Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo laga hor istaagay ka qeybgalka Kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, ayaa laga hor istaagay inuu ka qeybgalo kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay ee bisha soo socota ka dhacaya New York, kadib markii isaga iyo 80 mas'uul Falastiini ah lagala laabtay fiisayaashii ay ku tegi lahaayeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiintaas inay carqaladeeyeen dadaallada nabadda isla markaana ay doonayaan "in si kali-talisnimo ah loo aqoonsado dowlad Falastiini ah oo aan la xaqiijin karin."
Go'aankan oo ay soo dhoweysay Israa'iil ayaa ah mid aan caadi ahayn, maadaama Mareykanka laga filaayay inuu fududeeyo socdaalka mas'uuliyiinta dal kasta oo doonaya inuu booqdo xarunta Qaramada Midoobay.
Xayiraaddan ayaa timid iyadoo Faransiisku hogaaminayo dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado dowlad Falastiin leedahay inta lagu guda jiro kalfadhiga dhacaya, tallaabadaan oo si adag uu uga soo horjeeddo maamulka Donald Trump.
Safiirka Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay, Riyad Mansour, ayaa horey u sheegay in Madaxweyne Maxamuud Cabbaas uu guddoomin doono wafdiga Falastiin u matalaya shir madaxeedka madaxda dawladaha iyo xukuumadaha ee ka dhici doona magaalada New York.
Laakiin mas'uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa markii dambe sheegay in Cabbaas iyo ku dhowaad 80 Falastiiniyiin kale ay saameyn doonto go'aanka Mareykanka ee ah in la diido ama laga noqdo fiisooyinka xubnaha ka tirsan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiin.
Rubio wuxuu sheegay in wakiillada Falastiiniyiinta ee xafiiska Qaramada Midoobay ee New York ay ka qaybgeli karaan kulammada si waafaqsan Heshiiska Xarunta Qaramada Midoobay – oo ah dukumenti xeerinaya howlaha Qaramada Midoobay ee gudaha Mareykanka.

Xigashada Sawirka, EPA
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in tallaabada Mareykanka ee diidmada iyo ka-noqoshada fiisooyinka ay waafaqsan tahay heshiiskaas, kaasoo sheegaya in Mareykanka uusan carqaladeyn karin imaanshaha saraakiisha ajnabiga ah ee New York, "iyadoon loo eegin xiriirka ka dhexeeya dawladaha iyo Mareykanka".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xafiiska Madaxweyne Cabbaas wuxuu sheegay inuu si aad ah ula yaabay go'aanka fiisaha loogu diiday, isagoo ku tilmaamay mid si cad uga hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Heshiiska Xarunta Qaramada Midoobay, gaar ahaan maadaama Dowladda Falastiin ay tahay xubin kormeerayaal ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan. Waxay ugu baaqday Mareykanka inuu go'aankaas dib uga laabto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Saar, ayaa soo dhoweeyay go'aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xamaas ayaa muddo dheer ka talinaysay Marinka Qasa, iyadoo kooxda Fatax ee uu hoggaamiyo Cabbaas ay ka arrimiso Daanta Galbeed. Hase yeeshee, xitaa gudaha Daanta Galbeed, Maamulka Falastiin ee uu Maxamuud Cabbaas hoggaamiyo wuxuu wajahaa caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin kooxo mucaarad ah iyo isku ballaarinta deegaannadaas dadka Israa'iiliyiinta ah.
Cabbaas sidoo kale wuxuu madax ka yahay Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) – kaasoo ah hay'adda u matasha Falastiiniyiinta goobaha caalamiga ah.
Sanadkii 1974, Qaramada Midoobay waxay u codeeyeen in la aqoonsado PLO sida "wakiilka sharci ee keliya ee dadka Falastiiniyiinta", waxaana la siiyay xubin kormeere ah oo aan ahayn dowlad rasmi ah.
Sanadkii 2012, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la casriyeeyo aqoonsigaas, isagoo u aqoonsaday Falastiin inay tahay "xubin aan rasmi ahayn balse joogto ah oo kormeere ah".
Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, si joogto ah ayuu uga soo horjeestay fikradda ah xal laba-dawladood ah – taasoo ahayd qaabka caalamiga ah ee lagu xallin lahaa khilaafka Israel iyo Falastiin ee tobannaanka sano socda. Hannaankan wuxuu soo bandhigayaa in dawlad Falastiini ah oo madax bannaan la dhiso, kuna arrimisa Daanta Galbeed iyo Qasa caasimadana ay noqoto Bariga Qudus.
Netanyahu wuxuu leeyahay in aqoonsiga dowlad Falastiini ah ay la mid tahay abaalmarin la siiyay "Xamaas oo u uku tilmaamay argagixiso".
Milateriga Israel ayaa qaaday weerar ka dhan ah Qasa, kadib weerarkii ay Xamaas ka fulisay koonfurta Israel 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.
Tan iyo markaas, waxaa Qasa lagu dilay in ka badan 63,000 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas ay maamusho.













