Muxuu Shiinaha ugu walaacay heshiiska Militari oo ay reer galbeedku la galeen Australia?

Shiinaha ayaa ka falceliyey hadalka ka soo yeeray Mareykanka iyo UK ay teknooloojiyadda aadka u sarreysa ee ay Australia ku siinayaan maraakiibta gujiska ee Nukilerka xambaarta.
Hehsiiska seddex geesoodka ee ay galeen Mareykanka, U iyo Australia ayaa loogu magac daray Ocos, kaasoo macnahiisu yahay iney seddexda dal isdhaafsadaan ama ay kala iibsadaan teknooloojiyadaha aadka u sarreeya.
Shiinaha ayaa u arko inuu heshiiska uu khatar aad u weyn u keeni karo.
Heshiiskan oo toddobaadkan Sa Diego lagu meel mariyey ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashi ee fog oo amniga militariga oo ay seddexdaasi dal yeelanayaan.
Shiinahana oo heshiiskana ka walaacsan wuxuu sheegay inuu yahay mid sii hurin karo khilaafki siyaasadeed ee u dhaxeeyey Shiinaha iyo Reer Galbeedka.
“Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha waxay sheegtay heshiiskan inuu yahay mid looga gol leeyahay in lagu xakameeyo islballaadhinta militari uu shiinaha ka wado waddamnada deegaanka Indo-Pasifik.”
Dowladda Shiinahana waxay tallaabbadaasi ku tilmaantay ‘mid loo qaaday dhanka khatarta.”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha ayaan dhaleeceyn xooggan oo noocasi ah u soo jeedinin tallaabbo ay qaadaan waddamada reer galbeedka tani iyo wixi ka dambeeyey booqashadi muranka badan dhalisay oo hoggaamiyaha aqalka Congreska Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan.
Mareykanka ayaa dalka Australia siinaya maraakiibta gujiska ee Nukilerka xambaara si ay ugu adeegsadan ka hortagga cadaadiska dhanka Shiinaha uga imanaya.
Khilaafka Shiinaha iyo waddamada reer galbeedka khilaafkooda wuxuu sii xoogeystay marki ay isa soo tartay xiisadda Taiwan.
Muslimiinta Uyghur ee Shiinaha u uku hayo xerooyinka ay Beijing ugu magacdartay dhaqan celin waxaa si weyn u cambaareeyey reer galbeedka, iyaga oo ku tilmaamay iney xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ay geysato.
Shiinaha dhankiisa wuxuu sheegay arrinta muslimiinta Uyghur iyo Taiwan iney tahay arrin u taallo dalweynaha Shiinaha oo ay quseynin waddamada reer galbeedka.
Mareykankana mar sii horreysay wuxuu sheegay haddii ay Beijing isku daydo iney duullaan ku qaaddo Taiwan ay jawaabta ku habboon ka bixineyso.












