Australia oo u diyaargaroobeysa iska caabbinta Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Australia ayaa dardargelin doonta inay iibsato gantaallada riddada dheer si ay isaga caabbiso khatarta sare ee uga imaaneysa Shiinaha, sida ku xusan qiimeyn ballaaran oo lagu sameeyay waaxda gaashaandhigga dalkaas.
Waxaa laga digayaa in dalkaasi uusan usii xirxirnaan doonin go’doonka dhanka juqraafiyadeed ee gantaallada.
Dowladda ayaa ilaa A$19bn ($12bn, £10bn) ku kharash gareyn doonta soo jeedimaha warbixintan.
Warbixintan oo 110 bog ka kooban ayaa lagu sheegay tii ugu weyneyd ee laga soo saaro gaashaandhigga Australia tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Qiimeynta Difaaca Istaraatiijiyadeed (DSR) ayaa ku soo aadeysa iyadoo xiisad sii kordheysa ay ka taagan tahay arrinta Taiwan iyo go’aanka Shiinaha, oo dhowr jeer ku celceliyay inuu xoog ku qabsan doono haddii loo baahdo.
Waaxda badda ee Shiinaha ayaa sidoo kale saldhig weyn ku leh Badda South China, iyadoo sheegtay inay qeyb ka tahay gayigeeda taasoo baalmarsan sharciga caalamiga ah.
"Saldhigga militari ee Shiinaha waa kan ugu weyn hadda iyo damaca ugu weyn dal walba tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka," ayaa warbixinta lagu yiri.
Raysal wasaare Anthony Albanese ayaa sheegya in qiimeyntan ay "qaabeyn doonto mustaqbalka beddelkii aan ka warsugi lahayn mustaqbalka inuu ina jiheeyo", la talinnada ayaana ka dhigi doona Australia "mid isku filan, diyaarsan oo ammaan ah".
Waxay qiimeyntu ku talineysaa in ciidamada Australia ay diiradda ka weeciyaan ilaalada dhulka ayna hiigsadaan awoodda weerarka riddada dheer, ee ku hubeysan rasaasta lagu sameeyay gudaha Australia", sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Richard Marles.
"Waxaan u baahannahay inana yeelanno ciidan gaadhaandhig oo awood leh'," ayuu yiri Mr Marles.
Wasiirka ayaa sheegay in gantaalladan oo gaari kara ilaa 500km (310 meyl) ay ciidanku siin doonaan awoodda iyo dhaqdhaqaaqa uu mustalbalka u baahan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixin sanadkii 2022 la soo saaray ayaa milatariga Australia uga digeysa waxa ugu xun ee dhici kara halkaasoo Shiinuhu uu la wareegay gacan ku heynta gayiga meel u dhow gobolka marka uu qarxo dagaal laga yaabo in lagu qaado Taiwan.
Wuuxu wasiirku intaa ku daray in inkastoo qiimeyntan ay tahay tallaabo hore loo qaaday, haddana aysan ahayn xal kama dambeys ah.
Qiimeyntan ayaa soo jeedineysa xoojinta difaaca Australia ee dhanka waqooyi, taasoo ciidankeeda awood u siineysa inay ka howlgalaan saldhigyadooda waqooyi.
Australia ayaana dedejin doonta qorshooyinka ay ku yeelaneyso hubka (HIMARS) oo ah mid awood bada oo ay ciidamada Ukraine u adeegsadeen iska caabbinta Ruushka.
Si loo maalgeliyo waxyaabaha muhiimadda u leh Australia, tiro mashaariic ah oo ay ku jiraan qorshooyin ay ku yeelaneyso qoriga garabka iyo gawaarida ciidamada u qaada rasaasta ayaa meel la dhigi doonaa.
Mr Marles ayaa sheegay in qiimeyntan ay sidoo kale daaha ka rogtay muhiimadda ay leedahay inuu dalkaasi maalgashto dhanka ciidamada badda.












