Trump iyo Putin oo kulmi doona, waase halkee goobta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kulmi doona Alaska Jimcaha soo socda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Trump ayaa kaga dhawaaqay baraha bulshada kulanka 15 Agoosto markii dambena afhayeen u hadlay aqalka Kremilinka ayaa xaqiijiyey isagoo sheegay in goobta kulanku tahay "mid si macquul ah u qorshaysan" maadaama Alasku u dhow yahay Ruushka.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Trump lagu casuumay Ruushka shir madaxeedka labaad ee suuragalka ah.
Ma jirin wax falcelin ah oo degdeg ah oo kasoo baxay Ukraine.
Ku dhawaaqista kulankan ayaa timid saacado un kadib markii Trump uu muujiyay in laga yaabo in Ukraine ay khasab ku noqoto inay dhul ka tanaasusho si loo soo afjaro dagaalka, kaas oo bilowday markii Ruushku si buuxda u duulay dalka deriska la ah bishii Febraayo sanadkii 2022.
"Waxaad eegaysaa dhul lagu dagaalamayay saddex sano iyo bar, dad badan oo Ruush ah ayaa dhintay. Dad badan oo Ukrainian ahna waa ay dhinteen," ayuu Trump ka yiri Aqalka Cad Jimcihii.
"Aad bay u adag tahay. Waxaanu doonaynaa in qaar soo celino, waxaanu doonaynaa in qaar la isku baddelo. Waxaa jiri doona isweydaarsi dhulal ah, taasoo labada dhinacba u noqon doonta mid faa'iido leh."
Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u ekaan doonto soo jeedintaasi.
Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta CBS News ee Mareykanka, ayaa soo xigatay ilo xog-ogaal u ah wadahadallada, iyagoo sheegaya in Aqalka Cad uu isku dayayo inuu ku qanciyo hoggaamiyeyaasha Yurub inay aqbalaan heshiis ay ku jirto in Ruushka la siiyo gobolka Donbas oo dhan ee bariga Ukraine, isla markaana uu sii haysto Crimea.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbiixnta CBS, ayaa sheegaysa in laga tanaasuli doono gobolada Kherson iyo Zaporizhzhia, kuwas oo qayb ahaan la qabsaday si ay qayb ugu noqdaan qorshaha heshiiska.
Horraantii Jimcihii, wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu soo jeediyay qorshe la mid ah midka hadda socda, kulankii dhawaan ka dhacay Moscow oo uu la yeeshay wakiilka Trump, Steve Witkoff.
Weli ma cadda in Ukraine iyo xulafadeeda Yurub ay oggolaan doonaan heshiis noocaas ah, maadaama Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Putin ay si weyn ugu kala feker duwan yihiin shuruudaha nabadda.
Zelensky si cad ayuu u diiday wax shuruudo ah oo dhul ka tanaasulid la xiriira.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay CBS in qorshaha kulanka Jimcaha soo socda uu weli yahay mid isbedbeddelaya, isla markaana ay suuragal tahay in Zelensky uu si uun uga qeyb galo ama qeyb ka noqdo wadahadalka.
Moscow waxa ay ku guuldaraysatay in ay horumar ka gaarto duullaankeedii buuxay ee ay qaaday, laakiin waxa ay qabsatay 20% dhulka Ukraine. Weerarada Ukraine, dhanka kale, weerarada ay Ukraine qaaday ilaa hadda ma aysan awoodin inay dib u riixaan ciidamada Ruushka.
Saddex wareeg oo wadahadalo toos ah oo ku dhex maray Ukraine iyo Ruushka Istanbul ayaa lagu guul daraystay in la soo afjaro dagaalka. Shuruuraha hordhaca ah ee Mosco ee militari iyo siyaasd ahaan ay ku doonayso nabada ayey Kyiv iyo xufulafeedu u arkaan kuwa ah is dhiibid Ukraine ah.
Dalabka Ruushka waxaa ka mid ah in Ukraine ay noqoto dal dhex dhexaad ah, si weyn u yareyso ciidamadeeda, kana tanaasuleyso rabitaankeeda Nato, iyo sidoo kale in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka.
Moscow waxa ay sidoo kale doonaysaa in Kyiv ay kala baxdo ciidamadeeda afarta gobol ee uu Ruushku qayb ahaan ka haysto koonfurta bari ee Ukraine, lana soo saaro ciidankeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa Jimcihii ku adkeystay in Mareykanka uu leeyahay "fursad" ku saabsan heshiis nabadeed oo saddex-geesood ah oo u dhexeeya wadamada.
"Hogaamiyeyaasha Yurub waxay rabaan inay arkaan nabadda, madaxweyne Putin, waxaan aaminsanahay, inuu doonayo inuu arko nabadda, Zelensky wuxuu doonayaa inuu arko nabad," ayuu u sheegay suxufiyiinta.
"Madaxweyne Zelensky waa inuu helaa dhammaan tiisa, wax walba oo uu u baahan yahay, sababtoo ah waa inuu diyaar u yahay inuu wax saxiixo, waxaana u maleynayaa inuu si adag u shaqeynayo si taas loo sameeyo," ayuu yiri Trump.
Bishii la soo dhaafay Trump ayaa sheegay inuu ka niyad jabay Putin balse uusan wali ka wada dhammaan.
Wuxuu adkeeyey go'aanadiisa ka dhanaka ahaa Ruushka toddobaadyadii dhawaa isagoo sheegay waqtiga kama dambaysa u qabtay 8-dii Agoosto in Ruushku ka gaaro xabad-joojin Ukriane haddii kale uu wajahayo cunaqabato ba'an.
Trump iyo Putin waxay telefoon ku wada hadleen bishii Febraayo, taasoo ahayd is-dhaafsiga ugu horreeyay ee tooska ah ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha tan iyo duullaankii buuxa ee Ruushka.
Markii ugu dambeysay ee madaxweyne Mareykan ah uu la kulmay Putin waxay ahayd 2021, markii Joe Biden uu la kulmay shirweynaha Geneva, Switzerland.













