Trump oo ciidan ku daad gureynaya Washington, sababtu maxay tahay?

- Author, Lucy Gilder & Jake Horton
- Role, BBC Verify
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu boqollaal ka tirsan ciidamada Ilaalada Qaranka u diri doono magaalada Washington DC isla markaana uu la wareegayo waaxda booliska si loola dagaallamo dambiyada.
Shir jaraa'id oo uu qabtay ayuu kaga dhawaaqay "Maalinta Xoriyadda" magaalada, wuxuuna ballan qaaday in uu ka samatabixin doono caasimaddiisa dembiyada, dhiigga daadanaya, qaska iyo wax ka sii daran.
Si kastaba ha ahaatee, duqa magaalada Washington DC Muriel Bowser ayaa sheegay in magaalada "dembiyadeeda uu ku yimid hoos u dhac weyn" iyo in ay "muddo 30 sano ah ay hooseeyeen dambiyada rabshadaha wata".
BBC Verify waxay eegtay waxa ay tirooyinka muujinayaan dambiyada rabshadaha wata ee caasimadda iyo sida ay ula barbar dhigmaan magaalooyinka kale ee Mareykanka.
Dembiyada rabshadaha wata maku badan yihiin Washington DC?
Amarka fulinta ee Trump ee uu ku dhawaaqay "Xaalad dembi deg deg ah oo ka dhacay Degmada Columbia" ayaa xusaya "rabshadaha sii kordhaya ee caasimadda". Shirkiisa jaraa'id wuxuu ku soo celceliyay tixraacyo ku saabsan dambiyada "inay xakameyn waayeen".
Laakiin sida laga soo xigtay tirooyinka dembiyada ee uu daabacay Booliska Magaalada Washington DC (MPDC), dembiyada rabshadaha wata ayaa dhacay ka dib markii ay sare u kaceen 2023 iyo 2024 waxay gaareen heerkoodii ugu hooseeyay muddo 30 sano ah.
Hoos ayay usii dhacayeen marka loo eego xogta hordhaca ah ee 2025.
Dembiyada rabshadaha wata ayaa guud ahaan hoos u dhacay 26% sanadkan marka la barbardhigo isla xilligaas 2024, dembiyada dhacana waxay hoos u dhaceen 28%, marka loo eego MPDC.
Trump iyo Midowga Booliiska DC ayaa su'aal galiyay runnimada dadka dambiyada galay ee waaxda booliiska magaalada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dembiyada rabshada ah waxaa si kala duwan u soo tebiyay MPDC iyo FBI-da – il kale oo weyn oo laga helo tirakoobka dembiyada Mareykanka.
Xogta dadweynaha MPDC waxay muujisay hoos u dhac 35% ah 2024, halka xogta FBI ay muujisay hoos u dhac 9% ah.
Markaa tirooyinka ayaa isku raacay in dembigu hoos uga dhacayo DC, laakiin way ku kala duwan yihiin heerka hoos u dhacaas.
Isbeddelka hoos u dhaca ayaa ah "mid aan la fahmi karin oo weyn", sida uu qabo Adam Gelb, maamulaha Golaha Caddaaladda Dembiyada (CCJ), oo ah hay'ad ka fikirta sharciga.
"Tiradu way is beddeshaa iyadoo ku xiran xilliga iyo noocyada dembiyada aad baarto," ayuu yiri Mr Gelb.
Laakiin guud ahaan waxaa jira rabshado aan la fahmi karin oo badanayay tan iyo xagaagii 2023, markaasoo ay dhaceen dilalkii ugu badnaa, weerarrada qoryaha, dhaca, iyo afduubka baabuurta."
Waa sidee heerka dilalka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump ayaa sidoo kale sheegay in "dilalka 2023 ay gaareen heerkii ugu sarreeyay ee laga yaabo abid" ee Washington DC - isaga oo raaciyay in tirooyinka "ay dib ugu noqdeen 25 sano kahor".
Mar aan Aqalka Cad wax ka weydiinnay halka ay ka yimaadeen tiradaasi, waxa ay sheegeen in ay tahay "lambarrada ay bixisay FBI-da".
