Sida taageerayaasha fanaanadan caanka ah ay u xoojiyeen ololaha Kamala Harris

Taylor Swift

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taylor Swift, oo ah fanaanad caan ah ayaa taageertay ololaha Kamala Harris, waxaana gabadhan ku xiran malaayiin taageerayaal ah.

Toddobaadyo ka hor Taylor Swift ayaa ku taageertay Kamala Harris Instagram-ka, taas oo ka dhignayd inay durba bilowday in malaayiin taageere oo ku xiran Swift u rogmadaan dhanka Kamala Harris.

Agaasimaha fulinta ee ololaha ‘Swifties for Kamala’ Irene Kim, oo qudheedu ah gabar aan caan ah oo dhanka modelka ah, ayaa sheegtay in fanaanadu go’aansatay inay ka qayb qaadato olaha Kamala sababtoo ah waxay doonaysaa in Maraykanku arko madaxwaynihii ugu horreeyay ee dumar ah waxayna aaminsan tahay Kamala Harris inay "ilaalin doonto xuquuqdeena, xuquuqda asxaabta, xubnaha qoyska".

Taageerida Swift ee Kamala ayaa sidoo kale ku biirin doona ololaha Harris mutadawiciin iyo dhaqaale xooggan, balse ololaha Swift waxaa hoggaamin doona kooxo mutadawiciin ah kuwaas oo ka madaxbannaan ololaha Harris basle waxay yeelanayaan xiriir.

BBC-du waxay la xiriirtay ololaha Harris si ay faallo uga bixiso, laakiin ma aysan helin jawaab.

Olalaha dhanka Internetka ah ayaa muhim u ah dhinacyada doorashada Maraykanka.

Xiddigtan ayaa taageeradeeda Kamala ku shaacisay boggeeda Instagram-iyadoo ku sheegtay qoraalkeeda

"Waxaan u codeynayaa Kamala Harris sababtoo ah waxay u dagaallantaa xuquuqda iyo waxaan aaminsanahay inay u baahan tahay dagaalyahan si uu u guuleysto."

24 saac gudahooda ee ku dhawaaqisteeda, ku dhawaad 340,000 oo qof ayaa soo booqday websaydka diiwaan gelinta codbixiyayaasha, vote.gov, iyaga oo isticmaalaya isku xirka wadaaga ee ay samaysay Swift.

Swift ayaa Kamala Harris ugu yeertay "hogaamiye hibo leh".

Qoraalkeeda Instagram-ka ee ay ku taageerayso Kamala Harris, Taylor Swift waxay si gaar ah u soo qaadatay sawirro marin-habaabin ah oo ay ku taageerayso Trump sabab ay hadda u hadasho.

SWIFt
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxay ii keentay gabagabada inaan u baahanahay inaan si hufan uga hadlo qorshaheyga dhabta ah ee doorashadan codbixiye ahaan. Sida ugu fudud ee lagula dagaallami karo macluumaadka khaldan waa runta,” ayay ku tiri qoraalkeeda, kaas oo la daalacday in ka badan 10.7 milyan oo jeer.

In kasta oo taageerada Swift ay si gaar ah ugu sheegtay taageerayaasheeda haddana ‘Swifties for Kamala’ waxay rajaynaysaa in wacitaanka codbixinta uu u tarjumo codadka Harris.

Ms Kim, waxay sheegtay in kooxdu aysan ogeyn in taageerada ay soo socoto, laakiin ay u qorsheeyeen si kastaba, iyagoo rajeynaya inay soo saaraan mowjado mutadawiciin ah oo cusub.

Sida laga soo xigtay Ms Kim, waxay arkeen kor u kaca hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo "kor u qaadista weyn ee warbaahinta bulshada" sababtoo ah taageerada. Waxay sidoo kale sheegtay inay "dareen weyn" u ahayd Swifties ee ku lug leh kooxda.

Waxay intaa ku dartay Kim in ay doonayaan in ay gaaraan inta ugu badan ee codbixiyaasha ah ee suurtogalka ah.

Codbixiyayaasha da'da yar, kuwaas oo ka kooban inta badan taageerayaasha Swift, taariikh ahaan waxay lahaayeen codbixin hooseysa, taas oo macnaheedu yahay in ay jirto meelo badan oo faa'iido ah.

Kamala

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kamala Harris ayaa dhawaan doodii ugu horreysay ee fool ka foola kaga hortagtay musharaxa xisbiga jamhuuriya Donal Trump taas oo lagu sifeeyey inay muujisay karti dheeraad ah iyo hadalo cad cad oo quseeya arrimaha doorashada.

Waxay Trump ku eedeysay inuu yahay shaqsi lidi ku ah dimuqraadiyada Maraykanka doonanaya kaliya inuu bari taaro kuwa hodanka ah.

Harris, ayaa tartanka ku matelaysa xisbigeeda dimuqraadiga ka dib markii tartanka isaga haray madaxweyne Joe Biden oo taageero u muujiyey Kamala.

Doorashada dalka Maraykanka ayaa dhacaysa bisha Nofember ee sanadkan mid ka mida doorashooyinka isha lagu hayo ee caalamka.