dhalinyarada isticmaalka baraha bulshada, waa in cadaadiska lagu hayaa shirkadaha baraha bulshada inay wax badan ka qabtaan ilaalinta dhalinyarada isticmaala.
Milkiilaha Meta ee Facebook iyo Instagram, oo da'da ugu yar ee iskeed u soo rogeen oo ah 13, ayaa sheegay inay doonayaan inay awood u siiso dhalinyarada inay ka faa'iidaystaan aaladaha ay ku shaqeeyaan oo ay ku qalabeeyaan waalidiinta qalab ay ku taageeraan "halkii ay ka jari lahaayeen soo gelitaanka barahaas".