Heerka dilku wuxuu kordhay 2023 ilaa 40 kiiba 100,000 ee dadka deggan - tanoo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 20 sano ah, marka loo eego xogta FBI-da.
Si kastaba ha ahaatee, taasi ma ahayn tii ugu sarreysay ee la diiwaan geliyo - waxay ahayd mid aad u sarreysa sagaashamaadkii iyo horraantii 2000-meeyadii.
Heerka dilalka guryaha ka dhaca wuxuu hoos u dhacay 2024 wuxuuna sanadkan hoos u dhacay 12% isla xilligan sanadkii hore, sida ay sheegtay MPDC.
Daraasaduhu waxay soo jeediyeen in heerka dilka caasimaddu uu ka sarreeyo celceliska, marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Maraykanka.
Laga soo bilaabo 11kii Agoosto, waxaa sanadkan 99 dil ka dhacay Washington DC - oo uu ku jiro nin 21 jir ahaa oo kongareeska ka tirsanaa oo toogasho lagu dilay kadib rasaas is weydaarsanayay, kiiskaas oo uu Trump ku xusay shirkiisa jaraa'id.
Waa sidee afduubka gawaarida?
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo hadal qaaday kiiska wiil 19 jir ah oo hore uga tirsanaan jiray shaqaalaha Waaxda Hufnaanta Dawladda (Doge) kaas oo lagu dhaawacay isku daygii baabuur ee la sheegay in uu ka dhacay caasimadda bilowgii bishii August.
Trump ayaa ku andacoonaya "tirada tuugada baabuurta in ay saddex jibbaarmeen" shantii sano ee la soo dhaafay.
Ilaa hadda sanadkan, MPDC waxa ay diiwaangelisay 189 fal-dembiyeedyo baabuur, oo hoos uga dhacay 300 isla muddadaas sannadkii hore.
Sida laga soo xigtay CCJ, afduubka baabuurku wuxuu sare u kacay si la taaban karo laga bilaabo 2020 ka dibna wuxuu kor u kacay heerka ugu sarreeya ee 140 dhacdo oo la soo sheegay bishii Juun 2023.
Laga soo bilaabo Luulyo 2025, bandow magaalada oo dhan ah ayaa lagu soo rogay dadka da'doodu ka yar tahay 17 jir laga bilaabo 23:00 ilaa 06:00.
Waxaa loo soo bandhigay sidii loola dagaallami lahaa dambiyada ay geystaan dhallinta - oo ay ku jiraan afduubka baabuurta - kuwaas oo inta badan kor u kaca bilaha xagaaga.
Waa sidee heerka dembiyada magaalada marka lala barbardhigo magaalooyinka kale ee Mareykanka?
"Heerka rabshadaha degmada ayaa weli ah mid ka sarreeysa celceliska saddex iyo toban magaalo ee muunadda aan qaadnay," Mr Gelb oo ka tirsan CCJ ayaa noo sheegay.
"Inkasta oo hoos u dhaciisu uu la socdo waxa aan ku aragno magaalooyinka kale ee waaweyn ee dalka," ayuu intaa raaciyay.
CCJ waxay eegtaa heerka dambiyada 30-ka magaalo ee waaweyn ee Maraykanka.
Falanqeynteeda ayaa soo jeedinaysa in heerka dilka ee DC uu hoos u dhacay 19% qeybtii hore ee sanadkan (Janaayo-June 2025), marka la barbar dhigo isla muddadaas sannadkii hore.
Tani waa hoos u dhac yar oo ka weyn 17% celceliska hoos u dhaca magaalooyinka ee muunadda daraasadda CCJ.
Si kastaba ha noqotee, haddii aad qaadato lixda bilood ee ugu horreeya 2025 oo aad barbar dhigto isla muddadaas 2019 - ka hor masiibada Covid-19 - waxay muujinaysaa kaliya 3% hoos u dhaca dilalka.
Guud ahaan 30ka magaalo ee daraasadda, hoos u dhacaasi wuxuu ahaa 14% isla muddadaas.













