Itoobiya oo war cusub ka soo saartay shidaalka Deegaanka Soomaalida

- Author, Nimaan Osman
- Role, BBC Somali
Raysalwasaaraha Itoobiya oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa markii ugu horraysay ka hadlay soo saarista shidaalka Deegaanka Soomaalida. Abiy Axmed oo ka jawaabayay weydiimo ay u soo jeediyeen xubnaha golaha wakiillada shacabka ee Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay isticmaalka shidaalka ee suuqyada maxalliga ah.
"Itoobiya markeedii ugu horraysay waxa ay suuqyada keenaysaa shidaal ay leedahay. Maxaa naloogu sheegi waayay weydiinta odhanaysa jawaabteedu waa in aan dawlad nahay. Shaqo ayaan noo taalla ee hadal nooma yaallo. Markii wakhtigeedu yimaaddo ayay tahay in bulshada lala wadaago. Maaddaama uu cadow badan jiro waxa fiican in qarsoodi lagu dhammeeyo. Si cadowgu aanu hawlaha socda u kala dhantaalin waxa aan ka shaqaynnay sidii hawshan aan u dhammaystiri lahayn. Dhawaan, haddii aad arki jirteen aniga oo deegaanka Soomaalida aadaya, shaqadayda taas ka muhiimsani waxay ahayd midda shidaalka".
Hadalka raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan dawladda Itoobiya ay shaacisay inay si rasmi ah u laashay qorshe muddo dheer la isla soo qaaday oo ahaa in Gaaska Dabiiciga ah laga dhoofiyo Deegaanka Soomaalida iyadoo la sii marinayo Dhuumaha shidaalka qaada ee Jabuuti. Arrintan ayay sabab uga dhigtay caqabado maaliyadeed oo joogto ah iyo dib u dhac ku yimid hirgelinta qorshahaasi.
Sida ay xaqiijisay wasaaradda Tamarta Itoobiya, dalkan ku yaalla Bariga Afrika ayaa damacsan in uu joojiyo dhoofinta shidaalka dibadda taasi beddelkeedana uu u adeegsado baahida shidaal ee gudaha ka jirta.
"Dowladda Itoobiya waxay joojisay soo saarista gaaska dabiiciga ah ee gobolka Ogaadeen, iyo mashruuca dhuumaha shidaalka u qaada Jabuuti," ayaa lagu yidhi warbixinta.
Warbixin ay si wadajir ah u diyaariyeen Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, shirkadda Korontada Itoobiya iyo waaxda Batroolka & Tamarta, ayaa joojinta mashruucaasi sabab looga dhigay "caqabado ka jira maalgelinta mashaariicda iyo hirgelinta oo gaabis ah" taasi oo lagu sheegay in ay dawladda ku riixday qaadashada go'aankan.

Halkee ayay ku yaallaan ceelasha shidaalka Deegaanka Soomaalidu?
Ceelasha shidaalka ee la daahfuray waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali oo ka tirsan degmada Dhoobaweyn ee Gobolka Qorraxay iyo degmada Elele oo ku taalla gobolka Shabeelle ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.
Xafladdii lagu daahfurayay ceelashan shidaalka waxa goob joog ka ahaa madaxwaynihi hore ee deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mar kalana, warbaahinta gacan-saarka la leh dawladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana oo soo xigatay Rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxay qortay in Abiy uu shacabka dalkiisa uu uga hambalyeeyay soo saarista shidaalka oo ku sheegay in maalintii la soo saari doono 450 fuusto oo shidaal ah.
Shidaalka ceegaaga labadan goobood ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.
Shidaalka caydhiin ee goobtaasi laga helay ayaa qorshihiisu ahaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada.
"Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka. "Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka," ayuu hadda ka hor yidhi raysalwasaaraha Itoobiya.
Sida hadda ka hor ay saadaaliyeen khubaro dhinaca shidaalka ah, waxa hore loo odorosay in sanooyinka ugu horreeya uu Itoobiya ka soo galo shidaalka dhaqaale gaadhaya 1.2 bilyan oo Doollar. Hase ahaatee, dhaqaalaha ka soo baxa ayaa si tartiib-tartiib ah loo saadaaliyay in uu u kordhi doono oo gaadhi doono 7 bilyan oo Doollar.

Xigashada Sawirka, AFP
Maxay Deegaanka Soomaalida uga dhigan tahay tallaabadan ay Itoobiya qaadday?
Bilowgii shaacinta soo saarista shidaalka Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa BBC-da uga warramay faa'iidada soo saarista shidaalku ay u leedahay Deegaanka Soomaalida Anwar Bashiir Maxamuud oo xilligaasi ahaa agaasinka shidaalka ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, wuxuuna sheegay in la helay lana qoday shidaal caydhiin ah.
Wuxuu agaasimaha sheegay in tallaabada xigta ay tahay in dhuumaha shidaalka qaada oo ilaa Jabuuti tagaya la sameeyo, shidaalka la sifeeyo, lana dhoofiyo.
Dr. Naafic Cumar oo ah khabiir ka faallooda arrimaha shidaalka oo ay BBC-du wax ka weydiisay hawsha lag amarro soo saarista shidaalka ayaa qaba in marxaladda sifayntu aanay ahayn shaqo fudud.
"Sifaynta saliidda ama gaasku ma aha marxalad fudud marka dalka gudihiisa lagu qabanayo hawsha. Arrin kale oo ii muuqata waa in tallaabada ay Itoobiya u qaadday arrintani ay muujinayso mid aan la xidhiidhin dhaqaalaha. Sababta oo ah haddii la rabo dakhli xooggan oo dawladda soo gala waxaa muhiim ah in bannaanka loo dhoofiyo ama ugu yaraan dalalka dariska ah".













