Sidee ugu suura gashay wiil iyo aabihii inay 50 sano ka badan dal xukumaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoyska reer Bongo, ayaa dalkaas xukumayey in ka badan 50 sano. Doorashadii madaxtinimo ee dhacday lama filayn inay taasi wax ka badasho.
Dalka yar ee qaniga ku ah saliidda, ayaa la daalaa dhacaya shaqo la'aan aad u sarraysa, halka dadka caanka ah ay ku nool yihiin nolol raaxo leh.
Dadka dalka Gabon ayaa Sabtidii Bishan August 26-keedii u dareeray goobaha codbixinta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka madaxtinimo, kuwa sharci-dejiyeyaasha/baarlamaanka, iyo maamulka dawladaha hoose.
Madaxweyne Ali Bongo, ayaa loo badinayey inuu ku guuleysto mar saddexaad. Waxa uu soo xukumayay dalka saliidda qaniga ku ah ee Afrikada galbeed tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii kal hore dhacday, xiligaasoo aabihiis Cumar Bongo uu geeriyooday sanadkii 2009-kii.
Sideed iyo toban kamid ah murashaxiinta kale, ayaa loo oggolaaday inay u tartamaan xilka madaxweynenimo, halka isbahaysiga mucaaradka ee Alternance 2023 uu todobaadkii hore uu ku dhawaaqay inay taageerayaan murashax mid ah, si looga fogaado inuu kala qaybsamo codka mucaaradka, iyo soo afjarista xukunka qoyska Bongo ee 56 sano jirsaday.
Lixda kooxood ee ka kooban isbaheysiga, ayaa sheegay inay la laaban doonaan murashaxiintooda, si ay u taageeraan Albert Ondo Ossa, oo 69 jir ah, oo ah dhaqaale yahan, horena u ahaan jiray wasiirkii waxbarashada ee maamulkii Cumar Bongo.
"Shaqsi ahaan, anigu waxaan qeyb ka ahay hannaanka isbedel doonka, waana sababta 26-ka August aan u codeynayo Mr. Ondo Ossa, si uu isbeddel u dhaco, oo aanu u soo afjarno nidaamkan musuqmaasuqa ah," arday Jordan Massalla ayaa u sheegay sidaasi AFP.
Bongo ayaa si muran leh ugu guuleystey doorashadii sanadkii 2016-kii dhowr kun oo cod oo kaliya - in kasta oo kormeerayaashu ay shaaca ka qaadeen cillado muuqda oo ku jiray doorashada.
Guushiisa ayaa dhalisay isku dhacyo dhex maray taageerayaasha mucaaradka iyo ciidamada ammaanka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac dad dhowr ah.
"Waa inaan helnaa doorasho aanay dad ku dhiman," Ondo Ossa, ayaa sidaasi sheegtay mar ay jeedisay hadal usbuucan dhamaadkiisa. Dadka reer Gabon, ayaa waxay u hureen dalkooda dhiigooda, hadda waa ama waligeed, waa inaan si kale u maamulnaa dalkeenna,”, ayey sii raacisay Ondo Ossa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bongo oo la filayay inuu guuleysto
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bongo, oo taageero ka haysta xisbiga talada haya ee Parti Democratique Gabonais (PDG) ee uu aasaasay aabihii, ayaa loo saadaalinayay inuu ku guulaysan doono doorashadii dhacday Sabtidii lasoo dhaafay, inkastoo ra'yi ururin la'aanta sanadkan ay adkeynayso in la qiyaaso heerka dhabta ah ee taageeradiisa.
"Wuxuu hayey dhabbadii guusha, wuxuu shaqo abuurayey dadka reer Gabon, wuxuu yareeyay shaqo la'aanta, wuu guuleysan karaa, sababtoo ah wuxuu horumarinayaa waddankeena Gabon," Olivier Mbango, oo ah arday da'yar, ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.
Dhinaca ololaha, muuqaal Bongo ku faah faahinayo waxyaabaha uu qabanayo, ayaa wuxuu ku ballan qaaday kaalmooyin sare oo dhanka qoysaska ah, iyo dhimista khidmadaha xarumaha waxbarashada ee dadweynaha.
