Saamaynta ay yeesheen dagaallada Beledxaawo iyo rajada ay qabaan dadkii qaxay

Magaalada Mandheera

Xigashada Sawirka, Mandera county government

    • Author, Xuseen Xuska
    • Role, BBC SOMALI

Magaalada Mandheera ee xadka la leh Magaalada Beledxaawo oo muddooyinkii u dambeeyay ay colaad ka taagnayd ayay saamayn xooggan ay ku yeesheen dagaaladii ka dhacay Beledxaawo, iyo dadkii ku soo barakacay.

Qayb kamid ah xaafadaha Mandheera ayaa laga qaxay, iyada oo haatan uu culays kale ugu darsamay shacabka oo la xiriira dadka soo dul degay ee ay dariska yihiin.

Xuseen Baashow oo kamid ah ganacsatada deegaanka iyo dadka uu dagaalku saamaynta ku yeeshay ayaa BBC uga warbixiyay xaaladooda iyo tan shacabka soo qaxay ee reer Beledxaawo.

''Xabadda markii ay bilaabatay oo ciidamo Jubbland ah iyo ciidamo federaal ah meesha ay isku dagaaleen, waa soo jabeen ciidamadii Jubbland, waxaa ay yimaadeen buulada BB1, Jubbaland waxaa ay soo degeen buur hoosteeda, ciidamadii kale ee Federaalkana waxaa ay soo deggeen tuulo amiin, xaafadii la daganaa marka waxaa ay dhex gashay laba dagaal dhexdood, dhankaan Kenya ayay nimankan u soo gudbeen, dadkii waa soo qaxeen dhibaato ayaa ka dhacday, dad aan waligood qaxooti noqon oo 56 sano meesha degganaa ayaa qaxooti noqday, buuro hoostooda ayaa la galay, dadkii beeraleey ayay iska ahaayeen oo khudaar ayaa Beledxaawo la gayn jiray, qudaartii iyo wax kast aoo halkaa la gayn jiray waa xirmeen, qof weyn iyo qof yarba buuraha hoostooda ayay galeen, dhibkaasaana meesha ka jira'' ayuu yiri Xuseen.

Xuseen waxaa uu ka mid yahay dadka ganacsiga ku leh xaafadda Mandheera ee jaarka la ah Beledxaawo, isaga oo haatan ka soo barakacay, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa beeralayda, wuxuuna sheegay in aysan muddo laba asbuuc ah socon wax shaqo iyo tacab beerasho ah.

''Annaga waxaan u qaxnay buuraha xaggooda, dadka qaarna Mandheera ayay soo galeen oo gudaha magaalada ayay mareen oo cidaha qaraabada ayay u tageen oo la joogaan, annagana buuraha hoostooda ayaan joognaa oo aan ku jirnaa, wax hadda soo socda oo nabad ahna ma muuqato, ciidankii weli waa joogaan oo waa nagu dhex jiraan, waddanka Kenya dhexdiisa ayay ku jiraan, marka naga baxa la yiraahdana waa soo laabanayaan, meel wax laga bilaabo ayaa la garan la' yahay''.

Dadka Beledxaawo ka soo qaxay ayuu sheegay inay culays fara badan la yimaadeen ''waxaa ay la yimaadeen culays fara badan 400 dad gaaraya, dadkii musqul malaha, meel ay ku kala nafisaan malaha, caafimaad daro ayaa meesha ka dilaacday, dadkuna waa iskor fuuleen''.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in gargaarka dadku ay helaan uu haatan kooban yahay, dadkooda ay ku dhex jiraan dadka soo qaxay ''Dadka uun beey ku dhex jiraan, hay'adda laanqeyrta cas ayaa wax keentay, marka hay'ad weyn oo haatan u taagan oo sidii la arki jirayna ma aha, inkasta oo hay'daha iska yaraadeen, marka laanqayrta cas wixii ay keento uun ayaa la qaybsani''.

Dadka kasoo qaxay Beledxaawo oo aan rajo badan qabin inay laabtaan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xaalada magaalada Beledxaawo oo deggan ayaa weli Shacabkii magaaladaasi ka qaxay qayb kamid ah aysan weli rajo ka qabin inay dib ugu laabtaan magaalada, in kasta oo xaaladu deggen tahay haddana shacabka qaybtood weli cabsi ayay qabaan.

Magaalada waxaa haatan gacanta ku haya masuuliyiinta DFS ay u soo magacowday gobolka, in kasta oo dhanka Jubbland ay iyaguna weli rajo ka qabaan dib ugu laabashada magaalada.

Cabdi Abiikar oo kamid ah dadka magaalada ka qaxay ayaa uga warramaya BBC, xilliga magaalada uu ka soo qaxay, xaaladda markii ay soo qaxayeen iyo hadda xaalada ay ku sugan yihiin.

''Annaga Beledxaawo ayaan kasoo barakacnay, iskuul barwaaqo ayaa nala dajiyay, ammaan waan ku jirnaa oo cabsidii waa na daysay, dadkana daruuf waxyar waa haysaa oo raashin lama siiyo, waxaana ka soo qaxnay Beledxaawo bishii 7aad taariikh 26, xilligaasina madaafiic ay socotay''

Cabdi Abiikar waxaa uu kala soo qaxay Beledxaawo qoyskiisa oo ka kooban 7 qof, waxaana ay la kulmeen soo dhoweyn.

''Magaalada Mandheera xaalada qaxootigu ku sugan yahay Barwaaqo ayuu ku jiraa, wuu nabad qabaa, biyo la'aan ma qabaan oo cabsina ma hayso, dadka xooggaa cunto ah waa ay gaartay, intiisa badan ma helin cuntada, inta yar ee la siiyayna waxaa siiyay laanqeyrta cas (red cross), buuladana wax yar ayaa laga soo aruuriyay oo culimadaa soo aruurisay, aniga iyo waxa aan dhalnay waxaan ka koobnayn 7da qoys, xaduudaana nalagu soo qaabilay, waxaa nala keenay xafiiska magaalada oo laanqeyrta cas ay naga soo qaaday, waxaana beledxaawo kaga xamaalan jiray gaari dameer).

Cabdi waxaa uu rajo xumo ka muujiyay inay dib ugu laabtaan magaalada Beled xaawo ''Wallaahi maanta Beled xaawo rajo ma jirto, maanta shacabka Beled xaawo rajo ay ka leeyihiin Illaahay rajo khayr qabta ha keeno''.

Mandheera oo uu haatan ku sugan yahay Cabdi Abiikar ayuu sheegay inay magangalyo u soo galeen ayna jecel yihiin inay sii joogaan.