Muxuu yahay hadalka uu sheegay Netanyahu ee ay dalalka carabtu ka caroodeen

Netanyahu

Xigashada Sawirka, EPA

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu dareemayo inuu ku taagan yahay "howlgal muhiim iyo taariikhi ah," uuna diyaar u yahay aragtida Israa'iisha weyn, oo ay ku jiraan dhulka Falastiin, "iyo dabcan qaybo badan oo kamid ah Urdun iyo Masar, " sida laga soo xigtay The Times of Israel.

Wargayska ayaa tabiyay waraystaha ka tirsan Janaalka i24 oo muddo kooban xubin ka ahaa garabka midig ee Knesset, wuxuuna u soo bandhigay Netanyahu khariirad u dhigan qaabka dhulka ballan qaadka ayaa markii uu wax ka weydiiyay sida uu u arko "aragtida" Israa'iisha weyn, Netanyahu wuxuu ku jawaabay, "Aad iyo Aad".

Ereybixinta "Israa'iisha weyn" ayaa la adeegsaday ka dib dagaalkii Lixda-Maalin ee Juun 1967, oo sidoo kalana loo yaqaanay "Naksa, " oo loola jeedoa Israa'iil iyo dhulka ay qabsatay wakhtigaasi, oo ay ku jirto Bariga Qudus, Daanta Galbeed, gacan biyoodka Sinai iyo buuraha Golan Heights.

Wargayska ayaa tilmaamay in "qaar kamid ah sahyuuniyiintii hore ay adeegsan jireen eryadaasi iyaga oo tilmaamaya Israa'iisha maanta ee Qaza, Daanta Galbeed iyo Urdun".

Intii lagu guda jiray waraysiga, Netanyahu ayaa wax laga weydiiyay sida uu u dareemay howgalka uu ku matalayo bulshadiisa. Waxaa uu ku jawaabay, "Waxaan ku jiraa howlgal jiilal. Waxaa jiray jiilal yahuud ah oo ku riyooday inay halkaan yimaadaan, iyo jiilal kale oo imaanaya gadaasheen".

Netanyahu ayaa intaa ku daray: "Sidaa darteed, haddii aad i weydiinayso haddii aan leeyahay dareen howlgal, taariikheed iyo ruuxi ah, jawaabtu waa haa".

Iyaga oo ka jawaabaya bayaanka Netanyahu ee la xiriira "aragtidiisa Israa'iisha weyn" Jaamacada Carabta ayaa cambaareeyay hadaladaasi, iyaga oo ku qeexay inay yihiin sida "carqaladayn madax banaanida dalalka Carabta iyo iskuday lagu dhibaataynayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka".

Jaamacada Carabta ayaa ku tiri bayaan kasoo baxay in hadaladan ay "tusaale u yihiin khatar dhab ah oo dhammaan ammaanka qaramada Carabta khuseysa, ayna carqalad ku yihiin sharciga caalamiga ah", waxaana intaa lagu sii daray bayaanka inuu muujinayo "isballaarin iyo damac cadaawad oo aan la aqbali karin ama aan loo dulqaadan karin'' sida lagu yiri bayaanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhankeeda Urdun ayaa cambaaraysay bayaanka iyada oo u tixgalisay kicin iyo khatar madax banaanida dal iyo carqaladaynta sharciga caalamiga ah".

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda Urdun ayaa sidoo kale lagu xusay inay tani muujinayso halka ay ka taagan tahay damaca xukuumada Israa'iil.

Waxaa ay wasaarada arrimaha dibadda Urdun ay intaa ku dartay wax ay ku qeexday "eedaymo iyo khaladaad ay ka dambeeyaan kooxaha xagjirka ee dowladda Israa'iil" oo dhiirigalinaysa sii socoshada wareegga colaadaha iyo rabshadaha, iyada oo ugu yeeraysa caalamka inuu qaato door cambaareyn ah iyo digniin laga bixiyo cawaaqib xumadeeda.

Dhanka Masar, waxaa ay xaqiijisay inay codsatay faahfaahin la xiriirta waxa ay soo "hadal qaadeen qaar kamid ah warbaahinta Israa'iil ee la xiriirta Israa'iisha weyn".

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ku tilmaamay bayaan waxa lasoo daabacay ee la xiriirta "Israa'iisha weyn" ay leedahay waxyaabo ka dhalanaya, oo ay ku jiraan "saamaynta nabad galyo la'aan, diidmada doorka nabbadda iyo kicinta iskahor imaad".

Hadalada labada dhinac ee ra'iisul wasaaraha Israa'iil ee Benyamin Netanyahu iyo Jaamacada Carabta ayaa kusoo beegmaya iyada oo aan weli xabbad joojin rasmi ah laga gaarin colaada ka taagan Qaza iyo iyada oo dhowaan Israa'iil iyo Iiraan uu dagaal hawada uu dhex maray, inkasta oo Maraykanka oo duqaynta Iiraan qayb ka ahaa uu markii dambe sheegay in labada dhinac uu kala dhex dhigay xabbad joojin ugu dambayn dhaqan gashay.

Netanyahu ayaa la kulmaya cadaadisyo gudaha iyo dibadda oo la xiriira inuusan qaadin talaabaada la xiriirta qorshaha la wareegitaanka magaalada Qaza, oo dadka reer Israa'iil ay cabsi kaga qabaan inay waxyeelo ka soo gaarto lahaystayaasha iyo shacabka malaayiinta ee reer Falastiin.

Dadka u baahan gargaarka ee reer Qaza ayaa la dhibtoonaya cunto la'aan iyada oo ay xanniban yihiin gaadiid badan oo gargaar u sida Qaza