Balse dadka kasoo horjeeda Bongo, ayaa waxay sheegeen in 14-kii sano ee uu madaxweynaha ahaa dalkani, inuu wax yar uu ku bixiyey dadweynaha, taasoo ah hantida shidaalka laga helo ee uu wadankan Gabon hodanka ku yahay.
Maaddaama uu kamid yahay dalalka ugu horreeya ee soo saara saliidda qaaradda Afrika, wadanka Gabon, ayaa wuxuu leeyahay dhaqaale fara badan, marka loo qeybiyo wax-soo-saarka guud qofkiiba ee dalkani, marka loo eego waddamo kale oo badan, oo kamid ah Afrikada ka hooseysa Saxaraha.
Iyadoo ay taasi jirto, in ka badan saddex meeloodoo meel, tirade dadka ee dalkani ee gaareysa 2.4 milyan oo qof, ayaa ku nool meel ka hoosaysa xariiqda faqriga, iyadoo shaqo la'aantuna tahay heerkeedu 37%.
Walaaca ku gadaannaa caafimaadka Bongo

Mucaaradka ayaa sidoo kale su'aal galiyay taam ahaanshaha madaxweynaha 64 jirka ah, kadib markii uu wadno xanuun ku dhacay sanadkii 2018-kii, oo aan si guud loo arag muddo ku dhow sanad.
Wali waxaa jirta dhibaato ka heysata cududaha gacanta iyo lug, laakiin waxa uu u muuqday si guud ahaaneed mid xoogan markii uu ololaha ku jiray.
"Shaki kuma jirin in lagu dhawaaqayo in Ali Bongo uu guulaystey," ayuu yiri Gyldas Ofoulhast-Othamot, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan kulliyadda St. Petersburg ee dalka Mareykanka. "Laakiin in lagu dhawaaqo inuu yahay shaqsiga guuleystay, iyo in si dhab ah uu ku guuleystay waa laba shay oo kala duwan."
Hannaanka doorashada dalka Gabon, ayaa ah mid ka fog iney ku dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo waddanku uu helay kaliya laba ka mid ah qiimeynta 40-ka dhibcood ee suurtogalka ah, ee lagu qiyaaso xorriyadda siyaasadeed, ee warbixintii u dambaysay ee hey’adda Freedom House.
Saameynta qoyska Bongo
Awooda Cali Bongo, waa ay daciiftay marka loo eego tii uu lahaa aabihiis Cumar, balse wali waxa uu si adag gacanta ugu hayay hay’adaha dawliga ah, isaga oo ilaalinaya awoodda siyaasada, wuxuun isticmaalay gacan adag iyo cadaadis.
41-kii sano ee uu xukunka hayay, Omar Bongo, ayaa waxa la dhacay hantida kheyraadka dalka, si uu u kasbado ama u sameysto waxyaabo ay kamid yihiin 40 guri oo qaali ah oo ku yaalla dalka Faransiiska, 66 akoon oo bangi ah, iyo in ka badan 180 baabuur, oo ay ku jiraan nooca ciyaaraha Bugatti oo ku kacaya $1.5 milyan.
Si aad fikrad uga dhiibato hantidiisa faraha badan, madaxwaynihii hore waxa uu $100 milyan oo doollar oo dhaqaale ah u raray hal akoon bangi ku yaalla magaalada New York Citibank laga bilaabo 2003-dii ilaa iyo 2007-dii.
Xubnaha qoyska Bongo, ayaa waxay gaarayaan boqollaal (Omar Bongo wuxuu dhalay ugu yaraan 50 carruur ah), waxayna la waregeen jagooyin muhiim ah oo dowladda iyo dhaqaalaha lehba.
Sida ay reer Bongo ugu suurtogashay inay 50 sano dalka xukumaan
Dhowr arrimood ayaa caawiyey qoyska reer Bongo inay muddo dheer xukunka hayaan:
Xukunka halka xisbi:
Dalka waxaa muddo dheer ka jiray xukunka xisbiga kaliya. Xisbiga Parti Démocratique Gabonais (PDG) wuxu dalkaas xukumayey tan iyo 1968, waxaana aasaasay Cali Aabihii Cumar Bongo oo xukunka hayey ilaa uu ka dhintay.
