Wasiir xil ka haya dal ku yaalla Yurub oo dacwad ooge dalbaday in lagu xukumo lix sano oo xarig ah maxayse tahay sababtu?

talyaaniga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xafiiska dacwad oogaha Talyaaniga ayaa waydiistay Garsooraha Maxkamadda in lagu xukumo lix sano oo xarig ah kiis lagu soo oogay ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini oo diiday inuu dekado u furo markab muhaajiriin ah siday shan sano ka hor.

Salvini, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladii isbaheysiah ee xilligaasi xukunka heysay, waxaana uu waday siyaasad uu ku xirayo dekedaha Talyaaniga si looga hortagayo in caawiyaan maraakiibta sida muhaajiriinta.

Markabka gargaarka ee Open Arms, oo badbaadiyay ku dhawaad 160 qof oo muhaajiriin badda Mediterranean-ka bishii Agoosto sanadkii 2019-kii , ayaa dowladdii xiligas ee Talyaanigu ku xayirtay badda sababo la xiriira siyaasaddan Salvini, laakiin markii danbe markaba ayaa ku xirtay jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga 19 maalmood ka dib go'aan maxkamadeed.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbaday in lagu xukumo lix sano oo xarig ah Salvini, oo lagu eedeeyay xarig iyo ku takri fal awoodeed kiis ka furmay jasiiradda Sicily. Xukun ayaa la filayaa dhamaadka sanadka.

“Waa wax la yaab leh in wasiir ka tirsan Jamhuuriyadda Talyaanigu uu wajahayo lix sano oo xarig ah, kadib markii uu gudanayay waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta xuduudaha qaranka, si waafaqsan waajibaadkii muwaadinka ee loo igmaday. Soohdimaha Talyaaniga ee socdaalka sharci darrada ah ayaa loo beddelay dambi,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Dhageysiga oo ka dhacay Palermo Sabtidii, xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in xuquuqul insaanka iyo waajibaadka badbaadinta kuwa u baahan in laga badbaadiyo badda aysan ahayn mid u furan in laga doodo.

Salvini, oo hadda ah Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka, kaabayasha iyo Gaadiidka ee xukuumadda isbahaysiga talada haysa, ayaa ku dooday "inuu xuduudaha dalka ka ilaalinayey muhaajiriinta sharci-darrada ah" wuxuuna yiri, "Haddii aan mar kale ahaan lahayd, waan samayn lahaa mar kale. ” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loo oran jiray Twiter.

Muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha, Salvini ayaa dhowr doomood ka joojiyey inay ku soo xirtaan Talyaaniga si uu u joojiyo qulqulka muhaajiriinta. Wuxuu si joogto ah ugu eedeeyay samafalayaasha samatabbixinta muhaajiriinta inay si wax ku ool ah u dhiirigeliyaan dadka tahriibaya.

Talyaaniga

Xigashada Sawirka, Italian coastguard

Muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha, Salvini ayaa dhowr doomood ka joojiyey inay ku soo xirtaan Talyaaniga si uu u joojiyo qulqulka muhaajiriinta. Wuxuu si joogto ah ugu eedeeyay samafalayaasha samatabbixinta muhaajiriinta inay si wax ku ool ah u dhiirigeliyaan dadka tahriibaya.

Nasiib wanaag, nidaamkayaga sharci waa dimuqraadi'

Talyaaniga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ku-xigeenka dacwad oogaha Calogero Ferrara, ayaa khudbad uu ka jeediyay qolka maxkamadda ku yiri, “Nasiib wanaag, waxaanu haysanaa nidaam sharci oo dimuqraadi ah, nidaamkan oo kale, xuquuqal insaanku waxa ay leeyihiin gacanta sare ee u dhaxaysa ilaalinta xuquuqal insaanka iyo madax-banaanida dawladda.

Ku xigeenka dacwad oogaha Marzia Sabella ayaa tiri, "Mawqifka wasiir Matteo Salvini wuxuu horseeday fowdo hay'adeed," iyadoo ku nuuxnuuxsatay in ciidamada ilaalada xeebaha ay ku jiraan xaalad adag siyaasadahan awgeed.

Qareenka Salvini, Giulia Bongiorno, ayaa ku eedeeyay xafiiska dacwad oogaha inuu raacay khad siyaasadeed.

Qareenku waxa kale oo uu ku dooday in go’aamada xidhitaanka dekeddu aanay lahayn oo keliya Salvini balse ay lahayd dawladdii isbahaysiga ahayd ee wakhtigaas talada haysa.

Dowlada isbaheysiga ee uu dhisay xisbiga midigta fog ee League ee uu hogaamiyo Matteo Salvini iyo populist 5 Star Movement ayaa xukunka heysay intii u dhaxeysay Juun 2018 iyo Sebtembar 2019-kii.

Ka dib codsigii dacwad oogaha ee xabsiga, Salvini waxa uu taageero ka helay saaxiibadiisa isbahaysiga ee hadda.

"Salvini waxa uu gutay waajibaadkiisa wasiirnimo," ayuu yiri Antonio Tajani, hogaamiyaha xisbiga Let's Go Italy, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay galaan soo galootiga ka gudba baddaha kuwaas oo heerar kulayl siyaasadeed ah ka dhex fura axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.