Mid kamid ah Warshadaha ugu weyn bacraminta Afrika oo laga hirgalinayo gobolka Soomaalida

Xigashada Sawirka, X/@AlikoDangote
Dowladda Itoobiya iyo bilyineerka Nayjeeriyaanka Aliko Dangote ayaa si wadajir ah u dhisaya mid kamid ah warshadaha bacraminta ugu weyn Afrika oo laga hirgalinayo gobolka Soomaalida.
Warshada waxaa si wadajir ah u leh shirkada maalgashiga Itoobiya (Ethiopian Investment Holdings) oo maamusha hay'adaha maalgelinta ee dowlada Itoobiya iyo kooxda Dangote, iyaga oo sii maraya heshiiska ay wada saxiixdeen labada dhinac.
Waxyaabaha ay soo dhoofsato Itoobiya ayaa celcelis ahaan ka badan 1.5 milyan oo metric tan oo ah noocyo kala duwa oo waxyaabaha la bacramiyay ee ka yimaada dalalka ajnabiga sanad kasta. Waxaa dhalisaa in qayb ballaarna oo kamid ah sarifka lacagaha qalaad ay dhex marto, iyada oo beeralayda ay sheegeen in qiimaha bacraminta ay sidoo kale u korortay si xooggan guda dalka.
Warshadan aadka u ballaaran ee bacraminta ayaa laga dhisay Godey, oo ka tirsan gobolka Soomaalida, waxaana ay noqonaysaa mid kamid ah kuwii ugu horeeyay ee nooceeda ah oo laga hirgaliyo Afrika.
Dangote Group ayaa qayb weyn ku leh dhismaha warshadan, oo uu leeyahay ninka hoggaaminaya maalgelinta Afrika ee u dhashay Nayjeeriya Aliko Dangote.
Dangote ayaa ah ninka madowga ee ugu taajirsan caalamka ee meel ka baxsan Afrika, kaasi oo hantidiisu ay gaarayso $24.9 bilyan, sida laga soo xigtay Forbes.
Ma aha markii ugu horaysay oo warshada Dangote ay maalgelin ka samayso gudaha Itoobiya. Waxa ay ku lug lahayd soo saarista shamiitada muddo ka badan 10 sano taasi oo ay leedahay shirkada Shamiitada ee Dangote.
Miisaaniyad ilaa 2.5 bilyan oo doolar ah ayaa loo qoondeeyay dhismaha warshadan bacraminta, taasi oo la sheegay inay noqonayso mid kamid ah kuwa ugu horumarsan mashaariicda Itoobiya inta la ogyahay taariikhda.

Xigashada Sawirka, pm office/fb
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dangote Group ayaa haysanaya 60 boqolkiisa qaybta bacraminta ee shirkada ee laga dhisayo gobolka Soomaalida, halka dowlada Itoobiya ay lahaanayso 40 boqolkiiba.
Sida laga soo xigtay heshiiska ay wada gaareen dowlada Itoobiya iyo Dangote Group, waxaa ay labada dhinac si wadajir ah u maalgalinayaan, u dhisayaan, una maamulayaan warshada.
Shirkada ayaa ka mid noqonaysa mid kamid ah kuwa ugu casrisan ee leh tiknaloojiyada horumarsan.
Shirkada oo la filayo in la dhamaystiro muddo ka yar saddex sano ayaa awood u yeelan doonta inay soo saarto saddex milyan oo metric tan oo bacramin ah sanadkii, markii ay shaqo bilowdo.
Shirkadu waxa ay isticmaali doontaa gaaska dabiiciga ah meel ku dhow goobta oo in ka yar boqol kilometers kaga began gobolka Soomaalida, taasi oo ka dhigaysa mid kamid ah kuwa ugu ballaaran ee lagu nidaamiyo wax soo saarka sanadkii markii ay shaqadeeda bilowdo.
Inta ugu badan shirkadaha bacraminta ayaa u qaada agabyadooda cayriin goobo kala duwan si ay u helaan wax soo saarka ugu dambeeya. Waxa ay kordhisaa qaaditaanka iyo kharashaadka kale.
Waxaa la tilmaamay shirkadu inay si ballaaran u kobcayso laguna daray wax soo saar cusub, taaso oo bixinaysa qaybo kala duwan oo wax soo saarka bacraminta, taasi oo ka dhigaysa Itoobiya xarunta soo saarista bacraminta Afrika.
Marka ay shirkadu shaqo bilowdo ayna gaarto dhammaan awoodeeda, waxa ay noqonaysaa tna ugu ballaaran ee shirkada soo saarista bacraminta ee Nayjeeriya.
Dangote Group ayaa ah maalgeliye weyn oo dhaca Afrika, mid ka shaqeeya wax soo saarka warshadeed ee muhiimka ee kala duwan.
Dangote wax ay leedahay shirkada ugu weyn ee soo saarista bacraminta Afrika oo ku taala meel ku dhow Lagos, Nayjeeriya, taasi oo soo saarta 3 milyan oo metric tan oo bacramin ah sanadkii.
Marka ay shirkada bacraminta Godey ay shaqo bilowdo muddo saddex sano gudaheed ah Itoobiya ayaa ku biiraysa Nayjeeriya, Tanzaniya, Morocco, Masar, Kenya iyo Koonfur Afrika oo ah soo saarayaasha hoggaaminaya bacraminta Afrika.
Waxaa intaasi sii raaa, shirkada cusub ayaa yeelanaysa baaxad soo saaris sare waxayna noqon doontaa mid la ballaariyo, taasi oo ka dhigaysa saddexda warshadood ee ugu ballaaran bacraminta qaarada Afrika.