Taasi waxay keentay musuqmaasuq ka dhex dillaacay ganacsiga macdanta iyo saliidda uu dalkaas qaniga ku yahay, iyo majaraha siyaasadda. Xisbiga PDG wuxuu awoodda oo dhan gacanta u galiyey hogaanka dawladda.
Qiyaaso soo baxaya waxay sheegayaan in shaqsiyan uu Cali Bongo koontaroolo hanto gaaraysa 1 Bilyan oo Doollar. Inta badan hantidaas waxay taallaa dalka dibadiisa, taana waxay ka dhigaysaa inuu yahay qofka ugu taajirsan Gabon.
Wax ka beddelka Dastuurka
Dastuurka dalka Gabon waxaa la beddelay dhowr goor tobanaankii sano ee la soo dhaafay si loo xaqiijiyo inuu sii socdo xukunka reer Bongo.
Tan hore waa ayadoo meesha laga saaray 2003 xudduudda loo sameeyey muddada xil-haynta, taasna waxay keentay in Bongo uu noqdo madaxweyne abado ah.
Tan Labaad waxay tahay ayadoo meesha laga saaray labadii wareeg ee codbixinta oo laga dhigay hal wareeg oo kaliya isla 2003. Taas waxaa looga gol-lahaa in mucaaradka reer Bongo aysan codkooda isugu geyn hal murashax oo aysan sidaas loollan adag ula gelin.
Tan seddexaad. Halkii qofka guulaysta uu cod aqlabiyad leh ku guulaysan jiray, iminka waxa loo baahan yahay ‘si Bongo u guulaysto’ waa in qofku caan yahay. Taa micnaheedu waa in aqlabiyaddu noqon karto wax ka yar 50%. Cali Bongo wuxuu doorashadii 2016 ku guuleystay 49.8%.
Tan afaraad waa in bishii April ee sannadkan muddada xil haynta madaxweynaha laga dhigay 5 sano, halkii ay markii hore ahayd 7 sano, si loo xaqiijiyo in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ay isku mar wada dhacaan.
Doorashada qof iyo cod ah ee u danbeysay

Xigashada Sawirka, EPA
Isbedelka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee habraaca codeynta, ayaa sidoo kale keenay inuu gacan ka geysto guusha uu gaaray Bongo.
Xarunta doorashada ee Gabon, oo ah hay'adda u xilsaaran doorashooyinka, ayaa soo bandhigtay hal warqad oo codbixin ah, si looggu codeeyo saddexda heer ee doorasho Sabtidii.
Cod-bixinta doorashada, ayaa waxaa la isugu geeyey murashaxiinta madaxweynaha, sharci-dejinta iyo deegaanka oo isku xisbi ah. Waxay ka dhigan tahay in marka qof u codeeyo xildhibaan xisbi gaar ah, tusaale ahaan, uu si toos ah u codeeyey murashaxa madaxweyne ee xisbigaas.
Tani waxay meesha ka saartay murashaxiinta madax-banaan, sida murashaxa mucaaradka ugu weyn, Albert Ondo Ossa, oo ka dhigtay mid aan wax qaban Karin. Si taas loogga gudbo, mucaaridku waxay dadka u soo jeediyeen inay u codeeyaan oo kaliya doorashada madaxtooyada iyo deegaanka, oo ay qaadacaan codka baarlamaanka.
Iyadoo mucaaradku ay aad uga caroodaan isbadelka, haddana dadka reer Gabon ee caadiga ah ee ku nool magaalada caasimadda Libreville, ayaa iyaguna u muuqday kuwo jahawareersan.
"Ma garanayo sababta wax walba loo bedelayo daqiiqadaha ugu dambeeya. Iyadoo doorashooyinku ay socdaan, dadkii aan kasoo farcannay ee awoowayaasheen ma fahmi doonaan dhammaan waxyaalahan cusub?" qof dumar ah ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.













